Nimankii Hawada Ku Qarxiyey Daallo Airlines Oo Maanta Xukuno Musuq-maasuq Hareeyey Lagu Riday (Warbixin)

Waxaa maanta Maxkamada ciidamada Muqdisho la horkeenay 13 qof oo loo haystay inay abaabuleen qaraxii diyaaradda Daallo Airlines laga saaray garoonka diyaaradaha Muqdisho, maxkamadda ayaa riday xukuno khafiif ah oo u muuqday inuu musuq maasuq hareeyey.

Xukunada La Riday

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Xabsi Daa’in ah ah lagu xukumay Cabdiwali Maxamuud Macow oo ahaa ninkii Laptop-ka u dhiibay ninkii Jiiska ahaa ee diyaaradda la raacay qaraxa. C/weli wuxuu dilay nin saaxibkiisa ah oo Xasan Caato lagu magacaabi jiray isla markaasina Kaamirada CCTV ee garoonka ay qabatay isagoo howsha wax kala abaabulayo.

Sidoo kale,C/wali Maxamuud Macow oo haybta kore ay wadaagaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa laga yaabaa in Cabdiweli uu xabsiga uga soo baxo Cafis Madaxweyne.

Ragga maanta lagu xukumay Xabsi Daa’in oo labo qof ahaa ayaa qofka labaad wuxuu ahaa Careys Xaashi Cabdi oo isagoo maqan maxkamadda ku xukuntay isla markaasina la cadeeyey in uu katirsanaa Al-shabaab.

Dhanka kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali waxaa lagu xukumay min afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi lagu xukuay min hal sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamadda waxay sidoo kale, min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye. Maxay maxkamadda fasaxday Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

C/laahi C/salaam Boorle oo ahaa ninkii Jiiska ah ee Laptop-ka qarxay loo dhibay ayaan ilaa hadda la kala cadeynin inuu Mishanka wax ka ogaa iyo inuu dhibane u ahaa C/Weli iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee qaraxa u dhiibay. Qaraabada C/laahi C/salaan Boorle waxay sheegeen inuu arimo caafimaad ugu socday dalka dibaddiisa isla markaasina uu magaalada Hargeysa ka ahaa macalin dugsi Qur’aan.

Musuq-maasuqa iyo Shakiga 

Arinta muujineyso Musuq-maasuqa maxkamadda ciidamada Muqdisho ayaa ah in ciqaab ku kooban xabsi lagu rido nimankii Laptop-kii Qaraxayey gacanta ka saaray C/laahi C/salaam Boorle oo ka tirsanaa rakaabkii Daallo Airlines.

Su’aalaha u baahan in laga jawaabo ayaa ah:

1- Sidee isku fahmeen  C/weli Maxamuud oo ahaa sarkaalka ugu sareeyo amniga garoonka Muqdisho iyo C/laahi C/salaam Boorle(ninka qaaday Laptopka) haddii uu C/laahi C/salaam Boorle ahaa nin Shabaab ah?

2- Sidee lagu kala cadeyn karaa in C/laahi C/salaam Boorle inuu Shabaab ka tirsanaa iyo in kale?

3- Miyaaney Suurta gal ahayn in  C/laahi C/salaam Boorle lagu yiri alaabtaan ii qaad ee iigu dhiib qof kuugu imaanaayo garoonka Jabuuti?

4- Xasan Maxamed Xasan oo maxkamaddan ku xukuntay dil toogasho ah wuxuu ahaa ninkii fududeeyey weerarkii Villa somalia lagu qaaday 2014-ka, Xukunka maanta ee C/wali Maxamuud oo qarax saaray diyaaradda Daallo lagu riday ee Xabsi Daa’inka ah muxuu kaga duwan yahay xukunadii lagu fuliyey dhalinyaradii Shabaabnimada loo dilay?

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE