Faallo: Yaa U Matalaayo Beesha Biimaal 135-ta Odey Dhaqameed Ee Lagu Ansixin Doono Shirka Madasha Ee Baydhabo?

Maalinta berri ee ay taariikhda tahay 22/06/2016-ka waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ka furmi doono wajigii ugu dambeeyey ee shirka Madasha Wadatashiga ee lagu go’aamin doono wax walbo oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ka qabsoomi doonto bisha Agoosto 2016-ka. Ajendaha shirka Madasha ee Baydhabo waxaa ugu muhiimsan in la diiwaan geliyo 135 odey dhaqameed oo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federalka.

Jubbland iyo K/Galbeed Oo Isku Khilaafsan Arimaha Beesha Biimaal

Kulankii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxda Madasha Wadatashiga ayaa maamulada K/Galbeed iyo Jubbaland waxay ku murmeen cidda soo xuleyso xildhibaanada Federalka beesha Biimaal maadaama beesha Biimaal ay degan tahay deegaanada labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo K/Galbeed. Labada maamul goboleed iyagoo aan wax heshiis ah ka gaarin arinta xildhibaanada beesha Biimaal ayaa la soo gabagabeeyey shirkii ugu dambeeyey ee Madasha Muqdisho.

Intaasi kadib, Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali iyo waxgarad uu hogaaminaayey oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa todobaadkii hore magaalada Kismaayo gaaray si ay u soo jaangooyaan Arimaha beesha Biimaal ee Jubbaland uga xiran.

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo ka warhelay in madaxweynaha Jubbaland uu marti qaaday Suldaanka beesha Biimaal ayaa wuxuu isla maalintii Wafdiga Suldaanka tagaayeen magaalada Kismaayo uu Jubbaland u soo diray koox ka kooban C/raxmaan Ibbi, Cabdalle Xuseen iyo Wadaad Axmed Bile, hadafka shakhsiyaadkaan ayaa ahaa in tashwiish lagu furo booqashada Suldaan Axmed. Sadexdaan xubin oo si dadban Shariif Xasan ergo uga ahaa ayaa madaxweynaha Jubbaland ka codsaday in soo xulista xildhibaanada cusub ee beesha Biimaal markaan kaliya  loo daayo Ibraahim Cali Xaaji. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa u sheegay xildhibaanada  inuusan awoodin inuu qasbo waxgaradka beesha Biimaal isla markaasina isaga uusan ahayn ruux Biimaal ah, wuxuu Axmed Madoobe u soo jeediyey kooxda C/raxmaan Ibbi hogaaminaayey inay arintaasi kala xaajoodaan Suldaanka beesha Biimaal oo hadda joogo Kismaayo, arintaasi wey ku adkaatay ergadii Shariif Xasan maalintii xigtay ayey Muqdisho ku soo laabteen.

Dhanka kale, Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Cali ayaa kulamo kala duwan magaalada Kismaayo kula soo qaatay waxgaradka iyo mas’uuliyiinta beesha Biimaal ugu jiro maamulka Jubbaland, waxayna isla soo gaareen natiijooyin wax ku ool ah. Suldaanka iyo Xubnihii safarka Kismaayo ku wehelinaayey ayaa Muqdisho ku soo laabtay, waxayna xiligan isku diyaarinooyiin inay Baydhabo u socdaalaan si ay uga qayb galaan wajiga ugu dambeeyo ee shirka Madasha Wadatashiga oo berri ka furmaayo magaalada Baydhabo.

Muran miyaa ka taagan cidda ah Suldaanka beesha Biimaal?

Maya, Ma jiro muran ka taagan arintaasi sida ay afkooda ku qireen markii la weydiiyey Ergadii u hogaaminaayey C/raxmaan Ibbi ee Shariif Sakiin usoo diray Kismaayo, suldaanka beesha Biimaal waa Suldaan Axmed Suldaan maxamed Cali, balse waxaa jiro dalab iyo gorgortan ay soo gudbisteen kooxda xildhibaanada ah ee ku daba feylsan Ibraahim Cali Xaaji. Waxay rabaan inay markale soo laabtaan iyagoo Xildhibaano iyo wasiir Biimaal ah.

Warar hoose oo ay heleyso shabakadda Markacadey.com ayaa sheegayo in Ibraahim Cali Xaaji ruuxiisa uu doonaayo inuu ku biiro Aqalka Sare isagoo matalaayo beesha Biimaal. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo boorka isku qarinaayo ayaa aad u taageersan in saaxiibkiisa Ibraahim Cali Xaaji tookadan loo xilsaaro arimaha beesha Biimaal, arintan ah in loo ogolaado inuu beesha Biimaal ku matalo Aqalka Sare ayaa ka mid ah waxyaabaha uu ku gorgortamaayo Ibraahim Cali Xaaji.

Gabagabo

Waxaa lagama maarmaan ah in Jubbaland iyo K/Galbeed ay isku raacaan xubnaha odeyaasha dhaqanka ee beesha Biimaal loogu daraayo liiska 135-ta odey dhaqameed si beesha Caalamka magacyadooda loogu gudbiyo. Go’aanka ugu dambeeyo waxaa iska leh waxgaradka beesha Biimaal, Jubbaland iyo K/Galbeed midkoodna awood uma lahan inuu go’aan ka gaaro masiirka beesha Biimaal isla markaasina uu warqad ku qorto magacyada odeyaal Biimaal loogu daraayo 135-ta odey dhaqameed.

Waxaa jiro kulamo la isku horkeenayo Suldaan Axmedey Suldaan Maxamed Caliyo iyo qab-qableyaasha uu hogaaminaayo Ibraahim Cali xaaji ee ku xiriirsan Shariif Xasan, waxaa jiro kooxo 3aad oo u kala dab-qaadaayso dhinacyadan, waxaa laga yaabaa in maanta is afgarad laga gaaro muranka isla markaasina qabqableyaasha loo fuliyo waxyaabaha ay ku gorgortamayaan si beesha uga qayb gasho shirkada Madasha Baydhabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE