Dhageyso C/hi Haaruun “Nimankaan K/galbeed Ee Ku Magacaaban Deegaanka Dhibaato Waxaan Aheyn Dadka Uma Haayaan”

Gudoomiyaha Midnimada iyo Aaya Ka Talinta Shacabka Shabeelada hoose C/hi Cismaan Haaruun oo wareysi siiyey Idaacada Danan ee magaalada Muqdisho ayaa weerar ku qaaday xil magudayaasha Koonfur galbeed ee kasoo jeeda Deegaanada Shabeelada hoose.

Gudoomiye Haaruun ayaa sheegay in Maamulka Koonfur galbeed waxaan dhibaata aheyn inuu deegaanka usoo kordhin, isagoo soo hadal qaaday dhacdadii maanta lgu gubay guryo badan oo ay lahaayeen dad shacab ah ku yiiay Deegaanka Shalambood.

Dhacdada lagu gubay Guryaha ayuu ku sheegay mid ay ka dambeeyaan Maamulka Koonfur galbeed oo xasilooni u diidan Shacabaka islamarkaana barbar taagan Mooryaanta duulaanka ku tagay Gobolka.

Wuxuu intaa ku daray mar walba marka ay jiraan safaro ay Mas’uuliyiin ka tirsan K/galbeed ay ku tagayaan Shabeelada hoose ay diyaarsadaan kooxo Mooryaan ah oo xasarado ka abuur deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE