Waxbixin ku Saabsan “Maxaa Soomaaliya Ka Qaldan?”, Sidee Dowlada Fashilanya Loo Maal geliyey?

Ilaa sannadkii 2000 markii la dhisay xukuumaddii ku-meel-gaarka ahayd ee Carta, waxa si cad u muuqatay inay caqabado badan la soo darseen hannaanka dawliga ah ee Soomaaliya iyo sidii loo soo celin lahaa qaab-dhismeedka haykalkii qarannimada dalka, qaabkaas oo lagu salaynaayo la xisaabtan iyo hufnaan la wada arki karo oo ay shacabku ku kalsoonaan karaan.

Qoraalkan kooban wuxuu dulmar guud ku samaynayaa warbixin baaxad leh oo dhawaan soo bixi doonta taasoo faahfaahin buuxda ka bixin doonta xiriirka u dhexeeya beesha caalamka iyo maamulada federaalka ah ee ay horseedka u tahay dawladda Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan dawladda uu hoggaamiyo Madax-weyne Xasan Sh. Maxmuud. Hadaba, maadaama aan horey u soo bandhignay xogag dheeraad ah oo la xiriiray musuq-maasuqa baahsan iyo maamul xumada hareeysay maamuladii isku xig xigay ee ku meel gaarka ahaa. Maamuladaas waxay abuureen xiriirka aan cagaha badan ku taagnayn ee ilaa hadadan u dhexeeya beesha caalamka iyo dawladihii ku-meel-gaarka ahaa ee dalka Soomaliya soo maray tan iyo maanta.

“Makuwanaan badbaadiyeyaal moodnay: Sidee nalooga dhaadhiciyey iney fikriyan iyo xadaariyanba anaga naga sareeyaan”

– Gabar Soomaaliyeed

Waxaa cad in deeqda ay beesha calamku bixiso ay abuurtay inay Soomaaliya ka jiraan laba dawladood (Dow-lada iyo ururada aan dowliga ahayn) oo bar-barro ah una dhaqma sida awoodo siman. Arinta kale ee layaabka leh ayaa ah in dakhliga gudaha dalka ka soo xaroodo lamarin habaabiyo loona adeegsado maalgelino gur-racan oo lagu samaysto taasoo lid ku ah dawlad wanaagga.

Waxaa kale oo jira inay dawladda Federaalku samaysatay hay’ado uruurrada bulshada rayidka ah loogu yeero oo ka madax-bannaan dawladda laakin ay iyadu maalgeliso. Dowladu waxay taa badalkeeda xoojin lahayd horumarinta hay’adaha dawliga ah halka ay door bidday inay ku maalgeliso dakhliga gudaha iyo deeqda caa-lamkaba haydaha gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan hay’adaha an dawliga ahayn sida NGOs, CBOs, FBOs, iwm, kuwasoo waxqabadakooda iyo howlahoodu aanay caddayn, waxuuna urur walbo wataa dano iyo ujee-dooyin iyaga u gaar ah danaha hay’adaas ugaarka ahna waxaa ka mid ah hadafyo diimeedyo is khilaafsan.

Tusaale cad waxaa ah, Madaxda dawladda waxay inta badan ku abtirsadaan ama taageeraan kooxahan iyaga ah, mana cadda anshaxa hay’adahan ay madaxdu taageerto iyadoo su’aalo la iska weydiin karo xiriirka ayaga iyo hayadaha ka dhexeeya. Hadaba baaritaano lasameeyay kadib waxaa soo baxday in qaybo ka mid ah miisaaniyadda dalka loo weeciyo maalgelinta hay’ado samafal islaami ah iyo jaamacado gaar loo leeyahay. Tusaale ahaan, sannadkii 2013 oo keliya waxa loo qoondeeyey jaamacadda SIMAD adduun gaaraya, USD 5,950,000. Jaamacada SIMAD waxaa aasaasayaasheedii ka mid ahaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud ilaa iyo hadana waxuu uga tirsan yahay xubin sharafeed ahaan dhab ahaana wali asagaa iska leh. Waxana lacagtaan loo adeegsan karay maalgelinta hawlgallada hay’adaha dawladda oo markii horeba ayaga loogu talo galay balse laga weeciyey.

Habkan weecinta maalgelintu, ma ahan oo keliya inay ku xooleeyaan danahooda gaarka ah, balse waxa looga gol-leeyahay in dalku ku sii negaado xaaladdan gurracan iyo burbuka. Tan kale, waxay ka baxsanayaan la xisaabtan iyo hufnaan la iska dhex-arki-karo inay dalka ka dhalato, taasoo horseedi karta in dawlad awood buuxda leh oo ay hay’adeheedu taabbagal yihiin dalka laga hirgeliyo xilliga burburka kadib.

Xaladdan murugsan ee dalku ku sugan yahay, waxa kaloo si aan toos ahayn u caawisay inay beesha caalamku ku fashilantay horumarintii looga baahnaa ee ay ku taageeri lahayd dib u yagleelida qaab-dhismeedkii haya-daha dowladda. Waxaa muuqata beesha caalamka oo ku sifowday inay bar-baro la tahay Dawladda Soomaaliyeed, iyagoo si toos ah u maalgelisa Ururada kor ku xusan oo ciduna ka war haynin hawlgaladooda aysana jirin la xisaabtan raad raaco leh. Kaddib muddo 15 sano ah oo la soo dhaafay, taageerada beesha caalamku, weli kuma guulaysanin inay buuxiso hadafkii laga sugaayay oo ahaa taabbagalinta hay’ado dow-ladeed oo maamul-wanag ku dhisan iyadoo aan soo bandhigin qaab-siyaasadeed jaangooyn kara nidaam dowladeed oo la xisaabtan ku dhisan. Arintan la gabay waxay ahayd inay dadweynuhu helaan adeegyada ay uga baahan yihiin dowlada ay ku hoos noolyihiin, taasoo og waxay baahidoodu tahay wayse gabtay beesha caalamku inay toos u taageerto Dowladda.

Waxaa ilaa iyo haatan fogaatay in la helo isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo urradda bulshada rayidka ah ee ay dowlada iyo beesha caalamku maalgeliyaan sida kor ku xusan. Qayb ka mid ah hawlaha loo igmaday beesha caalamka iyo dawladda federalka, waxa ka mid ah inay si talan-taalli ah u wada xushmeeyaan anshaxa hufnaata, la –xisaabtanka iyo adeegyada bulshada ee la iska dhex arki karo. Waxaase muuqata hada in, Dawladda iyo Beesha Caalamka, ay u shaqeeyaan si jaantaa rogan ah oo aan u danaynaynin bulshada iyo qarranimada dalka Soomaaliyeed ee burburka ku soo jiray in ka badan 25 sano.

Waxaa muuqata inay beesha caalamku ku xad gudubtay awooddii dawladda iyadoo si toos ah u maalgelisa hay’ado aan dawli ahayn oo aan xog badan laga haynin waxay qabanayaan, islamarkaana waxay beesha caa-lamka oo kaashanaysa dawladda federaalku abuurtay hay’do dawladda kala taliya amniga, arrimaha dhaqaa-laha iyo siyaasadda balse aan ka shaqaynin inay hay’adaha dawladdu horumar sameeyaan.

JUNE 2016

Hadii ay beesha caalamku si toos ah oo hufan u taageeri lahayd dowlada waxaa dhici lahayd inay Dawladdu iskaga filaato helida xogaha ay dowladdi uga baahan tahay dalkeeda gudahiisa waxayna diyaarsan lahayd sidii ay ku gaari lahayd haddiiba ay jirto waqti u qorshaysan in dawladda federalka ay lahaanshaha xogta iyo warbixinada iyadu soo saaran karto ama ay heli karto muwaadiniin hawlahaas u qaban kara.

Xad-gudubkan lagu marin habaabinayo maalgelinta iyo la-xisaabtan diidka, waxay dhaawacday qaab-dhisi-meedkii hay’adaha dawladdu u hawlgali lahayeen, waxaanan ku soo bandhigi doonnaa warbixintan dhamay-stiran ee aan soo saari doono mustaqbalka dhow insha-Allah.

Qoraalkan macnahiisu ma ahan in cid gaar ah lagu waxyeeleenayo laakiin waxaa looga jeedaa istusaalaynta waxa naga khaldamay iyo cidii lug kulahayd si aan isu saxno. Xigashooyinka qoraalkan lagusoo qaatay waxay ka turjumayaan oo kaliya ra’yiga bulshada sida gabadhan Soomaaliyeed ay tiri “Makuwanaan badbaadiyeyaal moodnay: Sidee nalooga dhaadhiciyey iney fikriyan iyo xadaariyanba anaga naga sareeyaan” xigasho!

 

By: YASIN ALI

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE