Dowladda Iran Oo Sheegtay In Muwaadiniinteeda Aysan Xajin Doonin Sanadkaan

Dowladda Iran ayaa shaacisay in sanadkaan muwaadiniinteeda aysan ka qayb gali doonin gudashada Acmaasha Xajka.

Wasiirka wasaaradda Hidaha dhaqanka Iran Cali Jannati ayaa maanta ku dhawaaqay in muwadiniintooda aysan sanadkan xajin doonin. Wasiirka ayaa arintaan ku sababeeyey in xanibaad kaga timid dhanka boqortooyada Sacuudiga.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Sacuudiga Caadil Jubeyr ayaa sheegay in codsiyada Iran ay doonasay oo dhan loo fuliyey hadana ay diideen inay saxiixaan  shuruudaha Xajka ee muwaadiniintooda laga rabo inay soo buuxiyaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa shuruudo adag u sameysay Muwaadiniinta Iran ee xajka ka qayb galaayo iyadoo sanadkii hore Xujeyda reer Iran ay sabab u noqdeen shilkii ay ku dhinteen Boqolaal Xujaaj kadib markii ay khilaafeen Tacliimaatka Xajka ee dowladda Sacuudiga ay diyaarisay.

Sarkaal Sacuudiyaan ah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyad ayaa ku eedeeyey dowlada Iran inay siyaasadanayso Acmaasha Xajka isagoo ku nuuxnuuxsaday in arintaasna aan laga aqbali doonin Iran.

Sacuudiga iyo Iran ayaa isku haayo arimo siyaasadeed oo ay ugu horeeyso dagaalada Yemen, Suuriya iyo taageerada Iran ay siiso ururka Xizbullaahi ee Lubaan.

Muranka u dhexeeyo dowlada Iran iyo Sacuudiga ee la xiriira arimaha xajka ee sanadkan ayaa ahaa mid mudooyinkii udanbeeyay soo jiitamayay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran