Kaaba Mooryaan Cali Nuure Oo Diiday In Uu Raaco Wasiirada Maamulka K/galbeed Ee Maanta Marka Aaday

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa sheegaya in Kaaba Mooryaan Cali Nuure(Cali Takfiir) uu maanta ka baaqsaday in uu qeyb ka noqdo safar Wasiiro ka tairsan Maamulka Koonfur galbeed ay ku tagayaan degmada Marka ee xarunta Shabeelada hoose.

Mooryaan Cali Nuure oo ku magacaaban Gudoomiyaha Amni darada Shabeelada hoose oo weli xusuusta dharbaaxadii uu kala kulmay shacabka degmada Marka iyo deegaanweynaha Ceeljaale ayaa mar kale iska diiday in uu wehliyo Wasiirada uu dagaal ooge C/qaadir Nuur Caraale uu maanta u kaxeystay magaalada Marka.

Sida warbixinta aan ku heleyno Wasiir Caraale ayaa Kaaba Mooryaanka weydiistay in lasoo ogaado Mashruuca Marka loo wareejiyey ee bilowgiisii hore lagu qabtay Degmada Afgooye, waxaana Cali Takfiir uu sheegay hadii Marka uu tago ay kaceyso xasaasiyad hor oo dhaawaceysa danahiisa.

Wasiirada oo maanta ka amba baxay Afgooye ayaan weli gaarin Magaalada Marka oo laga sugayo, waxaana laga yaabaa Caawa inay ku hoydaan Deegaanka Ceeljaale, si beri subaxdii ay usii wataan safarkooda ku wajahan magaalada Marka.

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumareey ee degmadiisa loo socdo ayaa xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho isagoo xarumihii maamulka degmada Marka ay ka soo ceyriyeen maleeshiyaadka Hawiye ee milateriga sheegto iyo mooryaanta Habargiir ee ka amarqaato Cali Cilmi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran