Gabooyihii wax takooray .W/Q Qareen/Khadar Aar

Inta badan Somalidu waxa ay dhaqan ka yeelatay caado xun oo ay ka mid tahay in takoor iyo faquuq lagu sameeyo dad kasoo jeeda Bulshada Somaliyeed sida Gabooyaha iwm.

Kuwaasi oo la gaadhsiiyo ilaa heer aan laga guursan gabdhahooda isla markana aan loo guurin inna madooda amma wiilashoda .waa caado xun iyo dhaqan soo jireena oo u bahan in laga fikiro sidii loo suulin lahaa.

Dhamaan dadka Muslimiintii ma jiro wax ay ku kala duwan yihiin amma ay ku kala xaq iyo xuquuq badan yihiin ,qofkasta oo Muslim ah waxa uu xaq iyo xurmo ku leeyahay walaalkisa kale ee Muslimka ah ,Maahmaah Somaliyeed ayaa tidhaahda dadku waa wada Ciiso nina caaro ma dheera.

Waa wax jira oo xaqiiq ah qofna aanu dafiri karin in beelahan si aan gabasho lahayn loo yaso,xaqiro,liido,in xidid iyo gaal dhab ah laga samaysto ,ma jirto oo lama hayo cid keeni karta in dadkani ay ku abtirsadaan wax layidhaa Qabiilka ilma Guneed.

Waxaa jira eray ay Somalidu aad u isticmaasho marka ay rabaan in Qabiilada ay u kala saraan kuna kala sheegan mid fiican iyo mid liita ,waana labada eray ee kala ah Gob iyo Gun kaasi oo ay uga jeedaan in uu yahay halbeeg lagu cabiro karamada iyo sharafta qabiilku leeyahay .

Balse hadii aad erayga laftiisa Gun iyo Gob aad u fiirsato waxa ay ku tusinaysaa in erayga Gun uu yahay meesha ay waxkasta kasoo asaasmaan sida Gunta Geedka,gunta Aqalka iyo gunta iyo seeska Dunida. hadii aanay jirin wax Gun layidhaa muusan jirteen wax Baar layidhaa ,waxkasta oo Ilahay csw uu abuuray waxa ay kasoo bilaabmaan asaas iyo Gun ay ku qotomaan ,taasi la’aan teedna Aduunku ma uusan jireen.

Sidaa awadeed anigu waxa aan isleyahay malaha Somalidu mararka qaar uma fiirsato halkudhigyada qaldan ee ka mid ah kalmadaha aynu wax kuu qiimayno amma aynu wax ku cabirno sida Gun iyo Gob, Gun iyo Baar ,reer Gobeed iyo reer Guneed ,Laan dheere iyo Laan gaab .

Akhristayaal aan usoo gunda noqdo halku dhigga sheekadan oo ah “Gabooyihii wax takooray” waa dhacdo run ah oo ka dhacday Magaalo ka mid ah Dhulka Somalida ,waana mid ku tusinaysa in ay dhici karto in Gabadh amma nin Gabooyahi uu diidi karo iskalana hanwaynaan karo Guurka dadka isu yaqaana Gubta amma Ajiga.

Waatan Sheekadi:-

Waxaa Magaalo ka mida magaloyinka waawayn ee ay Somalidu dagto safar ku yimi nin dhalinyara ah ,kaasi oo kasoo socdaalay isla dhulka ay Somalidu tagto meel kamida,waxa uu ahaa ninkaasi nin aqoon Diineed oo fican leh ,waxa uu kasoo jeeda beelaha wax hayb-sooca gaar ahaan kuwooda isku tilmaama Laandheeraha baarka sare Gobta amma Ajiga .

Madamaa aanu magaladan uu yimi aanay jirin cid uu ka yaqaana ,waxa uu bartilmameed ka dhigtay Masajid ku yaala Xafadii markaasi uu degay, waa Bil Ramadaan oo ay dadku af-xidhan yihiin , fadhigoodu u badan yahay dhagaysiga wacdiga iyo wanooyinka ay culimadu ka jeedinayso Masajiida.

Ninkii dhalinyarada ahaa madama uu yahay in wax fiican ka yaqaana aqoonta Diinta ,waxa uu bartilmameed ka dhigtay in markasta oo Sheekha Masaajidka Imaamka ka ahi uu dhameeyo wacdiga uu dadka usoo jeedinaayo ,in uu fasir ku sameeyo wacdigii sheekha ,kaasi oo dhamaan dadkii oo dhamina ay jeclaysteen.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu noqday mid siyar oo fudud wacdigii iyo wanadii uu jeedinayay ay dadku u jeclaystaan , waxa uu inta badan soo bandhigi jiray Ayadaha iyo Axadiista ka hadlaaya fadliga Bisha Ramadaan iyo sida ajar iyo xasanaad dheerada looga helaayo waxtarka iyo takulaynta dadka masafurka ah ,kuwaasi oo uu isagu laftiisu ka mid yahay ,taasi oo uu ku hantay dhaqaale aad u farabadan .

Ninkii dhalin yarada ahaa waxa u suura gashay in ay si fiican usu barteen Imaamkii Masaajidka taasi uu dhaxal siisay in Imaamkii Masaajidku uu maalmaha qaar u ogolaado in uu Masaajidka kasoo jeediyo Muxadarooyin.

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu noqday nin cilmiga Diinta inta uu yaqaano ku darsaday Aftahano aan sheekh lamida aan Masajidkan hore loogu arag ,waxa uu si gaar ah Muxadarooyinkiisi u taabteen Dumarkii gaar ahaan kuwii dhalinyarada ahaa ,kuwaasi oo qaar ka midi ay tamaniyeen in ay fiicnaan lahayd in ay sheekha si gaar ah u bartaan.

Muddo aan sidaasi u badnayn markii uu sheekhii joogay Magaladii gaar ahaana uu wacdigii iyo wanadii Diniga ahayd uu Masajidka ka wado ,ayaa Sheekhii waxa uu horu-mar aan la taaban karin uu ka gaadhay dhex galkii bulshadii gaar ahaan xafada uu dagan yahay ,waxa uu noqday mid marka uu gooobo Xafada ka mida lagu arko ay dadku kusoo ururaan jacayl ay u qabaan awadii.

Sheekhii waxa uu Masajidkii ka gaadhay heer dhalinyarada iyo dadka oo dhami ay sidii muftigii ay su’aalo waydiiyaan diiniya ,waxaa si gaar ah su’alaha u waydiin jiray hablaha Masajidkaasi soo xadira iyaga oo Warqadaha kusoo qori jiray Luqada Carabiga taasi oo Sheekhuna madama uu aad ugu fiicna luqada Carabiga uu kasiin jiray ja’wabaha uu isleeyahay waa ay ku haboontahay su’aasha lasoo waydiyay .

Hadaba maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu sheekhii Masajidkii ka bilaabay Muxaadaro dhamaan dadkii Masaajidka joogay oo dhan soo wada jiidatay , Muxadaradaasi oo uu kaga hadlaayay Imaanka iyo Alla ka cabsiga ,isaga oo si gaar ah u bar-tilmaameedsaday ka wacdiga dadka, quudhsiga iyo takoorka lagu hayo dadka Gabooyaha in ay tahay mid aan sinaba shareecada Islaamka ugu bananayn.

Waxa aan maqli jiray Wadaadba wadaadka uu ka cilmiga badan yahay ma jeclaysto in uu aktiisa Kidaabka ku furfuro,saxibayaal ninkii dhalinyarada ahaa waxaa laga eryay Masajidkii, kadib markii Imaamkii masajidku uu ku sigtay in dadkii Masajidka soo xaadirayay in ay Qala’laahudiisa ay dhagba jalaq u siinwayaan, jeclaystaana dhagaysiga iyo u dhag-raaricinta Sheekhan dhalinyarada ah ee Ilahay cilmiga siiyay .

Sheekhii oo Masajidkii laga eryay balse kalgacalkii iyo raxmadii ay dadku xafadu u hayeen wali ay halkeedii tahay ,ayaa waxaa malin maalmaha ka mida warqadi uga timi gabdho ka mida kuwii ku taxnaa wacdiga iyo waanada sheekha , iyaga oo ka codsaday in sheekhu inta uu Masaajid helaayo ,in xaafada qayb ka mida uu Dacwatul shaarac ka jeediyo Habeenkasta oo Jimce soo gaalayo taasi oo sheekhina uu ogolaaday.

Akhristow Dacwatul shaarac waa wacdi iyo waano laga jeediyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan sida wadooyinka ,Suuqyada iyo dhamaan meelkasta oo ay dadku ku badan yihiin taasi oo inta Makarafoono la dhigto wadooyinka dadka laga wacdiyo .

Sheekhi waxa uu bilaabay hawshisii dacwada ,goobta uu dacwatul sharaca ka jeedinayaa waa xafad ay ku badan yihiin amma ay dagan yihiin dadka la haybsooco,isaga oo taasi ka duulaya ayaa waxa uu si aan gabasho lahayn habeeno badan oo is xiga uga hadlay Quudhsiga iyo sida ay Diinta Islaamku uga soo horjeedo.

Waxa uu Habeen kasta ku celcelin jiray in ay banaantahay is dhex galka iyo Guurka dadka Muslimiinta ah ,waxa uu soo dalishada Ayadaha Quraanka iyo Axadiista Rasuulka csw ee ka hadlaysa ceebta iyo cawaqib xumada ka dhalan karta If iyo Aakhiraba in la quudhsado qof walaalka ah oo Muslim ah.

Sheekhaasi dhalinyarada ah wacdi kasta oo uu jeedinaayo waxaa marnaba Dibnahiisu aanay seegi jirin Ayada Quraanka ah ee ka hadlaysa ,qabilka iyo sida uu Ilahay ugu talagalay Adoomahiisa (يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيم.

Dadkii Xafada waxa ay noqdeen kuwa sheekha u arkay Shinbir Ilahay usoo diray ,Sheekha Hadaladiisi Diiniga ahaa waxa ay noqdeen kuwo sida Hogosha Roobka lagu diirsaday, waxa uu noqday Sheekh si fiican looga yaqano deeganka oo aanay iminka wixii ka danbeeya aanay laba Cali iswadiin.

Hadaba iyada oo xaalku halkaasi maraysa ayaa Sheekhi waxa uu taminiyay isla markana uu ka fikiray in Xafada gabdhaha dagan mid ka mida uu Guursado,kadibna waxa uu Warqad uu aad ugu fara-yaraystay oo Carabi ah uu u qoray Gabadhii uu islahaa sheekh ahaan waa ay kuu qalantaa dhankasta, haday tahay Diin ,akhlaaq ,aqoon iyo quruxba Gabadhaasi oo kasoo jeeda Beelaha Gabooye ee xafada u badan .

Sheekha waxa maskaxdiisa ku jirta ,madama aad wakhti badan ka hadashay Quudhsiga iyo sida aanu uga mid ahayn Diinta Islaamka ,isla markana aad banaanka soo dhigtay in aanay marnaba asal ku lahayn arimaha quudhsigu Diinta Islaamka ,wakhti iyo aftahano badana aad ku bixisay in arintaasi Quudhsiga ay dadku fahmaan ,intasi oo isbiirsatay ayaa sheekha waxa ay ku kaliftay in uu Reerkaasi Gabooyo gabadh kala xidido.

Warqadii Sheekhu uu qoray waxa ay u dhignayd sidan :

Waxa aan ahay Sheekh hebel ,waxa aan in muda ahba ku taamayay in aan kusoo bandhigo arin Guur oo aan kaa rabo,waxa aan doonayaa in aan noqdo sheekha kaliya ee Jabiya Gidaalka nacaybka Gabooyaha isla markana an kaga dhabeeyo arimihii aan ka hadlayay ee ahaa in la is quudhsadaa in ay danbi tahay .

Sidaa awadeed waxaan ka codsanayaa in aad arintan iga aqbasho kuna wargaliso reerkinii in aan sida ugu dhakhsaha badan kusoo donaayo kuna soo dadab-galaayo,taasi oo ay igu kalfintay in aan jabiyo Gidaarka u dhaxeeya Gabooyaha iyo Ajiga , madamaa aniga laftaydu aan kasoo jeedo Qabiiloyinka ku faana Laandheeranimada kuwooda ugusii Laanta dheer ee reer hebel…… !!

Markii uu sheekhu Warqaadasi si aad u qurux badan u qoray ,isuguna geeyay dhamaan wixii uu Naxwaha Carabiga ka yaqaanay ,haday tahay Icraabtii, haday tahay Ficil maadi , Ficil mudaaracba iyo waliba dhamaan qodobadii asaaska u ahaa luqada Carabiga ,ayaa Warqadii waxa uu u dhiibay gabadh si ay ugu gaysto gacaladuu calmaday .

Hadaba Sheekhu isaga oo waxbadan ka duulaaya ,ayaa waxa uu isu tusay in jawaabta Gabadha ka iman doontaa ay tahay mid durdura ah ,madama uu isaga laftiisu waa sheekhee uu isu arko in uu kasoo jeedo Laamaha dhaadheer ee Gobta ah ,gabadhana uu u arko in ay tahay mid uu xoraynaayo.

Gabadha uu sheekhu warqada u qortay runtii marka la eego waxa la odhan kara waxa ay ka mid tahay hablaha Somalida kuwooda ugu akhlaaqda,Diinta iyo quruxdaba badan ,waa inan ka tilmaaman degmada iyo xafada ay tahaygan tahay ,waa inan wakhtigeeda badankisii siisay barashada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka ,waa Gabadh aqoon iyo waya’aragnimo dheerad ah u leh Guurka iyo culaysyada waajib ee uu leeyahay.

Gabdhii markii Warqadii sheekhu kusoo fara’yaraystay loo keenay ,isla markana ay si dagan sadar kasta wixii ku qornaa ay akhriday ,si fiicana ay u fahantay,ayaa waxa ay qortay Warqadii ay sheekha Jawaab celinta uga dhigi lahayd.

Waxa ay tidhi :-

Salaan ka bacdi ,marka hore waxa aan kaga mahad cilinayaa Warqada aad isoo qortay,ee aad igaga dalbanaysay Guurka iyo Guri galka ,marlabaadka waxa aan kaga mahad celinayaa in aad ku dhiirato guurka gabdhaha Gabooye, taasi oo ay ku farayso Diinteena Islaamka ee aad adigu inta badan nagu wacdiyi jirtay .

Hadaba Sheekhow waxa aan ogahay oo adiga iyo qayrkaaba aad in badan Kutubaha nooga akhrideen in Guurku uu yahay shay aad u qiimo badan una bahan in aad la iskaga hubsado oo aan si fudud loo galin .

Aniguna ma ihi gabadh si hubsiina la’aan ah sheekh iyo shariif toona ku Guursanaysa ,waxa aan jecelahay in qofka amma ninka aan guursanayaa uu noqdo ugu horayn qof aan jeclahay isaguna i jecel,waxa kaloon jeclaan laha in ninka aan guursanaya uu yahay mid aan fahan aad u badan ka haysto waxa uu galo iyo waxa uu gudaba

Sidaa awadeed aniga oo ixtiramaya in wakhtigagii qaaliga ahaa aad siisay aniga iyo dadwaynahii xafada dagaynayn, isleeyahayna waad ka fa’ideen wax badan oo ku saabsan arimaha Diinta .

Sheekhoow dalabkagii Guurka ee aad isoo waydiisay waxaan ka odhan lahaa MAYA MAYA sabab ta oo ah , waxaa Warqadii aad isoo qortay ka mid ahaa hadal tilmaamaya in aad rabto in aad jabiso GIDAARKA dhex yaala guurka Ajiga iyo Gabooyaha .

Sida awdeed anigu waxa aan isu haystaa in aanay jirin Gidaar iyo Darbi iga xidhaaya nolosha inteeda kale,sheekhow waxa aan ku xasuusinayaa in Ilahay aniga iyo qayrkayba uu xor naga dhigay isla markana anan u baahnayn sheekh iyo shariif toona oo Darbi iyo gidaar naga jabiya ,mahad sanid iga raali ahaw sheekhoow kuma Guursan karaayo .

Sheekhii oo Masajidka fadhiya ayaa waxa loo keenay Warqadii ay soo qortay gabadhii uu Guurka ka dalbaday ,balse intii aanu furin sheekhu warqada ,marnaba sheekhu maskaxdiisa muu galin in gabadhaasi iyo qarkeed toona (gaboogahu) ay diidayso .

Waxaaba taasii ka daran in sheekhu uu wakhtiyada qaar uu is tusu jiray riyooyin ay ka mid yihiin ,in Guurka gabadhaasi gabooye Mood iyo Nool shanta maal Aduunyo loogu soo daraayo ,beesha Gabooyana ay keeni donaan gabadhaasi iyaga oo galbinaaya sheekh iyo shariif .

Balse sheekhu markii uu Warqadii furay akhriyayna, wixii ku qornaana uu fahmay, waxaa ku dhacay u qadan waa iyo lama-filaan hor leh ,shaydaanku waa balaye sheekha waxaa qalbigiisa ku soo dhacay “ma adiga oo reer Hebel ka dhashay ayay maanta ku diiday gabadh ka dhalatay Gabooye walee waa Aduunyo gadoon”.

Sheekhi markii ay gabdhii diiday ,waxa uu arkay in aanay magaladani sii joog lahayn,kadibna waxa uu ka urursaday Kutubtisii isaga oo dib ugu noqday gobolkii uu ka yimi,waxa laga hayaa sheekhii halku dhiga ah ,Gabooye wax la guursado maha oo waa Gun.

Wacdigii iyo wanadii sheekha waxaa waydariyay shaydaan iyo naftiisa.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE