Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq Oo Maanta Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo U Gudbiyey Madaxweynaha Ciraaq(Video)

Madaxweynaha dalka Ciraaq Fu’aad Macsuum ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha Aqoonsiga kaga gudoomay Danjire Cabdullahi Sheikh Maxamed Suufi oo dhowaan loo bedelay dalka Ciraaq.

Danjire C/laahi Sheekh Maxamed Suufi ayaa horey u soo noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Rwanda ka hor inta aan Wasaarada Arimaha Dibadda nusqaaminin tirada Safiirada Somaliya u fadhin doono dalalka Caalamka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran