Xildhibaan C/risaaq Jurille oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Prof. Burci Xamza, hadlay Taariikh Nololeedkii Marxuumka (Sawiro)

Xildhibaan Proff.C/risaaq Cismaan Xasan(Jurille) ayaa Tacsiyeeyey Geeridii Proff.Burci Maxamed Xamza oo ku geeriyooday Weerarkii Shalay lagu qaaday Hotel Naasa-Hablood,isla markaasina si kooban uga hadlay Taariikh Nololeedkii Marxuumka.

Halkan Hoose ka Akhriso Tacsida iyo Taariikhda Marxuumka Xamza oo Xildhibaan Jurille uu Warbaahinta Raadreeb.com uu soo Gaarsiiyey:-
PROFESSOR BURCI MAXAMED XAMZA  oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday hotel Naasa Hablood One,bishan 25-06-2016ka.
Waxaan allaah uga Baryayaa in uu janadii Fardowsa uu hoy uga dhigo,kana Samir Siiyo,Qoyskii,Eheladii,Asxaabtii iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed.
Burci Xamza
Professor Burci Xamza
Xildhibaan Professor Burci :-
1-Wuxuu ahaa Muwaadin Qaali.
2-Wuxuu ahaa adeege daacad u ah Dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
3-Wuxuu ahaa Barre wax soo baray Boqolaal bare ee ilaa Maanta iyagu Waxbara ilmaha Soomaaliyeed.
4-Wuxuu ahaa Danjire diblomaasi hawl karnimadiisu tahay heer ka Kowaad.
5-Wuxuu ahaa xeel Dheere Maamul Dowladeed yaqaan.
6-wuxuu ahaa sharci dejiye damiir leh oo taxadar badan,xildhibaan xilku dhibo ah.
7-Wuxuu ahaa Mar walba u doode danyarta,dhallinyarada iyo ilaalinta qaranimada.
8-Wuxuu ahaa aqoonyahan,khabiir cilmi  baare ah   kuna  takhasusay cilmiga biyolojiyada (biology),
9-Wuxuu ahaa khabiir ku hadla waxana ku qora afaf badan
10-Wuxuu ahaa qareenka,  ilaaliyaha iyo af hayeenka ilaalinta beyadda deegaannada Soomaaliyeed (environment protectionist)
11-Wuxuu ahaa hanti Soomaaliyeed oo socta oo hadleysa markasta oo aad aragtona qoslaya,
12-Wuxuu ahaa BARAWAANI BARAWAANI DHALAY  OO LABA XINIINYOOD AH,
13-Wuxuu ahaa saaxiibkay aan jeclahay.
Ilaahow u Naxariisto,Ilaahow u Naxariiso,Ilaahow u naxariiso,Aamiin Aamiin Aamiin.
Prof . Cabdirisaaq  Cusmaan Jurile-London.
Jurile
Prof . Cabdirisaaq Cusmaan Jurile
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE