Doodii iyo hadal hayntii Kuul-Carre ma Habar-Yonisbaa oo dib uga soo cusboonatay Qaarada Yurub . W/Q.Qareen/Khadar Aar

Kuul Carre ma H/yoonisbaa mise maha ,runtii waa su’aal culayskeeda leh ay adag tahayna in si degdega jawaab sax ah looga bixiyo , sababta oo ah ma jiro cid haysa wax qoraala amma dokomenti ah oo taarikhdan ka waraamaya.

Waxa keliya oo aynu tixraaci karnaa waa hadal iyo odhooha lagasoo min guuriyay dad aqoon iyo odayaal isugu jira ,kuwaasi oo laga yaabo in ay cuskanaayan xaqiiqooyin ay tahay in aan la iska indha tirin.

QABIILKA HABAR YOONIS LAYSKU YIDHAA

Muran kama taagna in Qabiilka H/yoonis uu yahay mid aan ku koobnayn afarta Reer ee maanta la sheego ,balse uu yahay qabiil intaasi ka balaadhnaa kana baaxad waynaa ,sida tariikhda odayashii hore laga soo gaadhay .

Waxa aan Awoow ka awoow aan maqli jiray cid dafiri kartaana aanay jirin in marka qabiilka H/yoonis laga sheekaynaayo inta reer ee uu ka koobnaa waxaa la xusaa .Ismaciil Carre ,Isaxaaq Carre ,Muuse Carre ,Cali Siciid, Makahiil Care,Kuul Carre ,Daandaan Carre iyo Ganbo Carre.

Hadaba bal horta cadaynkale oo aan radiiya ha ii joogtee ma cid diidan oo kasoo horjeeda ayaa jirta in qarniyo aad u farabadan ka-awaw ka-awaw in aynu maqli jiray in qaranka H/yoonis uu ka koobnaa qaba’ilkaasi aynu kor ku soo sheegnay .

Sidaasi awgeed waxa maqan oo aan ilaa hada jaan iyo cidhib meel ay dhigeen aan la garanayn marka laga reebo Kuul carre oo muran ka taagan yahay labada Reer ee kala ah, Daan-daan Carre iyo Ganbo Carre ,iyada oo Makahiil Carre laftiisa cida ka joogtaa ay tahay cid aad u yar ,dadka qaarna ay tuhun sanyihiin in ay suuragal tahay in la heli kari lahaa reerka badidiisii hadii loo kuur galo.

Baadhis iyo kuur-gal lagu sameeyay reerkan Kuul Carre ,meesha ay deegaan u lahayeen asal ahantii, xiliyada ay kusoo bireen Qabiilka reer Maxamed Madhibe iyo tariikhda afka ah ee oday-ka sheekee ,marka aad intaasi oo dhan isla doonato waxaa ku soo baxayso ,waxoogaa dareen ah oo ku tusinaaya in ay wacnaan lahayd in sifiican oo caqli ku jiro arintan loo guda galo loogana biya dhiijiyo.

Hadaba mar haddii arini ay sidaasi tahay , qof kasta oo doonaya in uu arintan xaqiiq deeda helo waa ay ku adkaanaysaa in uu si tafatiran usoo bandhiga mawduucan .

Sidaa awgeed waxa uu qoraalkaygan kooban xaqiiqdiisu ku salaysan tahay xogo iyo raad rac aan ku sameeyay Qabiilkan Kuul Carre iyo asal ahantiisa halka uu ka yimi .

Akhristayaasha qoralkan waxa aan markasta xasuusinayaa ,Qaba’ilka badan ee Somalidu leedahay ee odayga kaliya ku wada abtirsada macnaheedu maaha in hal oday wada dhalay ,balse waxaa dhici karta in badankoodu qarniyo aan sidaaba u fogayn in ay danwadaag ku kulkmeen kuna walaloobeen.

Sidaa awgeed ayaa labada reer ee Kuul Carre iyo Madhibaana aanay u jirin abtirsiin la taaban karo oo dhinaca nasabka ah oo ka dhaxaysaa ,marka laga tago wakhtigii aadka u dheeraa ee ay labada reer dhiig iyo dhaqanba soo wadaagi jireen .

KUUL CARRE HALKUU KA YIMI

Madamaa dhaqanka Somalida marnaba aan laga waayin dirirta iyo dagaalada ka dhex dhaca qabaalinka wada dagan iyo kuwa wada dhashayba iyada oo marka la is dilo la isna colaysto,waxa kaliya ee ay dadku ku kala badbaadi jireen waxa ay ahayd ,in reerka amma jeeska tamarta iyo taagta darani uu ka guuro walaalkisa kale ee ka xoog wayn ,si uu uga badbaado dhibta iyo dhagarta uu u gaysanaayo.

Hadaba taasi ayaa waxa ay dhaxal siisay in qabaa’il badan oo Somaliya oo Oday iyo Abba wadagaa wiil iyo walaalkii ahi ay ku kala lumeen dhulkii baxada lahaa ee qoomiyada Somalidu wada dagi jirtay.

Hadaad si xeel dheer wakhtigan xaadirka ah laftiisa aad ugu kuur gasho qaba’ilka Somalida iyo sida silsilada ah ee ay wax isugu yihiin ,waxaa mararka qaar kusoo baxaysa in laba reer oo aan abtirsiin guud iyo midgaartona aan wadagini in ay hadana walalo yihiin.

Hadaba hadii aynu usoo noqono qabiilkan Kuul Carre waxa jira Taariikho badan oo midkastaba ay si gaar ah kuu tusinayso Kuul Carre iyo halka uu ku nolaa wakhtiyadii badnaa ee uu anbadka ku jiray .Tariikhahaasi faraha badan mid kamida ayaa aniga isoo jiidatay, taasi oo aan ka waraystay Aqoonyahan Mahad Ayaanle Shire .

Hadii aan waxooga tariikha idinka siiyo Mahad Ayaanle Shire waa nin reer Hargaysa ah ,kana soo jeeda Qabiilka Kuul Carre ,waa nin wakhti aad u badan ku bixiyay baadhista iyo u kuurgalka qabiilkiisu halka uu ka yimi .

Mahad Ayaanle Shire waxa uu iiga sheekeyay in marka hore Kuul Carre uu deegaan ku ahaa gobolada Bariga .odaygii Kuul Carrena uu dhalay caruur dhan 3 sadax caruur ah oo kala ah ,Siciid Kuul ,Sacad Kuul iyo Faarax Kuul.

Sida aan Mahad Ayaanle iyo dadkale oo farabadan aan ka maqlay ,waxaa la sheegaa in markii uu geeriyooday odaygii caruurta dhalay ee Kuul Carre ,in hoyadii caruurta dhashay ay caruurtii la timi deegaanka loo yaqaano Beer kaasi oo ku yaala magalada Burco barigeeda .

Deegaankaasi Beer waxaa wayadaasi Xer amma sida ay Somalidu u taqaano Xerow (dariiqo)ku haystay Alla haw naxariistee Sheekhii Maxamed Madhibe oo ah Sheekha ay ku abtirsadaan Reerka looyaqaano Madhibaanku.

Aniga laftaydu mar aan gaadhay Deegaankaasi Beer ee ku yaala Burco duleedkeeda bari ,dad halkaa jogayna aan wax ka wadiiyay arimahan aynu hada ka hadlayno ,waxa ay ii sheegeen in aanay waxba ka xasuusan arimahaasi balse waxa ay isku wada raacsan yihiin in Sheekha Maxamed Madhibe Xerow ku hayn jiray deegaanka Beer.

Hadaba Mahad Ayaanle Shire waxa uu iga sheekeeyay in sadaxdii caruur ahaa markii ay hoyadood ay la timi degaanka Beer,waxa ay ka mid noqotay iyada iyo caruurtiiba Xertii Sheekha Maxamed Madhibe ,inkastoo uu Mahad ii sheegay in markii danbe ay Hoyaadi iyadu ka tagtay.

Intaasi ka bacdi waxa ay caruurtii yaryarayd ku abtirsdeen dhiig iyo dhaqana ay la wadageen Sheekhii iyo Xertisii,waxaana loogu yeedhay caruurtii Sheekh Maxamed Madhibe oo wayadii danbe magaciisii loo badalay Madhibaan.

Hadii aynu Soomali nahay waxa inoo caado ahayd waligeedba aniga laftayduna aan soo gaadhay oo aan garanayaa, iyada oo Culimada ixtiraamka iyo waynida loo hayo awadeed la yidhaahdo Aaabo Aaabo.

Arintaasi waxa ay Somali dhaxal siisay in dad badan amma qabaa’il farabadan oo Somaliya in ay ka fogadaan abtirsiintii iyo nasabiyadii saxa ahayd ee ay ku abtirsanayeen ,kadibna ay ku talax-tagaan jacaylka iyo muraqada ay u hayaan Culimada Diinta ,taasi oo aan sax ahayn .

Sidaa awgeed ayaa dad badan oo aqoon yahan ahi waxa ay rumaysan yihiin in caruurtii uu dhalay Kuul Carre ay abtirsiinta Madhibaanka ka qateen halkaasi.

Marka aan arimahan oo kale aan maqlo ayaan waxa aan dib u xasusta in dhamaan Qaba’ilka Somalida oo dhan yar iyo wayn marka aad abtirsiintiisa u dhabbo gasho way adag tahay in abtirsiinta qabiilkaasi ay kusoo af-gu’i waydo Sheekh amma shariif.

MADHIBAAN WAA IMISA REER

Arinta kale ee u bahan in loo kuur galo ayaa wax ay tahay hadii Kuul Carre uu dhalasho ahaan kasoo jeedo reerka Madhibaan sida ay dadka qaar ku doodayaan ,miyanay ahateen in ay meesha ku jirto Abtirsiin ay wadagaan Madhibaan iyo Kuul Carre .

Madhibaan waxaa uu u kala baxaa 12 reer :-

1.Mude Maxamed Madhibe

2.Cumar Maxamad Madhibe

3.Adan Maxamad Madhibe

4.Waa-Suge Maxamad Madhibe

5.Khayr maxamad Madhibe

6.Xuseen maxamad Madhibe

7.Hurugle maxamad Madhibe

8.Hufane Maxamad Madhibe

Balse waxa qoraalkan ka dhiman Afar reer oo Madhibaan ku abtirsada oo magacoodu iga maqan yahay ,jeclan lahana in la isoo sheego iyo haday ka badan yihiinba.

ABTIRSIINTA KUUL CARRE

Mahad Ayaanle Shire oo ah nin Kuul Carre ah ,isla markana ah nin aqoon yahan ah ,ayaa waxa aan waydiiyay si aan ugu kuur galo waxna uga ogaado Abtirsiinta Badhibaanka iyo mida Kuul Carre waxa faraqa ee u dhaxayn kara.

Kadibna waxa uu iiga sheekeyay in aanay marnaba isir iyo abtoona aanay wadagin Madhibaan dhinaca abtirsiinta ,isaga oo cadaynaya in ay ku kala gadisan yihiin dhinaca oday tirsiga iyo halka ay abtirsiintu ku aroortaba.

Mahad waxa uu halkan ka cadaynayaa in uu Carre Siciid Garxajis ugu tago 12 Laba iyo toban oday, taasina awgeed ayaa waxa uu Mahad ku doodayaa in uu la siman yahay Abtirsiinta H/Yoosin .

Isaga oo abtirsanaya Mahad waa kan :

Mahad,Ayaanle,Shire,Iidle,Warsame,Sahal,Naleeye,Dudub,Adan,Siciid,Kuul,Carre,Siciid ,Garxajis ,sheekh Isaxaaq .

Mahad Ayaanle Shire isaga oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu caday nayaa in Abtirsiinta Madhibaan iyo Abtiriska Kuul Carre anay meel ka wada bilaaban meelna ku wada dhamaan.

Mahad waxa kaloo uu caday naya in aanay dhinaca Tirada Odayasha ay ku kala gadisan yihiin,waa kan isaga oo u abtirinaaya Suldaanka Guud ee Madhibaan Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi.

Mahad oo u abtirinaaya Suldaanka:-

Suldaan Iid,C/laahi,Xirsi,Ibrahim,Cateeye,Mude,Maxamad Madhibaan .

Sidoo kale Mahad Ayaanle waxaa kale o-o uu soo qaatay Abtirsiinta Suldaanka Labaad ee beesha Madhibaan Suldaan Nadiif Saydh Jibriil .

Suldaan Nadiif, Saydh, Jibriil, Mire, Sinagees, Cumar, Maxamad , Madhebe .

Halkan waxaa ka muuqata in Abtirsiinta reeraha Madhibaanku ay Sheekh Maxamed Madhibe ugu tagayaan shan oday amma lix oday ,sida uu Mahad Ayaanle uu cadeeyay.

WARAYSIGII SULDANKA GUUD EE MADHIBAAN

Waxa aan wakhtiyadaasi ay arintu aadka usoo shaacbaxday aan waraysi gaban ugu tagay Gurigiisa ,Suldaanka guud ee Madhibaan ,Suldaan Iid Cabdilaahi Xirsi oo aanu waliba anigu si gaar ah u saxiib nahay .

Suldaanka waxa kaliya oo aan waydiiyay ,waxa uu ka og yahay arintan muranka badan ka dhex dhalisay Madhibaan iyo H/yoonis waxa uu kala socdo iyo asal ahaan halka ay kasoo jeedaan reerkan Kuul Carre.

Suldaanku isaga oo hadalka soo gabinaya ayaa waxa uu igu yidhi Khadarow Reerkan hada la magac baxay Kuul Carre “waa sida uu hadalka u dhigay”waxaan kuu ogahay in aanay abtirsiin la wadagin reerka wayn ee Madhibaan, balse ay danwadaag la ahaayeen ,taas macnaheeduna maha in aanay Madhibaan ahayn.

WARAYSIGII SULDAANKA GUUD EE MUUSE DHARIYO

Isla wakhtigaasi ay taagnayd xamasada iyo hadal hayna Reerkan Kuul Carre dadka aan waraystay waxaa ka mid ahaa Suldaanka Guud ee Beesha Muuse Dhariyo Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaciil oo isaga laftiisu aanu nahay saxiibo aad isu dheer.

Suldan Naasir madama uu yahay Suldaan ka mida Saladiinta Beesha Gabooye ,waxa aan waydiyay bal waxa uu kala socdo hadalhaynta maalmahan la hadal hayo in beel ka mida Beelihii hore ugu abtirsan jiray beesha Gabooye gaar ahan Madhibaan in ay wakhtigan xadirka ay soo if-baxdo in ay yihiin reer H/Yoonis ah.

Suldaanku waxa uu ii sheegay isla sidii uu ii sheegay Suldaanka guud ee Beesha Madhibaan Suldaan Iid C/laahi ee ahayd in Kuul Carre uu danwadaag la yahay Beesha Madhibaan.

Suldaan Naasir isaga oo aniga si gaar ah ila kaftamaya ayaa waxa uu hadalkiisa raacsaday,Khadarow hadaad naga dayn waydaan fadhataysiga aad nagu wadaan anaguna hadaanu Muuse Dhariyo nahay waxaanu sheegan doonaa Dirka Koonfureed oo nalagu tiriyo.

Akhristayaal hadalada labada Suldaan waxa kaliya oo ay inoo iftiminayaan amma aynu arintan uga fa’idaysanaynaa marka u horaysa in Reerka laydhaa Kuul Carre aanu Ab iyo isir toona aanu la wadaagin Madhibaan ,ee uu dan iyo danwadaag kula joogo .

WARAYSIGII FANAANKA CAABI MIRE DACAR

Waxa aan goor galaba Gurigiisa ku yaala xaafada Geed Goble ee magalada Hargaysa ku booqday Fanaanka caanka ah ee Caabi Mire Dacar oo isaga laftiisu ka dhashay qabiilkan uu muranka wayni ka jiro ee Kuul Carre.

Caabi Mire Dacar oo sababta aan ugu tagay ay ahayd xog iyo xogogaal u noqosho in uu iga siiyo waxa uu ka hayo arintan reerka uu ka dhashay ,kadibna Caabi Mire waxa uu iiga sheekeeyay Tariikh aad u badan oo dhinacyo badan ka tabanaysa reerkan uu ka dhashay ee Kuul Carre.

Caabi Mire madama uu yahay nin kusoo kacaamay yaraantisii Gobolada Bariga gaar ahaan Ceerigaabo , waxa la is odhan karaa waxa uu ka xogogaal san yahay dad badan oo arintan siyaabo kala gadisan doodo uga dhiibtay.

Caabi Mire waxa uu iiga sheekeyay in ilaa wakhtigii yaraan tisii, ilaa Awawyadii aanay marnaba maskaxdiisa iyo dhagahiisa anay ka faaruqin maqalka uu maqlo in uu yahay nin kasoo jeeda Qabiilka H/yoosin .

Caabi waxa uu iiga sheekeyay in isaga oo yar uu caruura loo sheegi jiray laguna barbarin jiray in uu yahay nin isaga iyo raaskooduba ay kasoo jeedaan qabiilka H/yoonis , balse aanu marnaba isu haysan in uu yahay nin qabiil ahaan kasoo jeeda Madhibaan.

Caabi Mire markii aan Guriga ugu tagay waxaa la fadhiyay Rag fara badan oo ay isku faamli yihiin ,badankooduna ay iila muuqdeen kuwo tariikh gal ah,dhamaantoodna waxa ay iska wada daba mareen in hadii loo baahdo ay keeni doonaan cadaymo intaasi kasii faahfahsan.

KULANKII GARAADKA GUUD EE KUUL CARRE

Garaad Axmed Diriye Jamac (Gaylan) waa Garaadka iyo madax dhaqameedka ugu sareeya beesha Kuul Carre ,Garaadku waxa uu ku dhashay Gobolka Sool kuna soo barbaaray .waxaanu ka mid tahay Garadada sida fiican looga yaqaano dhulka Somalidu dagto.waana Garaad ay dhisan tahay aqoontiisa waxbarasho .

Tariikhu markii ay ahayd 5/6/2010 waxa uu Garaadka iyo wafti ay hogaminayaa soo gadheen magalada Hargaysa, iyaga oo ujeedkoodu ahaa ku Caano shubka iyo ka mid noqoshada walalahooda H/yoonis .

Safarkaasi Garaadka iyo waftiga uu hogaaminayayba waxa uu dabada ku hayay, safar ay Saladiin H/habar yoonisi ku tageen wadanka Ingiriska wakhtigaas uun ka hor ,kuwaasi oo Garaadkana halkaasi isku soo arkay.balantoodii iyo baaqoodiina uu ku yimi.

Aniga iyo nin ka mida Saladiinta ugu waawayn H/yoonis ayaa waxa aanu Garaadka wakhtigaasi ku booqanay Hotelkii uu kaga soo degay magalada Hargaysa,inkastoo Suldaanka ila socda ay isku soo barteen wadanka Ingiriiska balse aniga waxa ay ahayd markii iigu horaysay ee aan garaadka la kulmo, marka laga tago Talefan aanu ku wada hadli jiray.

Garaadku waxa uu iga sheekeyay in Gobolka uu ku dhashay ee Sool dhamaan dadka deeganka ku ahi, gaar ahaan kuwooda tariikhda yaqaana ay rumaysan yihiin tariikh ahaan in aanu kasoo jeedno Qabiilka H/yoonis .

Waxa uu Garaadku ii sheegay hadii fursad loo siin lahaa wakhtigaa uu Hargaysa yimi in arimahan iyo sida ay wax u jiraan lagala xaloodo , in uu waxbadan oo dadka ka dahsoon uu soo bandhigi lahaa balse ayuu yidhi Garaadku waxa nagu kacay duufaano anan garanayn meel ay ka mimadeen.

Garaadka oo aan wakhtigaasi wax ka waydiiyay niyad ahaan sida uu arko waxa dhacay iyo in ay caqabad ku noqon karaan dadaalkiiso uu doonayay in uu kaga midha dhaliyo sidii ay isu fahmi lahayeen isaga iyo walaladiisa H/yoonis ayaa waxa hadaladisii ka mid aha :-

Madama waxa aan ka hadlayay ay tahay wada dhalasho iyo walal nimo ee aanay ahayd qabiil doonaya in uu qabiil kale oo wayn Dan wadaag la noqdo,waxa aan ku dadaali doonaa in aan wakhti ay noqotaba aan ka midha dhalin doono dadaalkayga ah in aanu is fahano walaladay H/yoonis.

Waxaa kaloo uu Garaadku carabka ku dhuftay , in iyaduba ay guul tahay hadiiba maanta H/yoonis ay wax iska waydiisay arin tayada isla markana aanu aragnay dad badan oo H/yoonisa oo aqoon yahan ah oo nala fahma ujeedada aanu arintan ka leenahay .

GARAADKA IYO CAQABADAHII KA HOR YIMI

Sida aynu soo sheegnay Garaadka iyo waftigiisu waxa ay u yimadeen xiligaasi magalada Hargaysa ,rag odayala oo Madax dhaqameedana ay kula balan sanayeen in Garaadka iyo qabiilkiisa Kuul Carre Burco loogu sameeyo xaflada wanqasha ka mid noqoshada Qabiilka H/yoonis.

Balse si ay wax noqdeenba waxaa ay hawshaasi ay keentay in buuq iyo sawaxan ay ka dhex abuurto H/habar yoonis gudaheeda ,taasi oo dadka qaarkii u arkayeen in aanay munaasib ahayn wakhtigan xaadirka in la yidhaahdo H/yoonis ayaa cidi ka maqan tahay.halka kuwa kalana ay tageer sanayeen kuna qanac sanayeen in reerkani uu ka mid yahay reerihii badidoonka loogu jiray wakhtiyada aadka u badan.

Intaasi ka bacdi waxaa shir degdega isugu yimi qaar ka mida Saladiinta H/yoonis kuwaasi oo mawqif wadajir ah kusoo saaray sida ay hadalka u dhigeen in aanay jirin raas amma qabiil H/yoonis ka tirsan oo hore iyo dib toona uga maqnaa .

Go’aankii Saladiinta ayaa dad badani waxa ay u arkayeen in uu yahay mid lagu degdegay, sababta oo ah waxa ku jirtay go’amada saladiinta in Habar yoonis in reer ka maqani aanu jirin horay iyo danbayse toona ,hadalkaasi oo ka hor imanaaya halku dhigyadii soo jireenka aha ee H/noonis tariikhda ugu jiray in ay jiraan reero ka maqani.

Sidoo kale waxa dadka qaar u arkayeen in go’aankani caqabad ku noqon doono tariikhda hadii ay soo baxdo cadaynta reerihii ka maqnaa H/yoonis kuwaasi oo dhamaan laabaha iyo qalbiyada dadka ku abtirsada H/yoonis ku dabacnaa.

Hadii aad maanta waraysato odayasha aan isleeyahay cimrigoodu aad ayuu u wayn yahay kana tirsan Qabiilka H/yoonis waxa ay kuu sheegayaan in awaw ka awaw ay warka ku hayaan reere ka maqan beesha H/yoonis.

Waxaa kaloo ka mida Caqabadahii aadka iyagunaa ee Garaadka iyo waftigiisa ka horyimi , Suldaan Daahir Xasan Khaliif oo ay Garadka isku raas hoose yihiin , uu ka mid noqday dadka sida xooga ah uga soo horjeeda arintan,kaasi oo meelkasta kaga hadlay in ay ka midyihiin kuna abtirsadaan beesha Madhibaan.

Sidoo kale waxa isaguna si aan gabasho lahayn uga soo horjeestay Garaadka guud ee Kuul Carre ,Dr Kamaal Daahir Cashuur oo wakhtigaasi ahaana gudoomiyaha ururka SIMA (Somali International Monitory Alains) kaasi oo si aan gabasho lahayn arimahaasi Garaadka caqabad ugu noqday.

MALAHAYGA WAXAAN IS IDHI

Ninbaa waxa laga hayaa waar Isaxaaq maan diidine Xaaqdaan diiday ,waar malaha H/yoonis Kuul Carre may diidine ,waxa ay diiday ,Kuul Carre reerka uu danwadaagta wakhtiga badan lasoo ahaa ee Gabooye .

Arintaasi in ay jiri karto waxaa kuu caday naya dad badan oo Reerka H/yoonis kasoo jeeda ayaa waxa ay ku odhanayaan, iyaga oo si qaldan u fikiraaya,ma maanta ayaad Reerihii gabooyana tidhi waa H/yoonis taasi waxa ay ku tusinaysaa in arintu ay Gabooye diid tahay ee aanay ahayn Kuul Carre diid.

GUNTII IYO GUNANADKII

Arintan Kuul Carre maha arin sida ay dadku moodayaan wakhtigaasi aynu kasoo sheekaynay halkaasi ku dantay amma ku joogsatay ,waa arin u bahan in in aqoon iyo aragti intaasi ka fog lagu eego.

Anigu Khadar ahaan ma ahi nin maanta odhanaya reerkan Kuul Carre waa H/yoonis isla markana ma ahi nin odhanaya reerkani maha H/yoonis balse waxa aan dareemaya in arinta reerkani ay u bahan tahay baadhis intaasi ka qoto dheer .

Waxa kaloo iyagana aan usoo jeedinayaa wawalahayga reer Kuul Carre in arintan looga bahan yahay cadayn iyo soo bandhigid aad u xeel dheer oo dadka aqoonyahanka ahi ay ku qanci kareaan ,aniga oo dareensan in ay keeni karaan hadii ay arintaasi u galaan si ka balaadhan sida ay hore ugu soo bandhigeen.

Wa bilaahi tawfiiq

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran