Mooryaan Uu Horkacaayo Nuur Jiidow Oo Maanta Guryo Gubid Ka Wado Shalambood Iyo Xiisad Dagaal Oo Halkaasi Ka Taagan

Xiisad ka dhalatay guryo ay gubeen mooryaanta Habargidir ee uu horkacaayo Nuur Jiidow ayaa maanta ka taagan deegaanka Shalambood ee duleedka degmada Marka.

Maleeshiyaadka Habargidir ee Guuto 3-aad ku mideysan ayaa in badan oo ka mid ah guryaha shacabka maanta gubay gaar ahaan guryo ku yaalo xaafadda Buulo Cadeed.

Ciidamada deegaanka ee fariisinka ku leh isbartiibada Shalambood iyo deegaanka Siinay ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ciidan si ay mooryaanta uga horistaagan guryaha shacabka ee ay gubaayaan.

Wixii ka soo kordho xaaladda Shalambood iyo xiisadda ka taagan dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran