Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Wasiirada K/Galbeed Iyo Shirqoolka Shariif Xasan Oo Xiligaan Ka Soconaayo Duleedka Degmada Marka

Waxaa xiligan banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo socdaalka Wasiiro ka tirsanK/Galbeed ay ka soconayaan degmada Marka iyo deegaano duleedka ka ah oo Ceeljaalle ay ka mid tahay.

Dadweyne careysan ayaa banaanbaxyo kala hortagey Wasiiro ka tirsan maamulka K/Galbeed markii ay soo gaareen Ceeljaale, wasiirada qaybta ka ah safarka waxaa ka mid ah C/qaadir Nuur Caraale, Gudoomiye Xasan Cumarey, Wasiir Xuseen Cali Xaaji, wasiir Zeytuuni, Xildhibaan Nadiir iyo kuwoo kale oo aan weli magacyadooda helin.

Arinta dadweynaha ay aad uga careysan yihiin ayaa ah in Shariif Xasan iyo maamulkiisa muddo dheer ay ka aamusnaayeen xarumihii maamulka degmada Marka oo ay xoog kula wareegeen maleeshiyaadka Hawiye iyo mooryaanta Habargidir kuwaasoo markii xarumaha maamulka degmada Marka qabsanaayeen khatar geliyey nolosha gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey.

Waxaa idiin soo gudbin doonaa codadka banaanbaxeyaasha ee maanta gelinkii dambe ka dhacay Ceeljaalle oo xiligan ay ku sugan yihiin Wafdiga C/qaadir Nuur Caraale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE