Dhageyso Dood kulul Oo Ku Saabsan Qadiyadda Somalialand

Madaxweynaha Somaliland oo shaley ka hadlaayey xaflad lagu maamusayey 26-ka June oo lagu qabtay Beerta Xurriyadda magaalada Hargeysa oo ahayd halkii laga taagay Calanka Somalia 26-JUN-1960-kii ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyey fagaarahaasi.

Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa ka mid ahaa “Soomaaliland iyo Soomaaliya midowgoodii wuxuu noqday madhalays aan la mahadin …..”. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu sheegay in Somaliland iyo Somalia aysan weli si rasmi ah u kala bixin, wuxuuna ku baaqay inay wada hadlaan si xal looga gaaro arimaha ka dhexeeyo.

Warbaahinta Radio Danan ayaa dood wadaag u qabatay aqoonyahannada kala ah bshir maxamed aadan iyo Yuusuf Cusmaan maxamed shinbir, Waxaa daadaheynayey dooddani wariye faarax ibraahim yacquub.

Dhageysi Wacan:

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE