Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Qarka U Saaran In Uu Burburo

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qaabka uu u socdo shirka Madaxda Wadatashiga qaran ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo looga doodayo qodobo ay ka mid yihiin saamiga Muqdisho ay ku lahaan doonto dhismaha aqalka sare.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda qaarkood ay ku doodayaan in markii leysku haayey shirarkii looga doodayey in aqalka sare lagu saleeyo habkii 18-ka Gobolada dalka hase ahaatee taasi laga hor yimid,waxaana ay ku dhegenyihiin in dib loogu laabto heshiikii hore loo gaaray.

Madaxda qaar ayaa qaba in sheekada ah Muqdisho in ay xubno ku yeelato aqalka sare ay wataan Beelo 25-kii sano ee lasoo dhaafay soo degay Caasimada kuwaas oo qaab sed bursi ahaan u doonaya in ay wax ku helaan.

Shirka la rabay in shalay lasoo gabagabeeyo ayaa maalintiisii seddaxaad galay,waxaana laga cabsi qabaa in uu fashil hareeyo oo lagu kala kaco, maadaama ay jiraan kala aragti duwaansho weyn oo u dhaxeysa Madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka hadlay arimaha shirka ayaa quus ka muujiyey sida ay wax u socdaan iyagoo meesha ka saaray suurtagalnimada in la ogolaado Muqdisho oo ay wada degenyihiin dhamaan Soomaalida gaar ahaan dadkii iska lahaa ee Reer Banaadiri laga qadiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran