Talo bixin xulitaanka Xildhibaanada doorashooyinka dadban ee 2016!

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa loo sii dhawaanayaa waqtigii Soomaalidu ku ballameen doorashooyinka dadban ee sannadka 2016. Markasta oo doorasho dalka soo food saarto waqtigaan oo kale waxaa bilawda tartan raga iyo dumarba (siiba ragga) qof walbana wuxuu bilaabaa baadi goob siduu xildhibaan ku noqon lahaa. Sannadkaan waxaa intaas dheer in meel dheer loo aado maadaama xildhibanada badankood lagu soo xulayo maamul – goboleedyada dalka. Waa wax fiican in xildhibaanku ummadda uu matali doono ka soo dhex baxo. Dadka intooda jecel waddanka kana danqaneysa waxay waqtigaan isla dhex maraan sifooyinka la doonayo inuu xambaarsanaado qofka noqonayo xildhibaanka iyo waajibaadkiisa.

Arartaas gaaban ka dib waxaan jecleystay inaan halkaan ku soo gudbiyo talooyin aan is leeyahay way ku haboon yihiin waqtigaan inay ku baraarugsanaadaan kan wax soo xulaya iyo kan la soo xulayo labaduba.

Kan wax soo xulaya:

Waxaan kula dardaarmayaa inuu Ilaahay ka baqo ummaddana u soo xulo mid shaqada loo dhiibayo aqoonteeda leh, Ilaahay ka baqaya, bulshada dhexdeeda lagu yaqaan wanaagsanaan,,ahayn fitmoole, xalaal quute ah, garan kara mas’uuliyadda la saarayo, ahayna nin balwad dilootay.

La dooni mahayo in la soo xulo qof ujeedada dhan oo uu leeyahay tahay biil raadso ama mid doonaya xasaanad uu xoolihiisa ku ilaashado ama ku kobciyo amaba ay ku jirto hebel cod ugu shubo. Haddii aan soo kobo xildhibaan samate bixiye dal iyo dad ayaa loo baahan yahay.

Waxaa loo baahan yahay in beeshu u hiiliso beesheeda iyo waddanka labadaba waxayna ugu hiilin kartaa iyada oo soo xusha qof aqoon , karti, aaminimo iyo wadaniyad intaba lagu yaqaan bulshada dhexdeedana ku leh magac iyo maamuus.

Inkastoo qaabka xildhimaanada lagu soo xulayo sannadkaan 2016 yahay isla kii lagu soo xulay 2012 kii ee ku dhisnaa qayb qabyaaleedkii xumaayd ee 4.5 (Ilaahay ha naga koriyo) haddana waxaan ku talin lahaa in sanadkaan si fiican looga fiirsado xulitaanka xildhibanada. Ha la ogsoonaado waddan wuxuu ku horomaraa marka la qaymeeyo aqoonta, jaga kastana loo dhiibo qofka ku habboon lagana dheeraado nin jeclaysiga daneysiga ku dhisan.

Waxaa laga doonayaa odayaasha iyo maamulada wax soo xulaya inay maanta dalka iyo dadka u hiiliyaan. Maantaay kalimaddoodu wax baddali kartaa beri kalimaddood ma lahan awood ay wax ku baddasho.

Waa in dadka xildhibaanka soo xulaya marka hore is weydiiyaan: Maxaan ka rabnaa xildhibaanka maxaanse ka sugaynaa inuu barlamaanka dhexdiisa nooga fuliyo?

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan waa inay hor timaaddu dadka soo xulaya xildhibaanka. Tusaale la taaban karo waxaa kaaga filan haddii ruux naga mid ah guri dhisanayo wuxuu baadi goobaa Injineer xariif ah, sidoo kale haddii ruuxu jiran yahay wuxuu raadsadaa takhtar ku xeel dheer cudurka haya. Sidoo kale hadduu beer falanayo wuxuu raadinaya qof yaqaan beerashada.

Sidoo kale qofkii qadiyad maxkamadeed soo food saarto wuxuu baafiyaa gar-yaqaan ruug caddaaya. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in qofka aad xildhibaanka ka dhiganeyso ee masiirkkii gobolka iyo kii waddanka u dhiibaneyso waa inuu leeyahay wuxuun takhasus ah.

Kan la soo xulayo (Xildhibaan):

Waa inay jiraan hal beeg cabir iyo karateeyo asaas iyo sees u ah xulidda xildhibaanada sida inuu yeesho/yeelato sifooyin ay ka mid yihiin:

1. Waa inuu noqdo mid awood u leh inuu ka qayb qaato dajinta, lafagurka iyo ansixinta sharciyada dalka.

2. Korjoogtaynta iyo kantrooka hawlaha xukuumadda, ilaalinta fulinta qawaaniinta iyo waliba la xisaabtanka sida hubinta in hantida shacabka lagu bixiyey meelihii loogu tala galay ee horey loogu qoondeeyey.

3. Waa inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada horumarinta iyo adeeg u fidinta bulshada (degaanka) uu xildhibaanku ka soo jeedo bisharddi waa inuusan ku gabood falin waxna u dhimin dawrkiisa qaran ee asaasiga ah. Si kale haddii aan u iraahdo waa inuu maslaxadda guud ee waddanka iyo tan degaanka labadaba si daacad ah oo Ilaahay raali galin karta uga shaqeeyo.

4. Qofaan aqoon ama aan garan karin xilka loo dhiibayo, beelna wax u qaban mahayo waddana warkiis daa.

5. Waa in xildhibaanku leeyahay bislaad siyaasadeed iyo qiiro wadanimo.

6. Waa inuu leeyahay aragti durugsan iyo waayo aragnimo uu kula jaan-qaadi karo arimaha socda markaas isla markaasna garan karaa sida wax u dhacayaan iyo meesha ay u rogmaneyso garan-garta siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan bulshadeed. Isla markaasna odorosi karaa (forecasting) qaryadaha ka dhalan kara go’aamada golaha shacabku uu gaarayo ama ansixinayo.

7. Waa inuu la jaan-qaadi kara marxaladda waddanku ku jiro waqtigaan, lana fal gali karaa siyaasadaha isdiidan ee waddanka ragaadshay guda iyo dibadba, yahayna mid garan kara qalin darka meel kasta waddanka uga socda.

8. Waa inuu wax ka sheegi kara kana doodi kara arimaha laf-dhabarka u ah shaqada barlamaanka sida ilaalinta miisaaniyadda dawladda leeyahanay geesinimo uu kula xisaabtamo mas’uuliinta sare isaga oo u mariya hab xushmad huwan, waafaqsanna dastuurka, qawaaniinta iyo xeer-hoosaadka u degsan golaha shacabka.

9. Waa inuu ahaado mid bulshada dhexdeeda sumcad iyo magac ku leh.

10. Waa inuu xildhibaanku leeyahay wuxuun takhasus ah.

Waxaa hubaal ah haddii laga gudbo is qabqabsiga, beel kastana hal doorkeeda u soo xusho xildhibaan in waddanka wax badan iska baddali doonaan.

Marka beel walba ha soo xusho dad xilkas ah, markaas ayaa la heli karaa baarlamaan tayo leh oo waddankaan ka saari kara jaahwareerka ragaadiyey.

__Dhammaad___

Qore: Saciid Xaashi Warsame

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE