Beesha Geledi Oo Kulamo Muhiim Ah Uga Furmay Degmada Afgooye Kadib Markii Mas’uuliyiintii Afgooye Laga Dhigay Mid La Dilay Iyo Mid La Barakiciyey (Video)

Beesha Geledi oo ka mid ah beelaha dego gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxaa ay kulan balaaran ku yeesheen degmada Afgooye. Kulankan oo diiradda lagu saarayey sidii shacabka degmada Afgooye looga samatabixin lahaa gumaadka moooryaanta Milateriga sheegato ay ku hayaan ayaa yimid kadib markii uu fashilmay Kulamo beesha Geledi ay la qaadatay Wasiirka Xanaanada Xoolaha K/Galbeed oo doonayey inuu isku soo dhaweeyo Horjoogeyaasha Mooryaanta iyo Shacabka beesha Geledi kala irdhoobay.

Beesha Geledi ayaa ka careysan dilkii horey maleeshiyaadka Xasan Culusow ay u geysteen gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye C/laahi Iideey iyo taliyaha Nabadsugidda degmada Afgooye. Sidoo kale, waxaa degmada Afgooye iskaga cararay gudoomiyaha degmada Afgooye C/qani Yuusuf Boolimoog oo isagana la doonayey in shirqool lagu khaarijiyo kadib markii Shariif Xasan uu ka qaaday Xasaanadda gudoomiyenimo.

Video Credit: Daafeet

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran