Baaq Qaylo-dhaan Ah Oo Ku Wajahan Beelaha Digil Iyo Mirifle – By: Dr. Cali Cabdi A. BAAB

Hoogaamiyaha Ruuxiga ee Kacdoonka Koonfur-galbeed ayaa Baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray qaabka loo soo xulay Gudiga doorashooyinka Qaran ee ka dhici doonto dabayaaqada sanadaan 2016-ka Soomaaliya.

Hogaamiyaha waxa uu carabka aad ugu adkeeyay in aan qaab sharci ah loo marin xulista gudigaas isla markaasina uusana waafaqsaneyn sharciga qaabka uu u soo maray xulistiisa gudigaasi, Madaxweyne xasan Culusow talaabada uu qaadayna waa qaladkii ugu weeynaa ee uu qaado Ruux masuul ah, waana qaladkii ugu weeynaa ee laga galo masiirka ummada soomaaliyeed ee ku aadan Doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo, dhaliilaha ugu waaweyna waxaa ugu weeyn waziirada lagu soo daray, halka maamul-goboleedyadana ay wakiilo ku leeyihiin, waxaana halkaasi laga bixiyay qeeybtii ay bulshada rayidka ahi lahaayeen, taasina waxeey cadeyn u tahay in ay jiraan Dano gaar ahaaneedyo.

Waxaan walaac aad u weeyn aan ka muujinayaa xubnaha u matalaaya Maamulka Koonfur-Galbeed oo usoo Magacaawday shakhsiyaad aan laheyn khibrad iyo waaya-aragnimo siyaasadeed iyo Aqooneed taasi oo u eg war (DUQDA MAXAA KU OGEEYD INDHA LA’AAN) waxeey ku darsatay(DAD CUNID) taasi oo aan ula jeedo iyadoo Maamuka Koonfur-Galbeed masiirkii siyaasadeed uu maalin cad Bohol ku riday ayaa haatan u magacaabay shakhsiyaad aan Ehel u eheeyn gudiga doorashada Qaran inay matalaan bulshada Koonfur Galbeed.

Waxaan Qaylo-dhaan u dirayaa Qowmiyad-weynta Digil & Mirifle oo Masiirkooda siyaasadeed Janaazadiisa banaanka taalo ee hogaamiyaha Koonfur-galbeed uu rabo iyadoo salaadii Janaaza lagu tukanin in uu aaso, waxaan ugu baaqayaa Reer Baydhaba in ay arintaan ka Dhiidhiyaan kana hor yimaadaan Shucuurtoodana ay ku muujiyaan Banaanbaxyo waaweyn oo ay ka hor dhigaan Goobta ama Hoolka uu ka dhacaayo shirka. Hadii laga dhii-dhin waayo arintaan waxeey dib usoo celin doontaa Taariikhdii madooweeyd ee eheen Xizbiya al Taawaneey seeftii Siid Cali ka taale laakin haal dhahooy Leego ma fadaano….ma fadaano, calaamada istaabta oo ah calaamada wax lagu doorto.

Balanteeyna waa Banaanbax & Afaafka hoore ee Goobta shirka Madasha si shucuurteena u muujino.

Hogaamiyaha Ruuxiga Kacdoonka Koonfur-galbeed
Dr,CaliCabdi.A.BAAB

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran