Masjidkii Hagia Sofia Ee Istanbul Oo Dib Loo Furay Kadib 85 Sano Oo Uu Ahaa Goob Loo Soo Dalxiis Tago (Video + Sawiro)

Hagia Sofia (Turkish: Ayasofya) waxay Kaniisad u ahayd dadka Romanka ee Biizandhiyiinta (Byzantine), Hagia Sofia waxaa la aasaasay 537 sano ka hor dhalashada Nabi Ciise(CS).

Sanadkii 1453 -dii ayaa Khaliifkii Islaamka ee hogaaminaayey dowladda Cuthmaaniyiinta Suldaan Maxamed Al-faatix uu qabsaday magaalada Istanbul(Constantinople ama Qusdhandhiiniya). Suldaan Maxamed Al-faatix ayaa furashada Istanbul kadib kaniisadii Hagia Sofia u bedelay Masjid ay ku dukadaan Muslimiinta. Hagia Sofia wuxuu Masjid ahaa laga soo bilaabo sanadkii 1453 ilaa 1935-tii.

Dowladdii Cilmaaniga Turkiga ee Mustafa Kamal Ataturk uu hogaaminaayey ayaa masjidka Hagia Sofia u bedeshay Matxaf loo soo dalxiis tago. Waxay Hagia Sofia ahayd goob dalxiis 85 sano laga soo bilaabo 1935 ilaa 2016-ka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in hadda kadib Hagia Sofia tahay Masjid isla markaasina wixii ka dambeeyo 2016-ka uu sii ahaan doono Masjid ilaa qiyaamaha.

Habeenkii 27-ka bisha barakeysan ee Ramadan oo muslimiinta Turkiga ay habeenkan u aminsan yihiin inay tahay Laylatul Qadr ayaa waxaa  Hagia Sofia markii ugu horeysay 85 sano kadib laga akhriyey Aadaanka salaadda Subax, waxaa goobjoog ku ahaa oo salaadda Subax kula dukaday Muslimiinta Masjidka Hagia Sofia Wasiirka Arimaha Diinta dalka Turkiga Mehmet Görmez.

Hagia Sofia4 Hagia Sofia5 Hagia Sofia6

Hagia Sofia Hagia Sofia1 Hagia Sofia2 Hagia Sofia3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran