Dowladda Turkiga Oo Fariimo Kulul U Dirtay Baadariga Ugu Sareeyo Kaniisadda Katooliga Pope Francis

R/Wasaare Kuxigeenka dalka Turkiga Nuurul-diin Canikli ayaa ku tilmaamay Baadariga Kaniisadda Roma Pope Francis inuu ku shaqeynaayo caqligii Saliibiyiinta (Crusader mentality) kadib markii Pope Francis uu ku dhawaaqay in Turkiga xasuuq u geysteen dadka Armenia mudo hadda laga joogo hal qarni ka hor.

Wakaaladda wararka Reuters oo xiganeysay Afhayeen ka jawaabayey eedeymaha dowladda Turkiga u soo jeediyeen Baadariga Kaniisadda Roomanka Pope Francis ayaa sheegay in Baadariga uusan wax xumaan ah ka sheegin muwaadhiniinta Turkiga balse uu sheegay oo kaliya in dadka Armenia la xasuuqay hal qarni ka hor taasoo dowladda Turkiga ka careysiisay.

Baadariga Pope Francis ee ah Baadariga ugu darajo sareeyo Kaniisadda Kaatooliga (Catholic Church) ayaa dhamaadka todobaadkii hore booqasho diini ah ku tagay dalka Armenia ee bariga ka xigo dalka Turkiga halkaasoo uu ka sheegay hadalka lagu haysto ee Turkida ka xanaajiyey. Dadka Armenia deggan oo intooda badan Masiixiyiin ah ayaa waxay gadood ka sameeyeen xukunkii dowladdii Islaamiga Cuthmaaniyiinta (Ottoman Empire) oo xiligaasi ka talinaysay inta badan bariga/bartama Yurub iyo qaybo ka mid ah qaaradda Asia iyo Africa.

Rabshado ay xiligaasi sameeyeen Masiixiyiinta Armenia ayaa waxaa ku dhintay dad gaarayo 1.5 Million ruux oo Armenian ah iyo tiro kale oo ka tirsan Ciidamadii dowladda Cuthmaaniyiinta (Turki). Arintan ayey dowladaha reer galabeedka u isticmaalaan mid looga careysiiyo dowladda Turkiga iyagoo mar walbo ku sheego Xasuuq ay geeysteen Turkiga isla markaasina ay haboon tahay in dowladda Turkiga aqbasho Xasuuqaasi oo ay magdhow siiso dalka Armenia oo ah dal yar oo faqiir ah.

Sanadkii hore 2015 ayaa sidan oo kale, Pope Francis waxaa uu sheegay in Armenia ay xasuuqeen Turkidii Cuthmaaniyiinta taasoo sababtay in dowladda Turkiga ay danjiraheeda kala soo baxdo dowladda Vatican-ka ee magaalada Roma ka dhex dhisan. Kadib 10 bil oo xiriirka go’naa ayaa Safaaraddii Turkiga ee magaalada Vaticanka ku lahaayeen dib loo furay isla markaasina safiirka lagu celiyey.

Dowladda Turkiga ayaa si adag u diidan in arinta Armenia loo aqoonsado Xasuuq iyagoo ku doodaayo inay dadkaasi ku dhinteen iska horimaado kala dhexeeyey Dowladda Cuthmaaniyiinta isla markaasina ay jiraan dad badan oo Muslimiin Turki ah oo iyagana iska horimaadkaasi ku dhintay .

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran