Dhageyso Siyaasi C/hi Jaamac “Muqdisho Soomaali Ayaa Wada Leh, Dhaqaalaha Kasoo Bxaya Dhamaan Gobokada Soomaaliyeed Ayaa Lagu Dhisay, Waa Ina La Cadeeyaa In…”

Siyaasi lagu mgacaabo C/hi Jaamac ayaa sheegay in wax natiija ah aan laga filaneynin Shirka Madasha Wadatashaiga qaran ee Muqdisho Maamlintii seddaxaad ka socda hadii si sax aan loo cadeynin xaqiiqda.

Siyaasagan ayaa tilmaamay in loo baahanyahay Muqdisho saamigeeda laga doodo hase ahaatee farta ku guday cida qaadaneysa ama u doodeysa saamiga aqalka sare ay ku yeelaneyso Muqdisho.

Go’aan ka gaaridda Madaxda shirka u fadhiya ayuu sheegay in ay ku xirantahay in ay la yimaadaan cida iska leh Muqdsho in la qeexo, maadaama ay hada u sacyinayaan koox gaar ah oo sed bursi ahaan u rabta in ay helaan tiro ka badan tirooyinka hada ay heleen.

Muqdsho ayuu sheegay cida wada degen ay leeyihiin Maamul Goboleedyo, dadka sida goonida ah ugu qeylinaya in la siiyo saamiga Muqdisho ay ku jiraan shan Maamul Goboleed oo mid walba ay ka heli doonaan tirooyin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE