Madaxwayne Degmooyinka cusub ee aad magacawday waxa ay khilaafsan yihiin (Xeer Lr.23/2002) – W/Q.Khadar Aar

Waxaa dhawaan Madaxwaynaha Somaliland uu digreeto Madaxwayne kusoo saaray degmooyin cusub,kuwaasi oo qaar ka mida la odhan karo waxa ay baal-marsanyihiin hanaanka iyo horu’socodka dawladeed ee dalka.

Ma-diidani mana kasoo horjeedo in degmooyin iyo deegano cusub dalka laga hirgaliya ,balse waa in aan laga tagin xeer-nidamiyahii uu distoorku u sameeyay marka la samaynaayo degmooyin .

Sharciga amma xeerka samaynta gobolada iyo degmooyinku waxa uu ku qoran yahay ,Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka dalka (Xeer Lr. 23/2002) xeerkaasi waxa uu si aad u faahfaahsan uga hadlaya habka iyo hananka loo maraayo marka la rabo in la sameeyo Degmooyin iyo Gobolo cusub.

Waxa kale oo uu xeerkani si fiican u lafa gurayaa ,qodobada iyo shuruudaha looga bahan yahay Deeganka iyo Dhulka la rabo in Degmo laga dhigaa qaabka u yeelanaayo .

Mida kale waxa uu xeerkani cadaynayaa in horta qiimayn sugan lagu sameeyo inta aan la magaacabin Degmada cusub ee la rabo in lagu soo kordhigyo sharciyada dalka.

Hadaba waa maxay qodobada looga bahan yahay marka la rabo in Degmo la magaacaabo , waajibna ku ah in degmadaasi laga helo ,hadii kale aanay xaq u lahayn in ay degmo noqoto .

a) Inta uu leeg yahay badka dhulka ee ay Degmadasi ku fadhido.
b) Tirada dadka ku nool deegaankasi Degmada loo doonayo.
c) Khayraadka dabicigaa ee uu Ilahay ku manaystay iyo inta uu leeh yahay.
d) In ay degmadaasi isku filaato marka la magacaabo boqolkiiba lixdan (60%) isla markana ay daboosho adeega guud ee arimaha bulshada .

Akhriste waxaa hadaba maanta muuqata in degmooyin loo magacabay Tuuloyin aan isleyahay in ay Shuruudaha buuxiyaan iska-daaye tirada dadka ku nooli magaadhi karaan intii loo baahnaa iyo in u dhawtoona,dhismaha iyo Guryaha ka dhisana hadalkoodaba daa.

Hadaba arintan magacawga Degmooyinku hada waxabay noqdeen “Islaantii xabada faraha badan guratay,ee markii ay qaadi kari wayday midkale ku dartay” waa arin layaable ,qofkasta oo in-uun uu caqli ku jiraana uu dareemaayo in ay tahay arin aan laga tashan waxna la iska wadiin,sharcigana baal marsan

Billaahi caleeg waxa aad iswaydiisaa arimahan hoos ku qoran kadibna waxa aad qiimaysaa bal Madaxwayne Silaanyo waxa uu uga jeedo in uu magacaabo Degmooyin Cirkasoo dhac ah.

a) Iyada oo aan lakala xadayn degmooyinkii hore ee dalka ka jiray.

b) Iyada oo wali aan loo samayn habka qiimaynta kala saraynta degmooyinka.

c) Iyada oo aan wali si fiican loogu kuur galin degmooyinkii hore iyo halka uu xaalkoodu maraayo isla markana aan qiimayn badan lagu samayn koboca dhaqalahooda iyo sidii ay u gaadhi lahayeen in ay noqdaan Degmo buuxisa shuruudihii looga baahnaa.

Intaasi iyo qaarkale oo farabadan oo u baahna in bal horta wax la iska waydiiyo,ayaa waxa aad arkaysaa in xafiiskii madaxwaynaha ay kasoo burqanayaan magacaabis degmooyin Cir-kasoo dhac ah, kuwaasi oo culays iyo muran farabadan ka abuuri kara Degmooyinkii hore u xasilonaa .

Waxaa laga yabaa hadii maanta wax laga waydiiyo Madaxwaynaha waxa uu uga jeedo Degmooyinkan faraha badan ee uu sida Kiniinka xumad jabinta ,jilibkasta uu liqsiiyay, isaga oo u magacabaya Degmo ku sheeg.

Waxaa dhici karta in uu Madaxwaynahu ku jawaabo dadkii deegaankaasi ayaa i waydiistay igana codsaday joog iyo jiifna ii diiday, kadib ayaan aniguna Jilibkasta waxa aan ku cashariyay magacawga Tuuladii uu rabay in Degmo looga dhigo.

Hadii Madaxwaynuhu uu jawaabtaasi bixiyo waxa aynu odhan karnaa waa uu ku qaldan yahay saxna kuma aha ,waayo Madaxwaynaha waxa loo doortay in aqoonta iyo ismamulka dawladeed ee uu dadka dheer yahay ku hago dalka iyo dadka ,balse umaynaan dooran in uu maanta oo kale muran iyo is-qabsi uu ka dhex abuura dadka walalaha ah ee wada yaala.

Waxa kaloo aan is-waydiiyay sababta ay in badan uga hadliwayaan Xisbiyada mucaradka ah ,miyaanay u muuqan halista iyo hagar-damooyinka ka iman kara Degmo aan xadkeeda iyo xuduudkeeduba aanu cadayn dhibta ay keeni karto, miyanay arkayn Xisbiyada mucaradka ahi sida qaawan ee loogu tumanaayo xeerarkii Degmooyinka loogu talagalay.

Erayga Distoor waa magac waxaanu ku qoran yahay Bugaag amma Warqado,balse waxa ay madaxda Somaliland ku tashadeen in Warqadahaasi iyo waxa ku qoranba aan lagu dhaqmin balse afka laga sheegto erayga Distoor.

Alla maxaa warqado iyo bugaag farabadan aynu hadalo iyo eriyo macan aynu ka buuxinay,maxaa halku dhig aad u qurux badan warqado inoogu yaala cidina aanay ku dhaqmin.

Maxaa marka ay madaxdu hadlayso ay hadaladooda iyo khudbadahoodaba ay qurxiyaan,maxay ayay ku celceliyaan wadankani Distoor ayuu leeyahay ,iyaga oo farta ku fiiqaya warqadaha kabadhada xafiisyada dhasku ku fuulay.

Maxay ayay fiicnaan lahayd in xeerka iyo qawaniinta dalka u daala ,lagu dhaqmo dadkana lagu dhaqo,wanagsanaan lahaydee hadii la helaayo dawlad uu sharcigu yahay midka u sareeya ee qof walba qabanaaya madax iyo minjaba.

Guntii iyo gabagabadii wax aad og-tihiin ma idiin sheeeeeeegaa: maanta oo kale waxa an xasuustaa Daahir Rayaale Kaahin oo soo saaray magacaabis Gobollo iyo degmooyin cusub kuwaasi oo uu kaga raadinayay dadkii Gobaahasi deganaa cod iyo kaanbayn.

Hadaba tanina waxba kama duwana taasi wakhtigaasi ay qoladii Udub ay ku dhawaaqday,balse muhiimadu waxa ay tahay ,hadii Madaxwayne adiga iyo xisbigaaguba aad arintan Kaanbayn iyo codod ku raadinaysaan ,ma iswaydiseen dhibta iyo caqabada kale ee ay inoo keeni karto ,taasi oo ay kow ka tahay in ay xumaato hanaankii iyo higsigii dawladi lahayd.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE