Jaaliyadda Beesha Biimaal Oo Ka Tacsiyadeey Geerida Ku Timd AUN Maclin Axmidey Abaal-gubow

Jaaliyadda Beesha Biimaal ee boqortooyada Sacuudi arabaya ayaa kulan tacsi ah ku yeeshay Magaalada Jiddah, kaas oo ay kaga tacsiya gudanayeen dhamaan Ehelada, asxaabta, qaraabada iyo dadkii uu ka geeriyooday Allah u naxriistee Maclin Axmidey Abaal gubow oo ka mid ahaa Culimada ugu caansan Beesha Biimaal.

Waxa ay Alla uga rajeeyeen in Janadii Fardowsa ah ka waraabiyo Macllinka, dadkii uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan Allah ka siiyo, waxaana ay sidoo kale Alla ka baryeen in uu bedel qeyr qaba siiyo guud ahaan Beesha uu ka tagay.

Kulanka tacsida ah oo y joogeen Culimada, duqeyda dhaqanka, dhalanyarada iyo guud ahaan Jaliyada ayaa looga sheekeeyey taariiqda mugga xambaarsan eeuu ku tagay Maclin Abaal gubow oo maalmo ka hor lagu aasay Deegaanka duleedka ka ah Magaalada Janaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE