Libaaxii Cidlada Laguhelay & Duulkii Karaamada Beelay, W/Q Mohamed Sh Musa

Hor-u-dhac

Waa Libaax in badan la baadigoobaayey laguna dabajoogey si loo ugaarto, aakhiritaankiina cidla laguhelay balse nasiibwanaag la dhaawacay oo kaliya, halka sidii danta ahayd gabigiisa laga takhalusi lahaa

Kuwa ugaarsanayey Libaaxa waxaysan ogeyn in Libaaxu iskiisa u aaminsanyahay in tii Rabi halkeeda tahay (dhuux sheekadii caanka ahayd ee Diidiinkii loo tashaday).

Waxaa iyana caan ah oo lawada ogsoonyahay in ugaarsashada Libaaxdu tahay mid aan sahlanayn siiba markay xayn ku socdaan; waayoo, waxaa baaxad weynaaneysa khasaaraha ka imaankara ama laga dhaxli karo.

Sheekada “Libaaxii Cidlada Laguhelay & Duulkii Karaamada Beelay”

Waa sheeko ifineysa xambaarsanaanta aragti siyaasadeed ee qotodheer una baahan in si waafi ah loo fahmo. Haddaba intaan la gudagalin nuxurka sheekada waxaa mudnaan la siinayaa in marka hore leysweydiiyo:- Ayey ka turtumeysaa sheekadu?

Sida la dareemikaro jawaaabtu waa mid sahlan oon u baahnayn in waqti badan la galiyo; waayoo waxaa si aan shaki iyo mugdi ku jirin durbadiiba farta lagu fiiqi karaa Beesha Dir Koofureed, siiba qaybteeda “Surre”.

Isweydiinta kale waxay noqonaysaa:- Tolow, waa kuwama kuwa ku sifoobey “Duulkii Karaamada Beelay”?

Jawaabtu iyana waa mid sahlan oo muran galeyn in durbadiiba farta lagu fiiqo labada beelood oo kala ah “Beesha Daarood & Beesha Hawiye” ee ku karaamada beelay iney siyaasad daahsan (Underground Policy) iskugarabsadaan si ay u colaadeeyaan una dhibaateeyaan Beesha Dir Koofurteed, xag siyaasadeed, dhaqaale iyo jiritaanba.

Falaqeynta Sheekada

Inta aan hoos loogudagalin ifinta isgarabsiga huwan siyaasadda daahsan (underground policy) ee labadaBeeloodDaarood & Hawiye kuna wajahan Beelaha Soomaaliyeed oo idil iyadoo gaar ahaan ay u taabaneyso Beesha Dir Koofureed ayaan jecelnahay in marka hore hoos laga xariiqo dhibka wata colaadda dagaal iyo tacadiyada xambaarsan gumaadka arxandarrada leh ee had iyo jeer lala beegto maatada reerkaDir Koofureed iyadoon loo kala aabayeelin waayeel, dumar iyo caruurba.

Waxaa la xaqiijinayaa in colaaddu soo jirtay muddo aad u fog walow waayahaan dambe si xawli ah loo dardargaliyey siiba wixii ka dambeeyey dagaaladii sokeeye ee dalka soo wajahay. Curitaanka dagaalada sokeeyana waxaa loo aaneynayaa Beelaha Daarood & Hawiye, mar hadday iyaga ahaayeen kuwii u badalay dagaal sokeeye kacdoonkii dalka looga afgabiyey Dowladdii Militariga ahayd. Dagaaladaas sokeeye waxaa lagu xasuustaainey noqdeen kuwo lagu hoobtay dad, duunyo iyo dalba.

Waxaa kaloo la xusayaa in waqtigaan la joogo ay wali jiraan dagaalo iskugu jira kuwo la joogteeyey iyo kuwo goos goos ah. Dagaaladaas waxaa badankooda lagu fuliyaa Beesha Dir Koofureed, iyadoo loo adeegsanayo xooga iyo maamulkaDowladda, waxaana laga fuliyaa gobalada kala ah Mudug, Bari, Hiiraan, Shabeelada Hoose iyo Jubooyinka.

Dowlad ku sheegga Dalka maanta maamusha waxay muujisay kuna caan baxday iney haba yaraatee ka danqan dagaalada sida isdabadajooga loogu fuliyo Beesha Dir Koofureed, maadaama dagaaladu ka tarjumayaan istaraatijiyada ka dambeysa iskaashiga xaaraanta ku dhisan ee Beelaha Daarood iyo Hawiye oo hogaanka u haya dalka, beelihii kalana noqdeen daawadayaal aan micne sameyneyn. Haddii dhacdadaan la sii falanqeeyo waxaa sii caddaaneysa in siyaasiyiinta iyo beel dhaqameedyada Beelaha Daawood iyo Hawiye had iyo jeer isku garabsadaan wax yeelaynta beelaha Soomaaliyeed intooda badan haba ugu daraadaan kuwa ka soo jeeda Beesha Dir Koofureed.

Saa ay tahay waxaa halkaan lagu cadaynayaa in Beesha Dir Koofureed aan marna la gumeysan kareyn, lana baqdin galinkarin sida ay ku caddaatay dagaaladdii isdabajooga ahaa ee dhowrka jeer lagu soo qaaday Beesha. Waxaa kaloo la ogsoon yahay in caado noqotay in guusha had iyo jeer raacdo dhinaca kuwa xaqa ku dagaalamaya, Rabi ka cabsigana aaminsan. Taa waxay dhalisay in dagaal oogayaasha la kulmaan jab iyo halaag ay faraha kaga gubtaan iyadoo ay u dheertahay karaamobeel iyo taariikh xumi aan la deferi karin.

Dir Koofureed waxaa caado u ah ineysan marnaba iskood dagaal u qaadin, kan lagu soo qaadana iskaga caabiyaan si ay ku dheehan tahay geesinimo wadata tayo iyo naflahurid. Beesha markasta waxay aaminsan tahay iney guusha dhinaceeda raacayso mar hadday xaqa iyo Rabi ka cabsiga u taagan tahay; Allaana mahaddaa leh.

Maalinkasta, bilkasta iyo sanadkasta ayaa siyaasiyiinta iyo beel dhaqameedyada Beelaha Daarood iyo Hawiye waxay ku wacyi galiyaan dadka ku abtirsada xumaan ku saleysan nacayb, sadbursi, qabyaalad iyo xaqdaro aan dhamaad lahayn oo loo geeystoBeelaha Soomaaliyeed intooda badan. Akhaaritaanka taasi waxay dhalisay in beelaha ay ka soo jeedaan (D &H) ku dhaco cudur u diida iney yeeshaan miyir ay kula soocaan waxa xun iyo waxa fiican ilaa marka dambe cadeystaan, xalaaleystaanna dhiiga dadka muslimiinta ee walaalahooda ah.

Maxaa sababay una sahlay labadaas beelood (D &H) iney si wada jir ah isaga kaashadaan, fuliyaana ficilo saas u foolxun una qalafsan?

Mar haddii Beelaha Waqooyi u arkeen dantooda iyo maslaxadooda iney ku jirto gooni u istaag ayaa labadaas beelood (D &H) iyana dan u arkaan in halkaas uga banaanaatey fursad siyaasadeed oo wax weyn ka badali kareysa xukunka iyo maamulka guud ee dalka. Isbadalkaas siyaasadeed wuxuu fasaxay in labadaas beelood iyana dhidhibada u aasaan isgarabsi ku dhisan iskaashi siyaasadeed daahsan (underground policy) si ay u hantaan maamulka dalka.

Marag aan ladifiri karin waxaa u ah in maanta si cad oo la taaban karo u muuqato gacan ku haynta maamulka iyo siyaasadda dalka ee labadaas beelood (D &H), waxaana daliil u ah in had iyo jeer u magacaaban yihiin jagada madaxweynaha iyo midda wasiirka koowaad laba qof oo midna ka soo jeedo Beesha Hawiye kan kalena Beesha Daarood iyadoo aysan jirin dhacdadaan meel ay kaga xusantahay dastuurka dalka u dagsan, dhaqan beeleed looga heshiiyeyna uusan jirin, balse ay ku gaareen oo kaliya iskaashi ku dhisan siyaasad daahsan (underground policy) oo xambeersan khayaamo xaaraan ku dheehan tahay.

Beelaha Daarood & Hawiye ka sakow xukunka ay boobeen wax natiijo ah oo loo riyaaqi karo ay soo kordhiyeen lama hayo oo aan ka ahayn iney ka badin weeyeen maamul ku dhisan hal talaabo horay u qaad seddexna gadaal; si markasta laba talaabo dib loo jiro, halka guul ama horumar laga sugayey. Waxaa kaloo intaa dheer in qaska maamul ay malaageen labadaas beelood uu sahlay curashada dhaqdhaqaaqa habaarqabayaasha ‘AL-Shabaab’ oo ummadda Soomaaliyeed ku abuuray, dhaxalsiiyeyna naxdin, walwel, dhakafaar iyo rajobeel aan dhamaad lahayn.

Beesha Caalamka dhinaceeda waxaa lagu eedeynayaa iney ka gaabisay cambaareynta iyo wax ka qabashada boobka siyaasedeed iyo maamul ee labadaas beelood (D &H) ka wadaan dalka gudihiisa sababeyna in la dhaxlo maamul aan shaqeyneyn iyo nabad galyo la’aan dalkoo dhan saameysay,  mar haddii maanta wali Dalka ka jiraan dagaalo sokeeye.

Soomaali oo idil waxay rajo weyn ka qabtay in Beesha Caalamku dalka ku soo dabaasho xasilooni shaqeyneysa iyo dowlad xaq ah oo hanata maamulka Dalka laakiin nasiibdaro rajadaas waxay isku badashay fashilaad lagu huguriyoobey. Waxaa kaloo la aaminsan yahay ineysan jirin wax rajo ah oo laga qabi karo in maamul xalaal ku dhisan ka soo baxo doorashada dhawaan  la filayo in laga hirgalin doono dalka, mar haddii shicibka Soomaaliyeed si buuxda u aaminsan yahay jiritaanka musuqmaasuq baahansan oo saameyn ku yeeshay habka loo soo xulay guddiga doorashooyinka iyadoo dano gaar ah laga leeyahay.

Talo Jeedin

Iyadoo laga shidaal qaadanayo:

1) Kacdoonkii iyo dagaaladii xukunka looga tuuray dowladdii militariga;

2) Dagaaladii sokeeye oo curitaankoodii ka dambeeyeen Beelaha Daarood iyo Hawiye.

Ayaa si loo helo dal ay ka jirto nabadgalyo waarta ummaddiisana hanato dowlad cadaalad ku dhisan ee horumar sameyneysa waxaa lagu talinayaa inta goori goor tahay beelaha Daarood iyo Hawiye ka tanaasulaan waxna ka badalaan dhaqanka gurucan ee fooshaxunee ay caadeysteenwaayahaan dambe una badalaan dhaqan la yimaada ku tiirsanaanta asluub wanaag, daacadnimo, wadaninimo ee dhaxalsiiya iyaga iney doortaanOdeybeeldhaqameed iyo Siyaasi huwan:

b) Ilaah ka cabsi ka tarjumaya aaminsanaanta diinteena suuban;

t) Ka hormarinta danta guud tan gaar ahaaneed;

j) Muujinta jeceel u qabka ummadda ku abtirsata magaca Soomaali weyn, beesheay rabaan ha ka tirsanaadeene.

Haddii beel kasta oo ka mid ah labadaas beelood (D &H) iyo aan dhahnee beel kasta oo kal mid ah bulsha weynta Soomaaliyeed hirgaliyaan seddexdaas qodob (b, t, j) waxaan shaki ku jireynin in la dhaxlayo curitaan Odeybeeldhaqameed iyo Siyaasiu hogaansama  maslaxaddaiyo danta guud ee bulshoweynta Soomaaliyeed.

Soomaaliyoo idil waxaa loo soo jeedinayaa iney qaataan, hirgaliyaana tilmaanta tiirka ah; oraneysana:

“Qof kastoo Soomaali ah xaq wuxuu u leeyahay in Dalka Soomaaliya gudihiisa ka dagikaro , kuna noolaan karo halka uu is leeyahay waa kuu dan, isagoo ka sameysankara nolosha uu isleeyahay wey kugu haboon tahay noocayrabto ha ahaatee.

Gaar ahaan, qofka reer guuraaga ama reer miyiga ah halka uu isleeyahay daaq iyo biyo ayaad xoolahaaga uga helaysaa, isagoon ka cabsi qabin in lagu yiraahdo deegaanka anaga ayaa iskaleh, haddaanu nahay reer hebel iyo IMW’. Waxaa kaloo la soo jeedinayaa hoostana laga xariiqayaa in tilmaantaan lagu xuso Dastuurka Dalka u dagsan si ay u noqoto mid la isku halayn karo lana cuskankaro markasta ee loo baahdo.

Qore: Mohamed Sh Musa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran