Waar iga reeba Laylatul’qadrigii ayaa i eryanaayee – W/Q: Qareen/Khadar Aar

Wakhti aan sidaasiba usii fogayn dadka Somalidu badankeedu waxa ay ka amin sanayeen Habeenka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku Jira ee Laylatul Qadriga loo yaqano, in uu yahay Habeen uu qofku arkaayo wax nool oo socda , waxaasi Jin iyo Insi midkuu doono ha ahaadee.

Waxaba dhici jirtay in Habeenada qaar ay dadku odhan jireen Caawa oo kale ayaa la daydayaa sidii wax lumay oo kale ,iyaga oo uga jeeda raadinta Laylatul Qadrigu in ay tahay in uu qofku arko Habeenkasi wax mucjisa ah gaar ahaan wax nool oo soconaya oo Jin iyo Insi mid uu yahay aan la garanayn, amma wax maryo cadcad iwm.

Waxana si gaar ah looga filan jiray in Laylatul Qadrigu uu kasoo taahiro goobaha Mugdiga ah ee cabsidu ku badan tahay , luuq luuqyada iyo Wadooyinka aanay dadku inta badan marin Habeenkii .

Tariikhda marka laga soo bilaabo xiligii 1991 wixii ka horeeyay waa ay adkayd in Masaajida gudahooda lagu qabto wacdiga iyo wanooyinka diinta ee Culimadu ay dadka u jeedinayso.

Marka lasoo gaadho Bisha Ramadaana waxaa dadka oo dhan caado u ahayd in Culimadu ay dadka ka wacdiyi jirtay goobo gaar ah sida Makhaayado la isugu yimado xiliga Habeenkii gaar ahaan Bacdal Cisha’ha .

Makhayadahaasi waxaa soo fadhiisan jiray Niman culima ah ,kuwaasi oo dadka intii soo xaadirta halkaasi ku wacdiyo jiray .madama ay Bisha Ramadaan inta badan ay kusoo beeganto wakhti qabooba ah ,waxaa Makhayadahaasi laga shidaa lagana camiraa Girgirayaal dhuxula amma Xaabo ,si aanay dadku u dhaxamoon.

Inta aan xasuusto Magalada Hargaysa may badnayn goobaha amma Makhayadaha noocasi ah ee Bisha Ramadaan marka ay soo gasho laga shaladi jiray ,taasina waxaa sabab u ahaa waxa koobna oo aan sida u badnayn Culimada inta badan caanka ku ah Shallaadka iyo Shamiridiisa Bisha Ramadaan.

Barnaamijkaasi waxa uu ahaa mid aad iyo aad u habaysan oo ay ka wada qayb qadan jireen Koox wada socoda oo ka kooban, Sheekha Shallaadka akhrinaya iyo Gacan yarahiisa tumaya Durbaan aad u Qayla waynaa oo marka lagu dhufto dhamaan dadku ay wada xadrayn jireen.

Kutubta inta badan laga akhrin jiray Makhayada ayaa waxa ay ka koob nayeen ,Kitaabka caanka ah ee Somalidu u taqaano Mawliidka,Kidaabka Burdaha iyo Kidaabka Munaqibka Cabdilqadir Jilaani oo ay adkayd in laga tago akhrintiisa madama ay Somalidu wakhtigasi kaba barakaysan jirtay.

Waxyabaha aadka aan u xasuusto waxaa ka mida in marka uu sheekhu akhrinaayo qaar ka mida Baajajka Kudubahiisa isaga oo ku sheegaaya Carabi ayaa waxa kadaba jiibin jiray Nin kale oo Gacanyare ah,kaasi oo marka sheekhu Sadar akhriyaba ka daba odhan jiray ,WAAR BAL DHAGAYSTA.

Wakhtigaasi aan sheegaayo Makhayad kastaa nasiib umay heli jirin Barnaamijkasi isaga ah ,balse waxaa caan ku ahaan jiray Makhayado gaar ah oo iyaga lagu yaqaanay in ay bil-kasta qabtan Barnaamijkasi Diiniga ah,kaaso runtii u muuqday mid dhanka Diinta dadka lagu wacyigalinaayo.

Makhayada Bishaasi diyarisa barnaamijkaasi waxa ay ahayd mid ka tilmaaman Magalada dhaqalaheedu Bishaasi kor ayuu u kaci jiray ,taasi oo aad looga isticmaali jiray Cashada ,Shaaha iyo Suxuurta madama ay dhamaan wada xidhan yihiin Makhayadii kale.

Waxyabaha aadka u yaabka lahaa waxa ka mid ahaa ,in Makhayadaasi ay masuul buuxa ka tahay dhamaan dadka barnaamijka Wacdiga Diniga daadi’hinaaya kharash kooda ,sida Jaadkoda,Sigaarkoda ,shaaha oo daba qabsi ah iyo Cuntadooda oo aan loo miyayn.

Waxaa wali maskaxdayda kusii jirta ,in Habeenadaasi iyaga ah ,hadii Sheekha Xadrada iyo Siirada wada , uu Qaadku ku kala go’o ,waxa aad moodi jirtay in ay dadku u kala dheeraynayaan kalgacalka iyo raali ahaan shaha sheekha ,kadibna waxaa Dhabta sheekha kusoo hooban jiray Qaadka loo hibaynaayo ,iyada oo Barako lagaga raadinaayo .

Inta badan way adkayd in aad ka mid noqoto Dadka Xadrada amma Shallaadka dhagaysanaaya, hadii adan sidan Qaad aad u fara’badan oo aad Ilaa Waabariga kusoo jeedo.

Hadii aad ka mid ahayd dadka Xadrada iyo Wacdiga Diiniga dhagaysta Bisha Ramadaan ,balse habeen habeenada ka mida aad Qaadka soo qaban waydo,habeenbkaasi waxa ku dhaafi jiray Wacdi iyo waano farabadan oo sheekhu dadka u sheegay .

Taasina waxa ay ku tusinaysaa sababta ay Somalidu Qaadka ugu taqaano in uu Qaadku yahay Quud Awliyo ,waana mida keentay wakhtiyadaasi in ninka raba in uu ka mid noqdo dadka xaadira , Xalaqadaha Diinta lagu dhagaysto ayaa waxaa khasab noqonaysay in uu noqdo nin Qaadka iyo Sigaarka balwad u leh.

Akhristayaalow waxaa jiray wakhtigaasi aan ka sheekaynaayo, Nin oday ah oo la odhan jiray Mooge .Mooge ayaa waxa uu ka mid ahaa dadka inta badan soo xaadira dhagaysiga wacdiga iyo waanada goobahaasi Makhayadaha lagasoo jeedinaayo Bisha Ramadaan.

Waxa uu ahaa nin aan habeen kaliya ka maqnaan goobahaasi ,ilaa Habeen uu Jaadka soo qaban waayo moyaane,waxa uu ahaa nin aad ugu qiirooda marka Durbaanka iyo Sacabku isla jaan qadaan sheekhuna uu raaciyo sawdkiisa macaan ,Shaliila yaa cabdil qaadir Almadaad yaa Qalbi xaadir.

Waa habeen Arbaca ah Bisha Ramadaanna waa 27 Todoba iyo Labataan,Sheekhii Makhayada wax ka wacdiyay ayaa waxa uu ku dheeraday kuna dhaartay ,in ay Caawa tahay Habeenkii Laylatul qadriga.

waxa uu yidhi isaga oo hadlaaya :-

Caaawaa Habeenkii Laylatul qadriga ,Bisha Ramadana waa 27 in ay Caawa Laylatul qadri tahay waxaa ku dhaartay Cabdilahi Ibna Cumar Ilahay ha ka raali ahadee,waxaan u sheegayaa qofkasta waa in uu Laylatul-qadriga raadiyo oo aanu ka seexan caawa, kadibna Fooxa ayuu Dabka ku riday!!

Ninkii Mooge ahaa madama aanu kaba fogayn Meesha uu Sheekhu fadhiyo waxaa dhagahiisa sida faladhaha ugu soo dhacay dhaartii iyo hadalkii sheekha ,waxa uu rumaystay in ay caawa tahay Habeenkii la arkaayay Laylatul qadriga ,waxa uu go’aan saday in aanu Guriguu tagin ilaa ay kulmaan Laylatul qadriga.

Waxa la gaadhay xilli ay Suxuurtu soo dhawaato ,waxa laga dareeray Makhayadii ,Dadka badankoodu waxa ay u wada xusul duubayaan in ay caawa la kulmaan Laylatul qadrigii,ninkasta Toban Mijood oo Jaad ah iyo Afar Baakidh oo Sigaara ayaa ku tagay .

Waa habeen layaab leh qof qof la hadlayaa ma jiro ,waxaa lagu kala wada arooray luuqluqyada iyo goobaha Laydhku ku yar yahay mugdiguna ku badan yahay ,waxaa dhirta hoosteeda laga dayay Laylatul qadro, qofkastaba waxa uu si gaar ah u raadinayaa Qof amma wax u eeg oo Maro cad sita oo kasoo horbaxa.

Odaygii Mooge ahaa waxa uu soo qaaday Wadada tagta Xafada New-Hargaysa ,waxa uu dacalka Koonfureed ka marayaa Xabalaha Tiyatarka u dhaw ee layidhaa Danjirka tahsoon ,waxa uu ku celcelinayaa Adkaar sheekhu usoo laqimay ,oo ka cawinaysaa in uu si dhakhso ah uu Laylatul qadrigii ula kulmo, kaligiina mahee midkasta oo caawa Laylatul qadrigii radinayaa Carabkiisu waa uu qalalay .

Odaygii Mooge isaga oo maraya meel u dhaxaysa Dayrka Xabalaha iyo Malcaamada Aw-yoonis , ayaa waxaa markaliya meel Kudafada kaga soo booday Nin Waalan oo Dabas ku dhex galgalanayay aadna u qaylinaya ,walibana qaawan oo aan wax dhar ah xidhnayn.

Waxaaba taasi kasii daran Ninkii Mooge oo markaliya inta uu farxad la muraara dilaacay, isaga oo qaylinaaya inta uu cararay ninkii waalnaa laabta laabta u saaray isaga oo leh ,WAAKAN LAYLATUL-QADRIGII.

Balse ninkii walaa oo arkay in balaayo ka waalani ay ku dhagan tahay ,ayaa inta Bud uu sitay qaaday Odaygii Mooge madaxa laba kakala dhigay.

Odaygii Mooge oo Dhiigu ka da’aayo ayaa orod inta uu isa siidayay ayaa waxa uu u jahaystay dhinacii ay ka xigtay Makhayadii laga soo wacdiyay,ninkii waalana kama hadhine Budkii ayuu la daba ordayaa .

Balse Mooge madamaa uu wakhtigan xaadirka aad u mirqan san yahay kuna tageen Dhawr Mijood oo Jaad ah iyo Dhowr Baakidh oo Sigaar ah una dheer tahay Shaaha Bigayskaa oo aan tiraba lahayn,ayaa waxa aanu ogayn Dhiiga Madaxiisa ka da’aaya.

Mooga ee Qaylinaya ayaa Makhayadii daf yidhi isaga oo ku dhawaaqaya:-

WAAR IGA REEBA LAYLATUL-QADRIGII AYAA I ERYANAAYEE.

Intaasi ka bacdi waxaa dadkii ay arkeen Mooge oo Nin waalan oo la wada garanayaa uu dabada kaga jiro, kadibna Ninkii waalaa ayaa laga kaxeeyay oo iskaga cararay.

Sheekadan Mooge laftiisa ayaa aniga bari danbe iiga sheekeyay .

Waxyabaahi aadka u qaldan waxaa keenaya fahamka qaldan ee ay inta badan ay dadku ka qataan Diinta ,taasi oo u bahan in ay dadku bartaan Diintooda sharafta leh si ay uga baxaan garashadarada ka haysata Diinta isla markana uu ugu hagaago camalka iyo cibadada ay rabaan in ay Rabigood ku baryaan.

1-إنّا أنزلناه في ليلة القدر@ 2-وماأدراك ما ليلة القدر@ 3-ليلة القدر خير من ألف شهر@ 4-تنزّل الملائكة والرّوح فيها بإذن ربّهم من كلّ أمر@ 5-سلام هي حتّى مطلع الفجر@.

Mida kale Habeenka Laylatul qadrigu maaha Habeen qofna uu la kulmaayo Ruur amma wax la mida oo soconaaya,balse waa habeen loo bahan yahay in Cibaado iyo camal suuban lala yimaado ,iyada oo aan Jaad iyo Sigaar iwm aan nafta la cunsiin laguna soo jeedin.

Si kastaba ha ahaatee Habeenka Qadrigu waa Habeen aan ka baxsanayn 10-ka Habeen ee danbe waxaana haboon in Guntiga dhiisha la iskaga dhigo oo aad ku dadaashid inuu ilaahay ku waafajiyo Habeenkaa khayrka badan Ruuxii uu ilaahay waa fajiyana wuu liibaanay Aakhiro iyo Aduunba. Waana inuu Ruuxu aad u badiyaa Salaada, Qur’aan akhriska iyo Ducada iwm. Umaanaa Caa’isha RC Rasuulka scw Markii ay way diisay Hadii ay la kulanto Habeenkan Barakada badan wixii ay ku ducaysan lahayd wuxuu u Sheegay inay ilaahay way diisato Cafis.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE