Shirkad Shiinees Ah Oo Xayeysiin Ka Dhigatay Muuqaal Aduunka U Aqoonsaday Kii Ugu Cunsurinimada Badnaa Aduunka (Video)

Waxaa todobaadkii la soo dhaafay dhacday cunsurinimadii aduunka ugu xumeyd taasoo aan horey loogu arag taariikhda Muuqaal baahiyaha aduunka(Televission). Shirkad laga leeyahay dalka China oo lagu magacaabo Shanghai Leishang Cosmetics ayaa dadka madow astaan uga dhigay wasakhda (Uus-kagga) kadib markii ay xayeysiinta Saabuunta u adeegsatay nin madow ah oo la dhaqayo kadibna isu bedalaya nin nadiif ah oo u muuqaal eg dadka Shiinaha.

Muuqaalkan ayaa si weyn loogu cambaareeyey baraha internetka, iyadoo lagu tilmaamay shirkada soo saartay mid cunsuri ah oo astaan uga dhigaysa dadka madow inay yihiin wasakh ama dad aan nadiif ahayn, xayeysiintan ayaa ah mid kamid ah daawooyinka dharka lagu dhaqo oo ay shirkadaasi soo saarto.

Shirkaddan ayaa ka cudur daaratay muuqaalkan iyadoo warbaahinta Caalamka ku eedeysay inay si xun u adeegsadeen xayeysiinteeda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE