Deg Deg Qarax Xoogan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Qoryoole Ee Gobolka Shabeelada Hoose

War hada soo gaaray Warqabadka Markacadey ayaa sheegaya in qarax xoogan lagu weeraray goob aad u mashquul badan oo ku taala Degmada Qoryoole ee Gobolka Shabeelada hoose.

Wararka qaraxa ayaa sheegaya in bam gacmeel lagu weerar meel fadhi ku dirir ah oo ay buuxeen dad kala duwan, wararka aan helnay ayaa axaqiijinaya in bam gacmeedka uu geystay khasaare kala duwan oo isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob jooge ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa Markacadey u sheegay in dhimashada ay gaareyso in ka badan shan. ruux halka dhaawacu uu u dhaxeeyo tobo-sagaal ruux, oo isugu jira Shacab iyo Ciidan Meesha marayey.

Barta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah halka lagu magacaabo Fdhi ku dirirka Degmada, bartan ayaa u dhaxeysa Suuqa Galeyda iyo Shirkadda Hormuud, waana goob aad u mashquul badan. qaaraxa ka dib ayaa goob joogayaashu sheegeen Ciidamada ay fareen rasaas xoogan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxaas wararkeena dambe ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE