Haweeneydii Ugu Darajo Sareysay Ciidamadii Waardiyaha U Ahaa Madaxweynaha Liibiya Col. Qadaafi Oo Sheegtay Sababta Uu Haweenka Ilaalo Uga Dhigan Jiray

Haweeneydii ugu darajo sareysay ciidamadii Ilaalada u ahaan jiray hogaamiyahii la afgembiyey ee dalka Libiya Col. Mucammar Al-Qadaafi ayaa sharaxaad dheer ka bixisay Sababha uu Col. Qadafi u doorbidi jiray Haweenka waardiyaha ah.

Caa’isha C/Salaam Maxamed oo ahayd Haweeneydii ugu darajo sareysay ciidamadii ilaalada Col. Qadafi oo u warameysay wargeysyada Caalamka ayaa tiri “Waxaan ku soo biiray ciidamada Libya sanadkii 1984-tii anigoo doob ah oo horey u guursanin, wuxuu Col. Qadafi jeclaa inuu Aduunka tusiyo in Haweenka sharaf ku leeyihiin dalka Libya isla markaasina xuquuq dheeraad ah leeyihiin, wuxuu jeclaan jiray askareynta haweenka aanan weli guursanin si ay howsha askarnimada ugu hagar baxaan oo ay u go’aan”.

“Waxaa uu jeclaa inay raacaan 3 ilaalo gaar ah marka uu galaayo safar dalka gudahiisa ah, marka uu safar dalka dibaddiisa ah aadaayana waxaa raaci jirtay4 haween oo ilaalo u ah, aniga ayaa u soo xuli jiray haweenka ilaalada u noqonaayo Col. Qadafi mar walbo oo uu safraayo, faraxad weyn ayey dareemi jireen haweenka aan u soo xulo inay ka mid noqdaan safarka madaxweyne Qadafi..” ayey tiri Caa’isha C/salaam Maxamed Cali iyadoo tilmaameyso xaaladaha khaaska ah ee madaxweyna Qadaafi.

Mar la weydiiyey haddii Col. Qadaafi u doorbidi jiray Quruxda haweenka Ilaalada u noqonaayo ayey marwo Caas’isha C/salaan sheegtay in madaxweyne Qadafi uusan eegi jirin quruxda haweenka balse taasi bedelkeeda dhirirka haweenka ayaa ahmiyad gaar ah u lahaa si meesha uga muuqato qaab dhismeed laga haybeysanaayo. Sidoo kale, waxay sheegtay in haweenka ilaalada loo ogolaan jiray inay is qurxiyaan oo indhaha soo kuushaan iyagoo aan iska badineynin.

Caa’isha C/salaam waxay sheegtay inay ciidamada ka gaartay darajada “Colonel”, waxay xubin ka ahayd xogagga Kacaanka Libya ilaa goor dambe inta aan la dilin madaxweyne Qadafi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran