Musharaxa Doorashada Madaxweynaha Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka Inay Dhacdo Doorasho Xaq Oo Xor Ah

Musharaxa Doorashada Madaxweynaha Xis. Shacabka Geeska Afrika Oo Ugu Baaqay Beesha Caalamka Inay Dhacdo Doorasho Xaq Ah Oo Xor Ah

Anigoo ku hadlaya Afka Xisbiga Shacabka Geeska Afrika ee Soomaaliya, waxaan halkan maanta si rasmi ah ugu dhawqaaya inaan u taaganahay doorashada Madaxtinimada ee ka  qabsoomi doonta dalka Bisha Sebtembar Sanadkan Insha Allah.

Ka Dib markaanu aragnay Baahida Shacabka Soomaaliyeed ee dulman, dhib iyo rafaadna uu ku heystaan una baahan hogaamin daacad oo diin iyo Aaminaad leh, u naxriisanaya Umada Dulman ee la hareereeyey laguna dulmay saami qeysiga dowladanimada oo dulmi weyni ka jiro.

Waxaan la tashiyo la sameeyey Shacabka dulman eek u nool Soomaaliay iyo qurbaha, waxaan go’aan ku gaadhnay inaan xaqdarada meesha ka saarno oo xaqa dalka Soomaaliya lagu maamulo, dulmiga aan joojinno si umada badbaado halista ay ku jiraan ee qabyaalada, dagaalada dhiiga badani ku daadanayaan.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed eek u nool dalka iyo dibadiisa inay nagu taageeraan xaqa walaaltimanada in xukuumada cadaalad ku dhaqda loo dhanyahay saami qeybsiga sax ah ee wax lagu qeybsado eek a dhisno dalka una adeegta Sghacabka Soomaaliyeed insha allah.

Midnimada Umada iyo walaatinimada ayaa hormar lagu gaaraa si taasi loo gaadho waa in la helaa Madaxweyne daacad ah oo u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed kulligeedna walaaleeya.

haabiil-300x160

Musharaxa Madaxweynaha ee doorashada Madaxtinimada Soomaaliya PHILOSOPHER:HAABIIL CABDI HAYBE

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE