Khilaaf Cusub Oo Soo Kala Dhexgalay Xildhibaanada Marka Ku Sugan Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Shabeelada Hoose (Xog)

Khilaafka ayaa salka ku haaya joogaashaha magaalada Marka oo ay ku bahdilanyihiin xildhinaabada iyo Gudoomiye ku xigeenka Shabeelada hoose oo ogolaaday in ay Sacaboolayaal ku noqdaan deegaanada ay kasoo jeedaan, ayna qaaten amarka Mooryaanta.

Xildhibaanada oo afar gaaraya iyo Gudoomiye Xasan Shiino ayaa isku qabtay siyaasad xumada Muqdisho laga hagayo ee ay ku dhaqmayaan Mas’uuliyiinta qaar, waxaana ay ku doodayaan in ay ahaadaan Mas’uu’liyiin xor ah oo ka shaqeeya danaha dadka iyo deegaanka.

War si hoose ay u heshay Markacadey ayaa sheegaya in awoodii Xildhibaanada iyo Gudoomiye ku xigeenka ay la wareegeen laba Mudane oo safarka qeyb ka ah oo xiriir wanaagsan la leh Ibraahim Cali Xaaji Iyo Madaxweyne Shariif.

Khilaafka xoogiisa ayaa ka dhashay diidmada ay Mooryaanta kala kulmeen in la dego xarunta Iiman Center iyo soo dhaweyn la filayo in halkaas loogu sameeyo wasiiro la doonayo in ay Marka gaaraan, si ay u bisleystaan Mashruuca qabyada ah.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa ku doodaya in wasiirada imaan doona aan la dejinin xaafada Horseed hase ahaatee la geeyo xarunta Iiman center oo weligeed lagu soo dhaweyn jirey madaxda Booqaneysa Marka, waxa fikirkaas ka hor yimid Mas’uuliyiinta qaar oo ku adkeystay in awoodooda ay gaarsiisneyn in Wasiiro ay dejiyaan meel loo diiday.

War aan kala cadey ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta xalay ay kala hoyden ayna ku kala guureen goobtii ay markii hore kusoo degeen, maadaama ay aheyn kuwo ay tala ka wada dhaxeyso oo ka shaqeenaya danaha ay warbaahinta ka sheegaan.

Shakiga soo ifbaxay oo soo kala dhex galay Xildhibaanada iyo Gudoomiye ku xigeenka ayaa maalmahan si aad ah loo hadal haayey, waxaana dadka qaar ay tuhmeen markii loo diiday in ay istaaf u wataan Marka gudaheeda oo ay xoog ku joogaan Mooryaanta Habar gidir iyo Maleeshiyaadka Hawiye oo magaca Milateri ku jooga.

War goor dhow la helay ayaa tilmaamaya in Saacadaha Soo socda Marka ay gaari doonaan Wasiiro ka tirsan K/galbeed oo horey u watay Mashruuca dhaqaale doon ah, islamarkaana loo diyaariyey guri ku yaala Xaafada Ayuub. Wasiirada Marka tagaya ayaa jid mar ama meel ay ku gaaraan dhaqaalaha Mashruuc Caraale ka dhigtay Xildhibaanada sumcada ka dilay Beesha Biimaal.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaan kuso gudbin doonnaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran