Maxaa Kusoo Kordhay Wafdiga Maanta Lagu Mudaaharaaday Ee Kusii Jeeday Marka

Ka dib markii maanta Mudaaharaadyo ballaaran lagala horyimid Koox isugu jirta Xildhibaano, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Marka ayaa  waxay ku leexdeen xerada Ciidamada Amisom ee deegaanka Ceeljaalle.

Xubnaha wafdiga ayaa ka Koobnaa Wasiir C/qaadir Nuur Caraale, Wasiir Xuseen Cali Xaaji, Wasiir Maxamed Cumar Zeytuun, Wasiir kale oo magaciisa aan helin, Xildhibaan Nadiir iyo Gudoomiye Xasan Cumarey.

Caawa Fiidkii ayaa warbixin aan helnay waxay sheegaysaa in Wafdiga gaara ahaan xubnaha kasoo jeeda Beesha Biimaal ay ku hoydeen magaalada Marka gaar ahaan guriga lagu diyaariyey xaafada Ayuub, halka xubnaha kale wafdiga ay ku hareen xerada Amisom ee Xeeljaalle.

Siday kusoo waramayaan dad ku sugan Marka jawiga Xaafada ayaa u muuqda mid aad u kacsan, waxaana Mas’uuliyiinta tagay ay doonayaan in ay xaalada dejiyaan si beri subax Magaalada ay usoo gaaraan kooxda Caraale ee Ceeljaalle ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE