Shacabka Degmada Baraawe Oo Qaati Ka Taagan Mooryaanta Aadan Laba Afle

Shacabka ku dhaqan magaala Xeebeedda Baraawe Ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa cabasha xoogan ka muujiyey Mooryaanta uu hogaamiyo Kaaba Mooryaan Aadan Laba Afle oo dhul boob ka wada Degmada.

Waxa lasoo sheegayaa in magaalada Maamul la’aan ay tahay, xafiisyadii uu ku shqeen jirey Maamulka ay la wareegeen Mooryaanta Habargidir ee xoogga ku jooga Degmadaasi, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in Mooryaanta ay sii laba jibaareen dhibaatada Shacabka.

Gudoomiyaha Degmada Xuseen Barre Maxamed (Jeex) ayaa ku biiray Gudoomiyeyaasha dibad jooga ah ee ka maqan xafiisyadooda, waxaana uu degenyahay sida warka aan ku heleyno hotel ku yaala Magaalada Muqdisho.

alaba Afle
Mooryaan Aadan Laba Afle

Mooryaanta Laba Afle ayaa la aaminsanyahay in ay Gudoomiye Jeex ay kasoo Ceyrsadeen Xafiiskiisa, waxa inta badan gaabis ah shaqada xarumaha Maamulka oo ay isku gadaameen Mooryaanta Habaragidir.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran