Adeer Miyaad hubtaa , Miyaan soo Dhintay – W.Q: Qareen/Khadar Aaar

Hadii aynu nahay dadka Somalida gaar ahaan kuwooda dagan Dhulka Miyiga (Baadiyaha)waxaa caado inoo ah in reerka amma qoyska uu Abuhu yahay midka u taliya,isla markana waxkasata oo uu soo jeediyaba amarkiisa la qaato lana raaco. Waxaa jiray qoys reer Miyi ah oo dagan meel aan sidaa uga fogayn Magalada Hargaysa ,Tariikh ahaa waa xiliyadii uu Gumaysiga Ingirisku joogay Dalka .

Xiliyadaasi aan ka sheekaynayno may jirin Babuur losoo raaco magalooyinka marka laga reebo Hal amma Laba Babuur oo kaliya oo dadka u adeegi jiray,dadkuna badan kiisu waxa uu isticmaali jiray Awrta oo dhamaan wixii Agab loo bahan yahay lagu soo rari jiray,iyada oo Reerahu xiliga safarka si wada jira loogu wada bakhooli jiray magalooyinka xiligaasi laga heli jiray adeega loo bahan yahay .

Waxaa jiray nin Oday ah ,kaasi oo masuliyad iyo xil dheerada markasta iska saari jiray horu marinta iyo dayactirka reerkiisa ,Abaha reerka ka masuulka ahi in badan ayuu tacab iyo taag soo galiyay reerkisa iyo sidii ay u horu mari lahayeen,wakhti aad u badan ayuu kusoo tabcay xoolo miyi oo Geel iyo Adhiba leh,waxa uu reerka soo gaadhsiiyay barwaaqo tii u danbaysay.

Abahii raarka waxa ku timi xanuun uu la kici waayay ,kadibna waxa ay hawshii Reerku kusoo afyeelatay Caruurtii gaar ahaan Ninkii u waynaa oo la odhan jiray Faarax,kaasi oo ahaa ninkii kaliya ee la odhan karo waa kaalin qaad, waanu kasoo baxayaa kalintii uu Abihii kaga jiray reerka.

Faarax waa Nin dhalinyara ah, balse waligii magaalo umuusan safrin ,Magaalo in uu Maqlo mooyaane wali maha ninka cag dhigay,waxa uu in badan Abihii ka maqli jiray Magaalo waa ay dhib badan tahay Reer Magaalkuna way khaayamo badan yihiin.

Waxaa la gaadhay xiligii reerka loogu safri lahaa magaalo loogana raadin lahaa wax la cuno iyo wax la xidho oo dhar ah,balse Odaygii reerka u talinayay waa uu jiifa oo xanuun ayaa dhuylka dhigay.

Faarax waxa ay dani ku khasab tay in uu diyar u noqdo in uu gadhwadeen ka noqdo safarka Aroorta loo baxaayo ,laguna tagaayo Magalada ,kadibna Faarax waxa uu guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii uu hawshaasi uga soo bixi lahaa,kalintii Abihiina u buuxin lahaa.

Faarax waxa uu isku xidhaw Xolahii uu safarka ku gali lahaa Sayladana u iib gayn lahaa ,Magalada uu u safrayaa waa Hargaysa,waxa wadada soo mara oo dadka safarka doonaya ay soo racaan hal Babuur oo kaliya oo dhamaan Dhulkaasi oo dhan laga yaqaano,inkasta oo dadka badankiisi ay ku safraan Awrtooda ,hadana ku safarka gadhigana waa mid meesha ku jira .

Faarax iyo Xaynii Adhiga ahayd ee uu soo kaxaystay waxa ay soo raceen Babuurkii,Faarax waa malintii ugu horaysay Noloshiisa ee uu fuulo Babuur ,waana maalintii ugu horaysay ee uu u safro Magaalo mugwayn.

Faarax oo socodka gaadhiga layaaban markastana ka fikiraaya in gaadhigu uu la rogmado,cabsi iyo arkagax badinina ku jiro ayaa halmar Gadhigii isrogay (qalibmay) dadkii rakaabka ahaa qofba meel ayuu ku dhacay dadkii wax dhintay wax dhawaacmay iyo wax badbaaday ayay noqdeen.

Markii Magalada laga maqlay in uu Gaadhi meel Hargaysa u dhaw ku Qalibmay ayaa waxaa Magalada laga soo diray Gaadhi kale oo soo Gura Dadkii goobtaasi ku waxyeeloobay,dhamaan dadkii waxa la wada geeyay dhakhtarka wayn ee Hargaysa oo wakhtigaasi uu taladiisa gacanta ku hayay Ingiriisku.

Faarax Naxdintii dhicistii Gadhiga iyo warwarkii uu markii horaba ka qabay Gadhiga iyo socodkiisa ,labadaasi oo isugu darsamay waxa uu Galay Koomo,hadal iyo hugunba waalaga waayay,waxa la jiifiyay Sariir si loogu daaweeyo.

Faarax oo maalintii oo dhan shoog ayuu ku jiray , kadibna Goor Aroor nima ah ayuu soo miirabay ,kadibna waxa uu markiiba ishiisa ku dhiftay meesha uu jiifo iyo caynka ay u eegtahay,waxa uu arkay dhinacan Bidixda ay oo ay jiifaan dad inta maryo gooniya loo xidhay lugahana Sariirta looga laa ladiyay kuwaasi oo ah dadka jaban ee la kabaayo.

Faarax waxa kaloo oo uu arkay hadana iyada oo ay dhinaca midigta ay ka xigaan dad sodoo kale taahaya oo qaarkood ay ku qarwayan Laa’ilaha ilalaah Muxamadoow Sarululaah scw.Faarax waxa uu fahmi waayay sababta halkan uu u yimi iyo meeshani waxa ay tahay.

Faarax waxa kale oo uu Indhaha ku dhuftay Ishiisuna ay ka libiq’sanwayday Rag iyo Dumar cadaana oo gaaf wareegaya Qolka ay dadku yalaan oo ah mid aad u wayn,Faarax waxa kaloo dareen shaki ah ku dhaliyay Dadkan Cadaanka ah oo ku wada hadlaaya Luqad aanu Faarax waligii intuu Jiray aanu maqal taasi oo ah Luqada Ingirisiga.

Waxaaba intaasi kasii daran Faarax waxa kaloo uu u jeeda iyada oo dadka Bukaanka ah qofkastaa Sariirta uu ku jiifo ay ka lulato Warqad taasi oo dhakhtarka cadaankii marka uu soo maro, qofkasta inta ay eegaan Warqadiisa kadibna ay qoraal ugu qorayaan kana tagayaan,taasi oo Faarax ku noqotay Laf dhuun gashay.

Hadaba Faarax waxaa dhinaciisan Midig Sariirta taala jiifa nin isagu muddo aad u badan bukaan jiif ahaa magaciisana layidhaa Cadaawe, kaasi oo aan dadka beeshinka ah ee waadhka jiifa marnaba anay ka helin hadal naxariisle.

Faarax ayaa markii uu fahmi wayay meeshani waxa ay tahay iyo waxa loo keenay ,ayaa waxa uu damcay in uu su’aalo waydiiyo ninkan sariir ahaan ku xiga ee Cadaawe layidhaa,kadibna waxaa dhex martay sheekadan.

Faarax :Adeer waan ku salaamay .

Cadaawe: waar waanu kaa qaadnay!!

Faarax isla markiiba waxa uu dareemay sida aan munaasibka ahayn ee uu Cadaawe salaanta uga qaaday ,balse dan kama galine waxa uu sii watay Su’alahisii.

Faarax:Adeer waxa aan ku waydiiyay meeshani aan jiifna maxay ayay tahay?

Cadaawe: Adeer waa AAKHIRO .

Faarax halmar ayaa naxdin uu jidhku dubaxiyay waxanu iska dhaadhiciyay in uu soo dhintay ,waakan iyada oo wali hadalkii uu u socdo labdii dhinac.

Faarax :Adeer waxa aan ku waydiiyay maxay ayay ahayeen dadkan Cadcad ee ina dhex wareegayaa.

Cadaawe : waa Malaa’igtii !!

Faarax : Adeer waxa kaloo aan ku waydiiyay waa maxay Warqadahan Sariiraha inoo sudhani?

Cadaawe : waxaa ku qoran qofkasta shar iyo khayr wixii uu galay intii uu Aduunka kusoo nola.

Faarax : Adeer waxa kaloo aan ku waydiiyay Dadkan cadaankii maxay ayay warqadaha ku qorayaan ?

Cadaawe : waxa ay kala soocayaan dadkii Cadaabta la gaynayay iyo kiwa janada la gaynaayo .

Sheekadu markii ay halkaasi maraysay ninkii odayga ahaa ee Faarax waxa uu yaqiinsaday caadna aanu ka sarayn in uu soo dhintay, waxa kaliya oo afkiisa kasoo yeedhana waxa uu noqday ALLAW NA BADBAADI .

Faarax oo halkisii jiifa balse ay talo ku cadahay kana fikiraya sacadaha so socda waxa dhici doona isna waydiinaya ma waxaad noqon dadka Naarta mise waxa aad noqon dadka janada ,ayaa faarax waxa uu daqada Isbitaalka ka arkay iyada oo meel aan ka fogayn ay marayaan Babuur sida XAABO kuwaasi oo dhakhtarka u sida .Faarax isaga oo la hadlaya cadaawe ayaa waxa uu ku yidhi.

Faarax : Adeer waxa aan ku waydiiyay maxay ayay yihiin Xabadan Babuurta lagu sidaa ?

Cadaawe : waar hadal badanidaa,waa Xaabadi lagu shidayay dadka cadaabta la galinaayo mar dhaw.

Faarax intaasi ka bacdi waa uu quustay , kadibna waxa uu xasuus maskaxdiisa dib ugu celiyay bal xiligii uu nolaa in uu salaada tukan jiray iyo in kale,waxa uu marba soo xasuustay Abihii oo ku odhan jiray waar salaada tuko,waxa maskaxdiisa ku soo noqnoqotay Xadiis uu ka maqli jiray nin sheekh u ahaa beesha ka mid ahaa ,kaasi oo in badan ka sheekayn jiray in uu cadaabka Ilahay Kulul yahay.

Faarax waxa uu maskaxdiisa ka baadhay bal innaba in uu wax danbiya oo uu garanaayo uu galay iyo in kale, balse waxa uu isku qanciyay in uu galaayo Janada madamaa oo aanu iminka xasuusan wax danbiya oo wayn oo Cadaabka lagu mutto.

Maalintii danbe ayaa Faarax waxa uu arkay in Dadkii cadaanka ahaa ay kor taagan yihiin Sariirtii uu jiifay ninkii Cadaawe ,kuwaasi oo Warqadiisii qoraal inta ay ku qoreen ka tagay . kadibna faarax ayaa Cadaawe waxa uu waydiiyay su’aashan.

Faarax : Adeer maxay ayay kugu qoreen Warqada Sariirta kuu sudhan?

Cadaawe : inta uu eegay warqadiisii ayaa waxa uu ku yidhi Faarax, waxa ay ii qoreen in aan ka mid noqdo dadka galaaya Janada Fardawsa , walibana Xuural caynta la kulmaaya .

Wakhti yar ka bacdi waxa ay dhakhatiirtii isasoo kor tageen Sariirtii uu jiifay Faarax ,kadibna waxa ay egeen Warqadahii Faarax Sariirta u sudhnaa ,balse Faarax waxa ka dhadhacsan sida uu Cadaawe u sheegay in ay yihiin dadka cadaanka ahi Mala’igtii Ilahay ee kala qoraysay Dadka Janada galaaya iyo kuwa Cadaabka galaaya.

Faarax isaga oo la hadlaya Dhakhatiirta cadaanka ayaa waxa uu leeyahay,waligay danbi maan galin ,salaadana waan tukan jiray waxaan idinka codsanayaa igu dara Dadka Janada Fardaysa galaaya.

Dadkii dhakhaatirta ahaa madamaa ay maqlayaan Faarax hadalkiisa, hadana iyaga iyo turjumaankodii toona wax dan ah kamay galin waxa kaliya oo ay u qateen in uu yahay nin xanuusanaya oo hadraaya.

Faarax waxa Indha’hiisa oo shan ah uu arkay iyada oo Warqadii Sariirtiisa ka lulatay ay la baxeen, kadibna inta ay Afka isasareen ay Warqadii Faarax wax ku qoreen kana tageen ,arin taasi oo Faarax murugo aad u wayn ku beertay.

Sidii cadada ahayd Faarax ayaa waxa uu la hadlay saxiibkisii Cadaawe waxaanu waydiiyay su’aashan:

Faarax : Adeer warqadayda maxay ayay ku qoreen ii sheeg ??

Cadaawe : inta uu Warqadii Faarax eegay ayaa waxa uu ku yidhi ,Waxa ay kugu qoreen in aad ka mid tahay Dadka galaya Naarka Jaxiima , waliba la waraabinaayo Biyaha Xamiimka ee kulul !!

Faarax talo waa ay ku cadaatay ,wax uu sameeyo ma yaqaano ,haduu baxsan lahaa waxa uu Culimada intii uu noolaa ka maqli jiray in aanay Akhiro lahayn meel loo baxsado iyo cid ku caawin karta oo aan Ilahay ahayn.

Faarax hal mar ayuu sasay oo uu qayliyay isaga oo leh Laa ilaha Ilalaah Muxamadoow Rasululaa,waar miyaan soo dhintay ,kadibna naxdintii iyo shoogii uu qaaday ayaa inta uu Daqada Dhakhtarka ka booday ayaa waxa uu cararay dariiqa,kadibna waxa daba yaacay dhakhatiirtii iyo boolis iyaguna xidhan dharkii Askarta ,kuwaasi oo markii uu arkayna uu kasii qaaday sas iyo shaki odhanaya waa Askartii Naarta ku gaynaysay.

Faarax cago meel kuma gaadhine waa lasoo qabtay ,waxana la keenay Sariirtisii ,kadibna waxa lagu muday Irbad dajisa, iyada oo la baadhayo waxyabaha ku kalifay in uu baxsado .

Faarax oo Sariirtii jiifa basle iminka dagan ,Carabkisana tasbiixda iyo Allaw noo naxariiso ay kasoo hadhay ,rumaysana in uu soo dhintay, kana fikiraya Cadaabka Ilahay ee mardhaw la galin doona sida uu u eekaan doono ,ayaa waxa Albaabka uga soo galay Dadkii uu ka dhashay oo maqlay in ninkii Faarax uu dhakhtarka yaalo kadib markii uu Babuur la qalibmay.

Inyar ka bacdi waxaa soo kor joogsaday Abiihii oo uu xanuun ku ogaa balse Luudaya iyo hoyadii ,kadibna waxa ay ku yidhaahdeen:

Abihii : Aabo Faarax sidee tahay ma ladan tahay?

Faarax waa uu yaabay ,sababta oo ah waxa uu rumaysan yahay in uu Aakhiro joogo soona dhintay ,waxa kaloo yaab ku noqotay sababta Abihii iyo Hoyadiiba Aakhiro ugu keenay ,balse hadana waxa xaqiiqsaday in uu Abihii soo dhintay madama uu Xanuun ku ogaa ,Islaantuna ay kasoo daba dhimatay naxdintii iyo muraraa’dilaacii ay ka qaaday Geerida odayga .

Faarax oo Abihii la hadlaaya waxa uu ku yidhi :-

Faarax : Aabo iyo Hooyo Goormaad soo dhimateen ,waxa kaloo uu sii raaciyay ,ma Cadaabka ayaa la idin geeyay mise Janada ,Aniga waxa la ii qoray in aan Cadaabka Jaxiima galaayo.kadibna waa uu iska Ooyay.

Waalidkii waa ay yabeen waxa ku dhacay Inankii ay dhaleen.waxa kaloo ay arkeen hadalada is dhaafka ah ee uu bixinaayo,kadibna waxa ay u sheegeen in aanay soo dhiman waxanay ku yidhaahdeen.

Walidlkii : Anagu maanu soo dhiman wanagan nool ee kula hadlayna ,adiguna maad dhiman oo waadigan nool ee nala hadlaya .

Faarax :Hadii anan dhiman idinkuna aydaan soo dhiman maxay ayay tahay meeshan aan jiifaa.

Walidkii : meeshan aad jiifta waa dhakhtar dadka lagu daweeyo.

Faarax : muxuu yahay dhakhtarku maxaanse qabaa ee la iga dawaynayaa?

Sheekadu markii ay halkaasi marayso ayaa waxaa Faarax kusoo noqday Dhakhatiirtii ,kadibna waa ay u caqli celiyeen ,waxanay ka codsadeen waxyabaha ku kalifay in uu u fahmo in uu soo dhintay iyo cida waxan ka dhaadhicisay in uu u sheego.

Faarax inta uu eegay Inkaarqabihii Cadaawe ee dhibtan oo dhan u gaystay ayaa waxa uu yidhi ,Ninkan ayaa waxa uu iga dhaadhiciyay in aan soo dhintay,waxa kaloo uu iga dhaadhiciyay in aan ka mid ahay dadka Ehelu naalka ah gaar ahaana dadka galaya naarta Jaxiima .

Halkaasi ayay lagu ogaaday Faarax waxa ku kalifay shakigan iyo warwarkan kadibna Faarax madama aanu markii horaba aanu waxba qabin Gadhigii shilka uu ku galayna aanu waxba ku noqon ,waxa kaliya ee ku dhacayna uu ahaa shoog iyo naxdin,waxa uu ka baxay dhakhtarkii sidaasi ayaanu Walidkii ku raacay.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran