Dhageyso Wasiir Maxamed Xasan Fiqi Oo Ka Warbixiyey Safar Uu Ku Tagay Nayroobi Iyo Shir Ka Furmaya Baydhaba

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee maamulka Koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo hada ku sugan magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta uga waramay howlo shaqa uu ku tagay magaalada Nayroobe ee dalka Kenya iyo shir maalinta berita ah ka furmaya Baydhaba.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in safar shaqa ah uu ku tagay dalka Nayroobi islamarkaana ay kuso dhamaadeen howlihiisa si guul ah, isagoo intaa ku daray in 1-da bisha oo ku aadan maalinimada berita ah ku beegan shir magaalada Baydhaba ay ku wada yeelan doonaan wasiirada wasaaradaha Beeraha ee maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Waxa uu intaa ku daray in wasiiro hordhac u ah wasiirada shirka ka qeyb galaya ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Baydhaba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran