Xildhibaanadii K/Galbeed Ee Ku Sugnaa Magaalada Marka Oo Markale Loo Diiday Inay Degaan Sarta Iimaan Center (Warbixin)

Waxaa markale bahdilaad iyo wajigabax lagula kacay xildhibaanadii K/Galbeed iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka Sh.hoose Xasan Shiino oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii loo diiday inay degaan Sarta Iimaan Center(Guriga Maana Xaajow) oo ay qoryo la saaran yihiin mooryaanta Habargidir iyo maleeshiyaadka Hawiye ee Milateriga sheegto.

Sida aan horey u baahinay, mas’uuliyiintaan oo labo maalin ka hor doonayey inay booqdaan xarunta dowladda Hoose ee degmada Marka iyo Isibtaalka degmada ayaa loo diiday inay istaafkooda horey u kaxeystaan waxaana lagu qasbay in iyagoo sacbooley ah ay raacaan Horjooge C/laahi Hurdaaye oo xasuuqa uu u geystay la ogyahay shacabka beesha Biimaal.

Sidoo kale, shaley subaxdii ayey mas’uuliyiintaan oo meel ay ku hoydaan la’aa Horjooge C/laahi Hurdaaye iyo AMISOM waxay ka codsadeen in la dejiyo Sarta Iimaan Center(Guriga Maana Xaajow) oo qoryo ay la saaran yihiin maleeshiyaad Milateri sheeganaayo iyo mooryaan Habargidir ah. Ciidamada AMISOM ayaa markey xaqiiqsadeen in mas’uuliyiintaan K/Galbeed aysan haysanin guri ay ku hoydaan isla markaasina dulsaar ay ku yihiin dad masaakiin ah waxey ka ogolaadeen inay dejinayaan Sarta Iimaan Center, balse waxaa si adag u diiday oo ka horyimid calool jileeca AMISOM wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisinta K/Galbeed C/qaadir Nuur Caraale oo telefoon kula soo hadlay isla markaasina ku amray ciidamada AMISOM inaysan maleeshiyaadka Hawiye ka saari karin Sarta Iimaan Center, kadib AMISOM ayaa u sheegtay xildhibaanada 4-ta ah  iyo gudoomiye Xasan Shiino inaan la ogoleyn inay degaan Sarta Iimaan Center ee ay lahayd marxuumad Maana Xaajow.

Waxgarad ka tirsan beesha Biimaal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka oo si hoose ula hadla shabakadda Markacadey.com ayaa ku micneeyey bahdilaadda loo geysanaayo Xildhibaanada beesha Biimaal ee K/Galbeed iyo gudoomiye Kuxigeenka Sh.hoose ay tahay mid la rabo in lagu niyo jabiyo shacabka beesha Biimaal ee diiddan in deegaanadooda ay ka taliyaan mooryaanta Habargidir iyo maleeshiyaadka Hawiye ee adeegsanaayo magaca Milateriga.

Dhanka kale, Xiriir ay Markacadey.com la sameysay mas’uuliyiintaan bahdilaadda lagu sameeyey ayaa wacad ku maray inay ka soo baxaayaan magaalada Marka haddii aanay berri oo Talaado ah(31/05/2016) imaanin Wafdi isugu jiro Qab-qableyaal iyo Wasiiro K/Galbeed ka tirsan kuwaasoo uu magaalada Marka u soo diray Shariif Xasan.

Xildhibaanada 4-ta ah ee K/Galbeed iyo Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh.hoose Xasan Shiino ayaa xiligan dulsaar ku ah guri ay leeyihiin qoys maskiin ah oo ku yaallo xaafadda Horseed ee degmada Marka.

Guriga Maana Xaajow (Iimaan Center)
Guriga Maana Xaajow (Iimaan Center)
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE