Madax Ka Tirsan Dowlada Oo Booqtay Hotelka Ambaassador Wax yar Ka Dib Markii Lasoo Afjaray Weerarka (Video)

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo taliyaha Nabad-Sugidda ee C/raxmaan Tuuryare ayaa gaaray Dhismaha Hotelka Ambassador , halkaas oo xalay ilaa saaka ay ka dagaalamayeem dagalayahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Masuuliyiintan ayaa u tagay Hotelka Ambassador sidii ay usoo arki lahaayeen qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelkaasi shalay gabal dhicii lagu qaaday, waxa ayna masuuliyintan kormeereen qeybo kamid ah Hotelka.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka Ambassador waxaa ku dhintay dad ka badan 20-qof oo ay ku jiraan labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka fedaraalka, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 50-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE