Xisbiga UCID go’aanka laga soo saaray ma noqon doona mid hirgala .W/Q.Qareen.Khadar Aar

Tariikhdu markii ay ahayd 12/6/2016 waxaa magalada Hargaysa gaar ahaan xarunta Gudida Diwaangalinta Xisbiyada Somaliland ka bilaabantay dhagaysiga dacwada garabyada UCID ee Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen , kaas oo ay hore dacwadoodu u gudbiyeen garabka Jamaal Cali Xuseen .

Muranka Faysal iyo Jamaal ayaa waxa uu ku salaysnaa , kadib markii uu Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu shaaciyey in aanu Jamaal Cali Xuseen musharax ka ahayn xisbiga UCID.

Hadaba doodi iyo dacwadii u dhaxaysay Eng. Faysal cali iyo Aqoon yahan Jamaal Calai Xuseen ayaa maanta Gudida Diwaan galinta ururada Siyasada ee Somaliland wax ay kasoo sareen go’aan rasmiya kaasi oo dhamaan warbahinta laga sii daayay.

Hadaba markii aan akhriyay go’aankaasi iyo sida uu u dhignaa ayaa waxa aad dareemaysaa in gudida diwaangalinta lafteedu qodobada ay soo sareen aanay noqon karin kuwo sidii la rabay arintan xisbiga xal u keeni kara.

Hadii aynu qaar kamida qodobadasi soo qaadano ,waxaa inoo muuqanaysa in qabyo badani ay ku jirto go’aankaasi , wakhtigan xadirkana ay adkaan karto in labada dhinac sida go’aanka loo soo saaray ay ugu hogaansaman,god’daloolada go’aanka ka muuqda awadood.

Inta anan guda-galin go’aanka gudida iyo dhaliisha aan isleeyahay waa ay ka muuqan kartaa go’aankaasi,bal waxyar horta aynu dul istaagno Xeerarka Xisbiga UCID iyo marxaladaha uu soo maray .

Tariikhdu markii ay ahayd 18/7/2001-20/8/2001 waxaa la qabtay Shirwaynahii lagu asasayay Xisbiga Cadalada iyo daryeelka ,shirkaasi oo ka dhacay xarunya Guriga Shaqalaha ee hargaysa ,wakhtigaasi waxa isla goobtasi lagu ansixiyay in uu Xisbigu yeeshi 19 Qodob oo loo arkayay in ay yihiin kuwo hawsha Xisbiga ku filan.

Tariikhdu markii ay ahayd 27/7/2006 waxaa kaabis iyo waxka badal lagu sameeyay qodobadii Xisbiga asaaska u ahaa iyada oo laga dhigay 23 Qodon.

Tariikhdu markii ay ahayd 4-5/7/2012 kuna beegnayd shir waynahii 3-aad ee Xisbiga ,waxaa kaabis iyo wax ka badal sadaxaad lagu sameeyay Qodobadii Xisbiga asaaska u ahaa iyada oo markan laga dhigay 40 Qodob.

Xeerkaasi u danbeeyay ee soo baxay 2012 waa xeerka iminka ay qodobadiisa u cuskadeen Gudida Diiwan galinta Xisbiyadu ,kuna booriyeen in labada garab ee Faysal iyo Jamaal ay ka dulaan Xeerkaasi kuna jaan-gooyaan shirarkooda .

Waxaa kaloo iyaduna jirta in Tariikhdu markii ay ahayd 28/10/2912 isla maalintaasina ay ahayd maalintii Jamaal Cali Xuseen loo doortay Musharaxnimada Xisbiga ucid.

Waxaa maalintaasi golahii dhexe ee xusbiga ee sharciga ahi uu ahaa 181 qof ,waxa iyada oo aan la garanayn sharci loo raacay laga dhigay shirkana lagu galay Jamal iyo ku xigeenadiisana lagu doortay tira dhan 300 oo qof oo ergooyina oo meel ay xeerka Xisbiga kaga taala aanay jirin ,waana waxyabaha muranka dhaliyay raga qaarna ay food-saradana ka dhigteen.

Aynu isoo noqono Gudida Diwaan galinta iyo go’ankii ay soo sareen ,isla ,markana bal aynu qodobo ka mida dul istaagno :-

Gudidu waxa ay si cad oo aan gabasho lahayn ay u laashay Musharaxnimadii Jamaal Cali Xuseen ,wax kaloo iyana ay meesha ka saartay Gudoomiye Xigeenkii sadaxaad Cali Guray .

Waxa ka mida go’aankii gudida in Xisbiga UCID labadiisa garab ay qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn ,Muddo dhan shan iyo afartan cisho gudahood,ka bilaab maysa maanta oo ay tariikhdu tahay 21/7/2016ka.

Hadaba qodobkani waxa uu dhalin karaa marka laga tago mudada iyo wakhtiga shirka lagu qabanaayo,khaliif kale oo ka yimaada dhinaca sharciga gaar ahaan shirka golaha dhexe ergada ka qayb galaysa iyo tirada ay tahay.

Xeerkii u danbeeyay ee Xisbugu ansixiyay 2012 waxa uu qodob kiisa 12-aad , farqadiisa 3 aad,waxa ay cadaynaysa ,in ergeda shirwaynaha aan cadiga ahayni ay tahay ergadii u danbaysay ee ka qayb gashay shirkii u danbeeyay ee 2012 .

Hadaba su’asha meesha ku jirtaa waxa ay tahay ,tirada golaha dhexe ee ay gudida diwaangalintu ay carabaabtay waa 181 xubnood waa sax,balse hadaba waxa uu cadaynayaa sharciga iyo Xisbigu ,sida 181 ay ku yimaadeen.

Waxa uu sharciga Xisbigu leeyahay :-

Golaha dhexe ee Xisbigu waxa uu guud ahaan ka kooban yahay 181 taasi oo tiro dhan 161(Boqol iyo kow iyo Lixdan) xubnood lagu ansaxiyey Shirweynihii xisbiga ,20 Laabatanka Xubnood na ay kayed ahayeen,kaasi oo Shir-weynuhu awood u siiyey Guddoomiyaha (faysal)Inuu Soo Magacaabo.

Hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay maxay ayaa laga yeelayaa 20 Labatankaa xubnood ee uu Gudoomiyaha sharcigu u cadaynaayo in uu isagu soo xulo ,taasi oo uu sharci cadaynayana u haysto.

Waxaa kaloo meesha ku jira in sharciga Xisbigu ku dhisan yahay in tixgalinta wayn la siiyo ,taaso gudida lafteedu aanay ka hadal ,balse meelaha qaar ay cuskadeen in dib loogu noqdo xeerarkii sharciga,waxa kaliya ee sharciga Xisbiga wax ka badali karta talabixin muhiimana kasoo jeedin kartaa waa Maxkamada sare.

Sidaa awgeed waxaa meesha ka muuqanaysa in labada garab Jamaal iyo Faysal ay marlabaad isula soo baxaan xererarkii iyo shuruucdii xusbiga u taalay ee ay awalba ku muran sanayeen,taaso dhalin karto in in Xisbiga Ucid doorashada uu ka hadho Sanadkan kiiskisuna uu u gudbo Maxkamad sharcigaa .

Si kale hadii aan u eego waxaban isleeyahay malaha go’aankan muhimada u wayn ee laga laha waxa ay ahayd in Jamaal Cali Xuseen ,loo sheego in aan hore sharci loogu dooran ,balse hadadan lafteedana waddo dhuxuleed la qadsiiyay .

Hadii aynu dhinac kale ka eegno go’aanka gudida ee u dhignaa in labada garab ay waxkasta ka sinadaan,hadiiba xataa ay taasi suura gasho ,ay dhacdana in labadii garab tiro iyo tayaba ay kala badin wayaan,taas macnaheedu maxay ayuu noqonayaa ,mise sida Kubada ayaa Rigoore loo dhigayaa.

Waxa kaloo go’amadii Gudida ka mid aha in dhamaan hawl-wadeenada Xisbiga loo yeesho sisiman oo cidina anay kala badsan ,in lacagta shirka ku baxaysa si siman loo wada bixiyo ,balse ma u muuqata in gudidu go’amada caynkaasi ah soo saartay in ay tahay mid si xeel dheer uga fikirtay arintan xisbiga.

Waxa kaloo go’amada gudida ka muuqata in aanay marnaba soo hadal qaadin Gudoomiya nimada Faysal Cali Waraame ,taasi waxa ay ku tusin kartaa in asaaska xisbiga loo aqoon san yahay Eng Faysal Cali Waraabe ,Jamaal Cali Xuseen na uu u muuqdo mid si yar daaqada uga baxaya.

Waxa kaloo arinta sii cuslayn kara ,Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo u muuqda in uu yahay nin ka rajo dhigay, qaab siysadeedka aqoon yahay Jamaal Cali Xuseen ,diyaarna aanu u ahayn in uu mardanbe wax siyasada saxiib kula noqdo Jamal .

Sidoo kale waxa iyana meesha ku jirta Aqoon-yahan Jamal Cali Xuseen oo ka ficil qaatay Faysal iyo qaabkan uu ula dhaqmaayo ,kuna tashaday sida isaga iyo saxibadiiba ka muuqata in ay Faysal kula gorgortomaan awooda Xisbiga .

Guntii iyo gaba-gabadii, go’aankan gudidu waxa uu u eeg yahay mid ku ekaaday awoodi sharci ee ay u lahaayeen in Xisbi caynkan oo kala ah ay arimahiisa xal ka gadhaan ,taasi oo laga dheehan karo go’amada aan nuxurka badan lahayn ee kasoo baxay.

Madama siyasada iyo asaska xisbiyada dalka ka jiraa ay ku qotomaan Qabiil iyo qolo ,waa ay fiic naan lahayd in ay soo dhex galaan odayasha dhaqanku,balsee taasi lafteeda ayaad modaa in si loogu kala faylshan yahay labada siyaasi.

Sidaa awgeed waxa aan isleeyahay arinta Xisbigani ka fursan mayso in ay si toos ah Maxkamada sharciga usoo faragaliso isla markana go’aan adag lagu kala saaro murankan xisbiga ka dhex oogan .

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran