BAAQ NABADEED oo ku aadan Colaadda koonfurta Gobolka SOOL deegaanka DHARKAYN GEEYE – W/Q Sultan Abdikariim Farah (Dulmi DIID)

Waxaan aad iyo aad uga murugaysanahay colaada dhexmartey labada raas ee walaalaha ah ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca walaalo aynu aad u jeclayn gaar ahaan iyo guud ahaanba waxaanan intii dhimatey ilaahay SWT uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhaawacantayna caafimaad dag dag ah siiyo…………………….………….

Talo Soo Jeedin

Waxaan ugu baaqayaa culumaa,udiinka madaxda dhaqanka aqoon yahanka dhalinyarada jaamacadaha ururada bulshada rayidkaa ee deegaanka iyo guud ahaan umadda somalidaba in ay isu xilqaamaan sidii collaadaa loo joojin lahaa loona dhexdhigi lahaa labadaas raas ee walalaha ah nabad waarta iyo dib u heshiisiin dhab ah insha allaahu tacaalaa………………….……..

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa walaalaha ehelka ah ee collaadu dhex martey in ay la yimadaan  xabad joojin bilaa shuruud ah una hogaansamaan ergada bulshada muslimiinta ah ee soo kala dhexgalay Allaah SWT na ay ka cabsadaan……………………………

Tacsi

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ehelkoodu ku geeriyoodeen mashaqada iyo kuwii ay ku dhaawacmeenba waxaanan ilaahay SWT uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo…………………….….

Waxaan si gaar ah u Tacsiyadeynayaa eheladii uu ka geeriyoodey alle ha u naxariistee Nabadoon Sulub Cali Gaas inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun………………………..

Waxaan leeyahay
walalayaal waanu idinla qaybsanaynaa tiiraanyada iyo murugada………………….……….

Bogaadin

waxaan ku bogaadinayaa kuna hambalyeynayaa xukuumada Somaliland saraakiisha iyo xubnaha ciidamada qaranka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u xakameeyeen in ay colaadu siifido…………………..………….

Waxaanan leeyahay wayku amaanan yihiin ciidamada qaranku sida howl karnimada leh ay abniga u sugeen……………………………..

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….………….

Gudoomiyaha Ururka Cadaalada iyo Sinaanta Soomaaliyeed ee SIME Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka Nabada somaliyeed………………..……..

Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran