Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo La Filaayo In Maanta Laga Soo Saaro Warmurtiyeed Qeexaayo Qaabka Loo Fulinaayo Doorashada

Madasha Wadatashiga Qaran oo shir uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyay shirkaasi.

 

Afhayeenka Villa Somalia Daa’uud Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta la soo gaba gabeyn doono, wuxuuna xusay Daa’uud in shaley Arimaha Ammaanka Doorashooyinka la isla gartay.

Warmurtiyeedka la filaayo in shirkan laga soo saari doono ayaa noqonaya sidii loo fulin lahaa doorashooyinka ka dhacaayo Somalia bisha August ee 2016-ka iyo magacaabidda gudiyada doorashooyinka.

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta muraajaceynaayo muran ka taagan Aqalka Sare iyo Suurta-galnimada in gobolka Banaadir matilaad ku yeelan karo iyadoo dhibaato ay ka taagan tahay cidda qaadaneyso xuquuqda gobolka Banaadir maadaama Caasimadda ay ka dhexeyso dadka Soomaalida oo dhan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran