Jaaliyadda Gobolka Sh.hoose Ee London Oo Maanta Ka Banaan-baxaxay Xasuuqii Maleeshiyaadka Guuto 3aad u Geysteen Caruur Iyo Ayeeyo 80 jir Ahayd(Sawiro+Video)

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo xasuuqii maleeshiyaadka Guuto 3aad ee Habargidir ugu geysteen magaalada Shalambood Ayeeyo 80 jiir ahayd iyo 6 caruur ayaa maanta waxay Jaaliyadda gobolka ShabeelahaHoose ku qabteen magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, Jaaliyadda gobolka Sh.hoose ee degan magaalada London waxay cambaareeyeen maamul xumida Shariif Xasan iyo Heshiisyada qarsoodiga ah ee Shariifka uu la saxiixday mooryaantii 25 sano xasuuqa iyo boobka u geysaneyso shacabka Sh.hoose.

Dadka mudaaharaadka dhigaayey ayaa watay Boorar ay ku masawiran yihiin Ayeeyadii 80-jirka ahayd iyo 6dii caruur ee mooryaanta guuto 3aad ee Habargidir inta ay duleedka Shalambood ku dileen kadibna dab qabadsiiyeen meydkooda.

 

1 2 3 4 5 6 7 8

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran