Madaxweynaha Jubbaland Oo Gawaari Ku Abaalmariyey Ardey Kaalimo Ka Galay Tartanka Qur’aanka Kariimka Dugsiyada Magaalada Kismaayo(Sawiro)

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa labo baabuur ku abaalmariyey labo arday oo ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ee u dhexeeyey dugsiyada Qur’aanka Kariimka magaalada Kismaayo.

Gabar lagu magacaabo Faa’izo Cabdullaahi oo ku tartameysay Qur’aanka oo dhan (30 Juz) isla markaasina wax ka barata Dugsiga Sheekh Cali Suufi ayaa ku guuleysatay kaalinta 1-aad ee 30-ka Juz iyadoo lagu abaal mariyey gaari noociisa yahay Allien.

Sidoo kale, Wiil lagu magacaabo C/raxmaan Yuusuf Dirir oo wax ka barta dugsiga Mucaad Bin Jabal oo isagana ku tartamaayey 15-ka Juz ayaa ku guuleystayla kaalinta 1-aad ee 15-ka juz waxaana wiilkan la gudoonsiiyay gaari noociisa yahay Succeed.

Ardayda kale ee galay kaalimaha hore sida kaalimaha 2aad, 3aad IWM ayaa iyagana la gudoonsiiyey abaalmarino u badan Lacag iyo Kutubo si loo dhiiri geliyo.

Wasiirka waxbarashada Jubbaland Macalin Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ka soo qeybgalay munaasabadda abaalmarinada lagu gudoonsiiaayey ardeyda.

Xigasho: Dhanaan

Qur'aan Qur'aan0 Qur'aan1 Qur'aan2 Qur'aan3 Qur'aan4 Qur'aan5 Qur'aan6 Qur'aan7 Qur'aan8 Qur'aan9 Qur'aan10 Qur'aan11 Qur'aan12 Qur'aan13 Qur'aan14

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran