Dhageyso Shacabkii Mudaaharaadka Kala Hortagay Wafdigii K/Galbeed Ee Niman Dambiileyaal Keenay Degmada Marka

Waxaa maanta banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeeday koox dambiileyaal ah oo isku soo dhex qariyey Wafdi maanta soo gaaray deegaano hoostago degmada Marka ee xarunta gobolka Sh.hoose.

Hogaamiyaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan iyo Xasan Garguurte ayaa wado shirqoolo ay beesha Biimaal garbaduub ugu qabanayaan mooryaanta Habargidir ee dhibaatada ka wado deegaanada beesha Biimaal.

Wafdiga caawa soo gaaray magaalada Marka ee dadka magaalada ku mudaaharaadeen waxaa la sheegayaa inay ku dhexjiraan dhagar qabeyaasha kala ah Mahad Indhacade, Baarliin Dhoodhoole, dagaal-ooge Cabdull iyo kuwoo kale oo la doonayo in lagu shaabadeeyo inay ka mid yihiin dadka deegaanka.

Sidoo kale, wasiir C/qaadir Nuur Caraale ayaa ah ninkii ciidamada AMISOM ku amray inaysan mooryaanta Habargidir iyo maleeshiyaadka Xasan Culusow ka saarin dhismaha Iimaan Center oo la doonayey in la dejiyo Xildhibaanada K/galbeed ee maalmahaan ku sugnaa degmada Marka.

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb qaatay banaanbaxa ayaa caawa u waramay Radio Danan iyagoo sheegay in AMISOM ay awood u adeegsatay inay guryo ku xareyso wafdigii yimid.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran