Sideetan Jirkii Guursaday Shan Iyo Toban Jirka – W/Q: Khadar Aar

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw Cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una soo diray Nabi Muxamed (N.N.K) ahaana kii lagu khatımey Nabiyada.

Guurku waxa uu qayb wayn ka qaata dhismaha nolosha Adanaha,waxa uu kobciya garaadka iyo garashada qofka, waxa uu tar-miya taranta iyo tirada dadka,waxa lagu bartaa masuliyada iyo maamulka qoyska.sidaas awawdeed ayan Diinta Islamku ay uga dhigtay Sunne waajib ah.

In la guursado Nebiga SCW ummadiisa wuu ku baraarujiyey waanu inoogu yeedhay, waliba qofku markuu dhalinyarada yahay ayuu Nebiga SCW ku dhiiri galiyay. Nebiga SCW wuxuu yidhii , Dhalinyarooy, haddii aad masruufi kartaan haweeney, kiinii masruufi karaa ha-guursado, maxaa yeelay Indhahana wuu kaa laabayaa (xumaanta)farjigana wuu kuu xifidayaa .

Sheekadani waxa ay ku socotaa nin layidhaado Xaaji Siimaan ,oo ah nin waayo aad u badan kusoo qaaatay dunida dacaladeeda , waa nin wayn oo da’ahaan lagu qiyaasi karo in uu dhafay sideetameyadii ,walina aan Guur xalaala Nikaaxtu odhan,jaaniskii dhalinyara nimana uu ku dhaafay ,xaal aduun .

Xaaji Siimaan waa nin qorux iyo qoodhnimo u dhashay ,waa nin lafle iyo joog leh ,Xaaji Simaan waa nin raga ka tilmaaman marka uu halkaasi marayana la is-waydiiyo ,oo aan cidna lagu qaldin .

Xaaji Siimaan waa nin Ilahay csw uu siiyay maal aad u farabadan , waa nin muhaniya oo gacantiisu furan tahay ,waa nin aduunyadu agtiisa aanay waxba ka ahayn ,maal aad u farabadana ku kaydsaday Bangiyada aduunka.

Hadaba madama uu yahay ninka cimrigiisu uu sideetankii kor u dhaafay waxa uu iminka usoo jeestay sidii uu u guursan lahaa ,hadaba waxa uu wakhti aad u badani kaga lumay sidii uu gabadh uu guursado uga heli lahaa.

Waxaba intaasi oo dhan kasii cajaa’ibsan Xaaji Simaan ma rabo taladana uguma jirto ,marnaba in uu guursado gabadh ka wayn Labatan sano ,madamaa uu aduun badan haystana wax kalsooni daro ah kama qabo in uu gabadhaasi yar ee uu rabo uu helaayo.

Waxa ay Somalidu ku mahmahda “nin faash sitaa xaabo ma waayo”waxa kaloo hubaala in nin maal Ilahay siyayna aanu marnaba waayayn wixii uu Dunidan korkeeda uga baahdo.

Aduunyo la’aan aya rag isdhafisay ,ninkasta oo maanta Ilahay midigtiisa maal galiyay waxa hubaala in aanu cidna biyo u kabanayd,ceelkuu doonana uu kasoo cabaayo.

Xaaji Simaan waxa wakhti aad u badani uu kaga lumay sidii uu gabadh uga heli-lahaa gayiga iyo goobta uu joogo ee dibada ,balse waxa uu markii danbe talo ku gadhay in gabadh u doonto wadankii .

Hadaba intii aanu xajigu wadankii usoo dhoofin ayuu dhamaan odayashii iyo ehelkiiba kusoo war-galiyay una sheegay in uu ayamaha soo socda wadankii imanayo ,isaga oo wax uga taataabtay ujeedada u wayn ee uu dalkii u imanayaa in ay tahay in uu guursado.

Xaaji Siimaan markii uu fariimahasi iyo messagkaasi iska sii horaysiiyay ayaa waxa uu usoo taba-bushaystay sidii uu wadankii ugu soo anba-bixi-lahaa, kadibna waxa uu soo raacay Diyarada.

Fiiro gaar ah :-

Xaajigu intii uu anba-baxa kusoo jiray,waxaa ka socday magaladan uu imanayo tababushe iyo soo dhawayn aad u badan, oo ay u samaynayaan odayashii iyo ehelkii uu ka dhashay ,waxa guntiga dhiisha la iskaga dhigay sidii Xaajiga looga farxin lahaa madama uu wakhti aad u badan wadanka ka maqnaa.

Waxa kaloo iyana tol iyo taagba la isugu geeyay sidii Xaajiga gabadh uu guursado loogu radin lahaa ,iyada oo caqabada jiri kartaa ay tahay ,kadib markii uu Xaajigu isaga oo cimrigaasa hadana uu shuruud ka dhigtay in aanu guursanayn gabadh ka wayn labatan jir.

Balse hadana iyada oo culayskaasi jiro ayaa hadana ,ninkasta oo ka mida odayashan u xilka saaran soo dhawaynta Xaaji Siimaan ,waxa uu mid kastaba tamaniyayaa in ay fiic-naan lahayd in uu Xaajigu hablaha uu dhalay mid ka mida uu ka guursado ,calashaan Lacagta.

Odayshii qaar kamida ayaa waxa ay dib ugu noqdeen guryahodii ,iyaga oo hoyoyinkii hablaha dhalay waydiinaya su’aalo ka fajaciyay “naa horta heedhe inanteenan heblaayo sanadkay dhalatay waan ilabee iwm.islamahii guryahu waa ay yabeen hadalada odayasha kasoo yeedhayaa waxa ay daaran yihiin ,balse la’ogaan.

Akhrista ayaamo ka bacdi waxaa madarka laga soo galbiyay Xaaji Simaan oo aad yaabto Lababiska iyo quruxda ka muuqata,Xaaji simaan waa nin intii uu qurbaha ku maqnaa hadal hayntiisu aanay marnaba magaladan ka joogsan, magalada uu hada yimi ka dhistay Guri ka mida Guryaha ugu fiican.

Xaajigii waxaa gacanta laga galiyay furihii Gurigiisa oo aanu waliguu arkin iyo Gaadhi intuu uu safarka kusoo jiray loosii iibiyay oo uu Lacagtiisa soo dirtay.

Fiiro gaar ah:-

Waxaa jiray nin oday ah oo ay Xaaji Siimaan saxiibow dhaw ahayeen ,waxa uu ahaa nin leh caruur fara badan oo ay u kala dhaleen laba bahood ,amma laba dumara ,dumarkaasi oo midkamidii waxa ay leedahay caruur dhan Afar tankalana waxa ay leedahay hal Inan (gabadh)

Islaanta u dhashay halka inan(gabadh) waxa ay kala tageen odayga waa hore,sidaa awadeed inantu marna may arkin abaheed ,sababta oo ah waxa ay ku noolayd gobolada Somalida qaar ka mida ,oo aad uga fog halka uu Abaheed dagan yahay.

Inanta da’deedu waa Sideed iyo Toban jir ,waxa ay hoyadeed in badan ka codsan jirtay in ay soo aragto abaheed oo ay lasoo kulanto,inkastoo ay hoyadu in badan u diiday in ay lasoo kulanto abaheed ,xurgufta iyo cadhadii ay ku kala tageen xasuusdeeda awadeed ,hadana waxa ay markan u ogolaatay in ay u tagto abaheed soona barato.

Hoyadii waa ay soo anba bixisay inanteedii ,waxanay kulasoo dardarantay in marka ay abaheed soo aragto sida ugu dhakhsaha badan ay usoo noqoto.

Waxa ay timi inantii yarayd magaladii abaheed dagana ,waxa walaladeedii kale kasoo kaxeeyeen halkii ay gaadhiga kaga degtay,waxaa la keenay gurigii abaheed ,waxaa farta loogu fiiqay abaheed oo anay garanayn oo halkan soo fadhiya, kalgacal iyo xiiso ay u qabto awadii ayay ka dul oyday waana la amusiin kari wayay.

Iyada oo ka dul ooyaysa abaheed ayaa waxa ay ku celcelisay hadalada calacalka ah ee ay ka midyihiin , aabo maxaad iigu iman wayday amma aad isoo raadin wayday miyaad i nacday,miyanad i dhalin.

Inantii yarayd iyo caruurtii ay walalaha ahayeen waa ay isbarteen ,waanay kala xiiso goyn wayeen,hooyadii inanta yar dhashay waxa ay maalin kasta soo diraysaa talafon ay ku codsanayso in inanteedi yarayd dhakhso gaadhiga loogu soo saaro sidii ay balantu ahayd.

Fiiro gaar ah u yeelo:-

Balse Somalidu waxa ay tidhaahda inan (gabadh) iyo ayadeed (edadeed)marnaba iskuma fiicna ,islantii caruurtan kale dhashay waxa ay tamaniday in ay xaajiga ku qalqaaliso in gabadhiisan yar uu u guuriyo xaajigan lacagta la kuutinaya ee Xaaji Siimaan ,maal farabadana ay ka qataan.

Akhristow ogsoonow iyada lafteedu waxa ay leedahay hablo waawayn oo qaan gaadh ah ,balse lama rabto in ay khasnada xajiga ku furato ,ee waxa ay doonaysaa inantan yar ee abaheed booqashada ugu timi in ay maal farabadan ku hesho.

Xajiga markii ay taladaasi ula tagtay ,waa uu ku boogadiyay waxanu u sheegay in ay asiibtay ,isla markaasi waxaa markiiba qalqaalo loo galay sidii inantan yar looga dhadhicin lahaa in ay guursato ninkan maalka badan haysta .

Hooyadii inantan yar dhashay habeen iyo mailba waa ay soo qaylinaysaa iyada shaki badan ka qabta waxyabaha inan-teedii yarayd jeclaysiiyay magaladii ay Abaheed ku booqatay.

Odaygii waxa uu u tagay inantisii yarayd oo ila hada ka xiiso goynla aragtida abaheed ay muddo badan u qabtay,waxa uu u sheegay in uu la doonayo in aanay ka tagin ee ay halkan la dagto (magaladan) isla markana uu ku daro una guuriyo nin ay saxiib yihiin.

Inantii yarayd waxa ay markiiba si lama filaana uga soo horjeedsatay codsigii abaheed ee ahaa in uu u guriyo odaygii ay saxiinbka ahayeen ee Xaaji Simaan ,iyada oo aan markaasi ka warhayn ninka loo gurinayaa waxa uu yahay iyo caynka uu u eeg yahay .

Abihii iyo intisii yarayd markii ay arintii isku waafiqi wayeen ,odaygii waxa uu inantii yarayd ka codsaday in aanay Hoyadeed waxba u sheegin inta ay arintan ka go’aan gadhayaan labadoodu,taasi oo ay iyana ka aqbashay.

Arintu markii ay halkaasi maraysay ayaa ilayn oday waa guune waxa uu inantii yarayd ee uu dhalay marba dhan wax uu kaga yimadaba ,ogolaysiiyay guurkii xaajiga ,isaga oo u balan qaaday in ay xaajiga ka helayso aduun waxa ay u bahato.

Akhristow inantii yarayd iyo abaheed waxa ay talo kusoo gonanadeen in ay in ay guursato ninkaasi ,isla markana arinta guurkeeda marnaa aanay hoyadeed waxba kala socodsiin, ilaa muddo gaaban ,taasi oo ay iyana aqbashay.

Madama inantii yarayd ay ogolaatay in ay yeesho sida uu abaheed ugu taliyo ,hadana wali iyada iyo ninka guursanayaa ismay arkin ,balse caqligeeda ayay qabtaaye waxa ay dareen san tahay in ninka abaheed la doonayaa in uu yahay nin wayn da’ahaan.

Layaabkii ugu waynaa waxa uu dhacay maalintii la’is-tusay iyada iyo Xaaji Simaan ,waxa ay markaasi fadhiday guriga abaheed qol ka mida ,waxa usoo galay abaheed oo ay la socdaan laba nin oo kale , da’ahaana ay ku qiyaastay in ay labaduba ay ka wayn yihiin abaheed ,balse labada oday ee u soo galay midka iyada la siiyay wali may garan.

Markii ay guriga soo galeen ,isla markana ay yiqiin satay in ninka la rabo in la siiyaa in uu yahay ninkan cimrigiisu dhamaaday ee Xaaji Simaan , indhahana ay sii fiican uga buuxsatay ,ayaa waxa ay damacday iyada oo naxsan in ay qolkan ay ku jirto ay dibada uga baxdo ,balse abaheed ayaa ka diiday ,soona celiyay.

Waxa uu abaheed ku yidhi aabo waakan ninkii aan ku siiyay ,ee aqbal anigana iga ducayso,meeshana haynagu ceebayn Somalidu waxa ay ku maahmaahda ninkii ku dhali kara ayaa ku dhaqi kara .

Intaasi markii uu yidhi ayay inantii yarayd ,ilmadu kasoo qubatay,waxa kasoo bixi waayay hadalkii ,waxa ay ku catawday maxaa halkan i keenay maxan kasoo doonay iyo hadalo ay ka mid yihiin hooyaday ila hadla.

Waxa jira nin oday ah oo la socday Xaaji Simaan iyo ninka inanta dhalay kaasi oo arkay xaalku halka uu marayo ayaa waxa uu Xaaji Simaan kula taliyay in uu inantan yar faraha ka qaado .

Balse Xaaji Simaan iyo Abaheedba hadalkaasi may jiclasaysan ,kadibna ninkii guriga ayay dibada uga sareen,aabihii inanta dhalayna arintii halka kagamuu hadhine habeen iyo maalin waxa uu inantisii yarayd la dultagan yahay aabo aan kuu duceeyee talatayda aqbal .

Muddo yar ka bacdi inantii yarayd waxa ay noqotay mid laga caqli badiyay dookheediina ku doorsatay ducadii abaheed,waxa ay aqbashay in ay xaaji Siimaan guursato ,waxa la qaban-qaabiyay arooskii .

Habeenkii arooska:-

Markii dhamaan dadkii arooska kasoo qayb galay ay wada dareeren aya xaaji Siimaan iyo inantii yarayd ee loo guriyay ay qolka soo galeen hurdada , kadibna xaaji simaan madamaa uu yahay in cimrigiisu dhamaaday ,ilayn Ilkaha afka ugu jiraa waa kuwo macmal ah.

Xaajigii inta uu shandada-hisii mid kamida uu furay ,ayaa waxa uu kala soo baxay qalab loogu talagalay in Ilkahan macmalka ah lagu xafido laguna xareeyo ,kadibna inta uu Laba iyo sodonkii Iligba iyada oo arkaysa iska siibay ayuu qalabkii uu sitay oo biyo ku dhex jiraan uu ku xareeyay .

Inantii yarayd oo awalba sida Sakaaro la qabtay meel halkan ah kuududa ayaa waxa ay aragtay xajigii guursaday oo markiiba ay labadii DAAN(can) isku dhaceen Sankuna uu dheeraaday .

Wax ay samayso ma taqano ,halkan abaheed iyo ayadeed (edadeed)ayaa gaadh ka haya oo aan donaynin marnaba in Xaajiga ay lacagta ka qateen in aan la xumayn .

Akhristow inantii yarayd waxa ay dani ku khasabtay in ay Xaajigii iskala joogto ,in ay u dulowdo ,niyad jab iyo qalbi madoobaadna ay kula noolaato Xajigii ,dhag-xumada iyo ceebtana ay abaheedii ay isku cusbayeen ay ka dhawrto .

Qofkasta oo guriga kusoo booqdaba marka la waydiiyo ee lagu yidhahdo ma gabadhii xaajiga ayaa tahay waxa ay ku odhan jirtay maya ,waxa uu ii yahay Awoow, waana su’aal la waydiiyo mida ay u neceb tahay ,sababta oo ah marnaba niyad iyo kalgacal uma hayso.

Inantii yarayd waxa ay noqotay mid ku nool nolol silica ,cunta iyo oomato waa ay ka go’day, hurdo habeenimo wakhti ugu danbaysay lama yaqaano, maalintii marka uu Xaajigu Suuqa ku maqan yahay ayay yar lamadooda marka uu guriga soogalana sas iyo salal ayay la sara kacdaa ,jidhkeedii jeex kama joogo oo way jidiin qalashay .

Xaaji Simaan isaga dhankiisa dan iyo muraad kama laha, warwarka inantan yar haystaa,lama hadlo lamana sheekaysto oo hore ayay uga diiday ,sidaas awadeed marka uu dantiisa habeenkii ka dhamaysto ayuu iska gataati dhacaa ,iyaduna iyada oo ooyaysa ayay qolkale ku carartaa ,hoostana kasoo xidhataa, kadibna sida ay u barooranayso ayaa waagu u baryaa.

Wax ay arintu sidaa ahataba ,hooyadii inanta dhashay markii ay ogaatay in inanteedi yarayd wax ku soo kordheen ,juuq iyo jaaqna ay ka wayday ayaa wax ay ku tashatay in ay raadiso,wax ay timi magaladii ay inanta yari daganayd , waxa ay soo gashay goor habeenimo ah .

Hoyada dhashay inantan yar iyo abihii dhalay isma arki karaan ,waxabana dhici karta in hadii magalada lagu ogaado in ay nafteedu halis gasho,taas awadeed ayaa waxa ay raadisay iyada oo magalada maalinba xafad ka tooyanaysa (baafinaysa) gurigii ay inanta yari ku nolayd.

Ayamo ka bacdi waxa loo tilmaamay gurigii ,gabadh xariifada ayay ahayde waxa ay u kuur gashay inanteedi yarayd iyo halka ay ku nooshahay kadibna waxa ay akhbaar kusoo heshay in inantii yarayd loo guuriyay nin oday ah ,kaasina ay gurigiisa ku garba duuban tahay .

Waxa ay raadisay gurigii Xaaji Siiman ,waxa ay samaysay si ay inanteedi yarayd usoo kaxaysato in Guriga meel ku dhaw ay u fadhiisato,kadibna maalin maalmaha ka mida ayay waxa ay la kulantay xaajigii oo guriga kasii baxaya ,markii uu ka libdhayna sida leebka ay gurigii soo garacday ,nasiib wanaag waxa ka furtay inanteedii yarayd.

Markii la iska dul ooyay cabaar ayaa hoyadii intii aanay warkale u galin ayaa waxa ay ku tidha soo bax oo in keen waan ku kaxaynayaye ,inantii yarayd aad ayay ugu faraxday ,balse waxa ay ku tidhi hoyadeed ,masoo qaata dharkayga ,hooyadii waxa ay kula talisay inantedii yarayd in aanay shay kasoo qadan gurigan,halkan iminka ay tagan tahayna ay kasoo dhaqaaqdo.

Hoyadii iyo inanteedi yarayd waxa ay kasoo xadhko goosteen gurigii xaajiga kadibna wax ay si degdeg ah u yimadeen goobta laga raaco babuurta tagta gobolka ay ka tami hooyadu inanta dhashay,halkaasi oo ay babuur ka raceen kana anbabaxeen.

Xaaji simaan gurigii markii uu yimi,gabadhiina uu ka wayay ,ilayn waa nin wayne waxa uu dareemay in ay wax isbadaleen gabadhiina ay guriga ka baxsatay,kadibna waxa uu ku wargaliyay abaheed,taasi oo magaladii laga raadiyay .

Ayaamo ka bacdi waxa soo hadashay hoyadii dhashay inanta taasi oo si aad ah u cadhaysan ayaa waxa ay kasoo codsatay Xaaji Simaan in uu inantan yar soo furo warqadeedana uu soo siiyo ,Xaaji Siimana waxba iskumuu adkaynine gabadhii waa uu furay ,kadibna wadankiiba waa uu kasoo gogoostay oo waxa uu kusoo noqday qurbahisii uu la yaqaanay.

Guntii iyo gunaanad.

Sheekadan waxa inooga muuqatay in Xajigii inanta guursaday halkii uu raaxo iyo kalsooni uu guurkisa kala kulmi lahaa in uu wajahay muural xumo iyo niyad jab wayn,sidoo kale inantii yarayd ee la siyayna ay noqoto mid aad moodo had iyo goor in tahay mid geeriyaysan .

Waxa kaloo iyana meesha ka muuqda in abayasha qaarkood anay qiimay-nayn rabitaanka caruurtooda iyaga oo u maraya dariiqa sharciga ah ee Ilahay inoo baneeyay ,balse ay ku lu’go-ayaan shilimaadka yar ee ay ka qataan odayasha lacagta sita.

Akhristayaal sheekadan ugama jeedno in aynu ku coladinayno amma kasoo horjeedno guurka odayasha aadka u waawayn iyo hablaha yaryar ee curdinka ah,balse waxa aynu ku iftiiminaynaa dhibta iyo karahiyada ka imankarta waxkasta oo aan laga wada tashan amma khasab iyo jujuub ku yimaada guurka hablaha yaryar .

Mida kale sheekadan macnaheedu maa-han in aanu waalidku kaalin ku yeelan guurka caruur-tiisa ,inan iyo inan(gabadh) midku doono ha ahadee,balse waxaa fiican waalidka iyo caruurtu in ay isla fahmaan arimaha mustaqbalka nolosha ah ee uu guurku ka mid yahay ,talo midaysana laga wada yeesho.

Wa-bilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE