AMIN BAYNU JOOGNAA – AFKA HOOYO NACAS YAHAY!!! waxaa tiriyey: Maxamed Shugri

Waxaynu joognaa xili Afkeenii Hooyo noqday wax laga faano

• Waxaynu joognaa xili qofku beyr ka yeeshay inuu afka Hooyo si badhax tiran ugu hadlo

• Waxaynu xili qofku hadaanu odhaahdiisa ku xardhin ereyo qalaad uu dareemayo nuqsaan

• Waxaynu joognaa xili hormuudka bulshadu ku faanaan in aaney afka Hooyo ku qeexi Karin ujeedadooda.

• Waxaynu joognaa xili da’yarti u fahantey ama loo fahamsiiyey in afkooda hooyo yahay wax ay ku hadlaan dadka aan aqoonta ku xeeldheereyni.

• Hadii hadaba afkeenii ayaan daradaasi lasoo daristey, miyaaney habooneyn in aynu isweydiino qiimaha uu lahaa?

• Ma mudan yahay in aynu badbaadino?

• Ma bedelan karaa, oo ma heli karaa af inoo buuxiya kaalinta nolosheena kaga jirey?

• Afkase aynu ku bedelanaa ma buuxin karayaa kaalintiisii?

Si hadaba aynu jawaabo waafi ah ugu helo su’aalahan bal aan dhugano Maansadan oo tilmaamo kooban ka bixin doonta waxa afka hooyo u taagan yahay.

AFKA-HOOYO (M.Shukri)

1. SIDA RUNA SIDAAN QABO

2. SIDA MARAG MA DOONTO AH

3. SIDA AANU MURAN IYO

4. SARIF KALE BANAANEYN

5. AFKA HOOYO WAA SUMAD

6. SIFO WEEYE JIRITAAN

7. IYO SEESKA GOBANIMO,

8. SOGORDAHA ABWAANKIYO

9. SODOH XEERINTEEDIYO

10. SITAAC IYO HUMAAGEYN

11. SEEMAN IYO XISHOOD IYO

12. SAWA HADALKA UGUBKIYO

13. SARIDIYO DULMARID GUUD

14. SINGALAYDH U GELINTIYO

15. SALUUGIYO MASHIIKHSIGA

16. SAAF KA CAAGANEYNTIYO

17. SABABTIYO UJEEDADA

18. SANGAAB URURINTIISIYO

19. SUUREYNTA DULUCDIYO

20. SURUC FURIDA BAANAHA

21. SIDA LOO BANDHIGO DOOD.

22. MARNA WAA SILSILAD DHAQAN

23. SAYLICI WILWILO IYO

24. SANAAG CEERIGAABIGA

25. SUULALAWGA JAANDHEER

26. SAGSAGTIYO ROGROGIDIYO

27. SAQAF JAGACDA QOOBKIYI

28. SACAB DANAB LA MOODIYO

29. SAF U TAAGAN JIIBTIYO

30. SOORAAN COD BAXANOO

31. SUUGEYNTA MADASHIYO

32. SAQAROOR KA REENKIYO

33. SAWD KU LAAQAN JAANTIYO

34. SALKINAAYA MIDHAHOO

35. SUREER GELINTA DHAAYAHA

36. SAXAL BIXINTA DOOKHIYO

37. SAAR KU JABINTA DHAANTADA

38. SAYN MADOOBE DAAYOO

39. NIN SAGAASHAN JOOGIYO

40. SOO KACAY WADAADKII,

41. SAMAW AABE HANADOOW

42. SAWAABKIYO XAQIIQDAAD

43. SOOMAALI KUBA TAHAY,

44. HADAAN SAAXIR KAA DIDIN

45. KUGU SABIN MID BEENIYO

46. SAMAYS AAN HIGAAD IYO

47. SURIN LOO ABRAACIYO

48. SIDAN XEER U DHALASHO AH,

49. SUUQA DOQON MA GARATADA

50. LAGA SOO MIDH TOOCSADAY

51. SUUF ALOOL GURAANGURA,

52. WAA BAADI SOOC IYO

53. SAWRAC LAGU AQOONSADO

54. BULSHO SOONAHEEDIYO

55. SINJI HIRASHO IYO XIDID

56. SAL AROORKA CUGASHADA

57. SO’DA AY U KUDAN TAHAY.

58. MARNA WAA SAREEDIYO

59. RAXMAD SAAFI CURATIYO

60. SEBEN AAD BARWAAQO AH

61. CAWO LAGA SAL BUUXSADEY

62. SULUB CAANAHEED IYO

63. SIXIN DEYLO LAGA LULAY

64. SARAR IYO LEG IYO BADHI,

65. SOO HAADKA UDUGIYO

66. HOOBAAN SAGAAL MIDAB

67. BADHBA SUUDH GASHADAYOO

68. SARAJOOG KU DAAQ IYO

69. NIN SIBRAAR KA DHAANSADEY

70. SIDEE WEEYE XIDHANTAHAY,

71. SOORYO WADARI LEEDOO

72. IYADOON SULDAAN IYO

73. SIKHI QUUDHIDIIS IYO

74. SAYID LOO MARTI AHAYN,

75. NIN SAKAARO LEGEDIYO

76. SARYAN NIMAANU FULINEYN

77. NINKASTAA SEDKIISIYO

78. SAA’ID UU KA BOGAN KARO.

79. MARNA WAA SARGOYN IYO

80. SAHAN IYO QORSHAYNOO

81. BULSHO SAASAHEEDIYO

82. SAXA HIMILADEEDIYO

83. SIDA AY U LULATIYO

84. SOOYAALKA HODANKA AH

85. LAGA SOO MINGUURSHOO

86. SOO JIREEN XIDIGIS IYO

87. SAAHID AAD U XEELDHEER

88. SUD YAQAAN KA FAASHOO

89. SAXARIIRKA WAAYAHA

90. IYO SUUDHA JIILAAL

91. SAADAMBIYO WAX DHICI KARA

92. SARIIG LAGU KANTAAYOO

93. SABA BIXINTA MAATIDA

94. SUUF IYO XANJIYO KAYD

95. SAHAY LOOGU QOOLAA.

96. MARNA WAA SARAAYAHA

97. SULUFKIYO COLAADAHA

98. SOO YEEDHKA DHIILADA

99. SAHWIGIYO MA FILASHADA

100. SUBAX BEESHU NABAD TAHAY

101. ADIGOO SOCDAAL DHAW

102. SOO BARIIDIN GACAL IYO

103. SAAXIIB U TEGEYOO

104. SAACADO KU LAALAA,

105. SABADIYO RUGTAADII

106. SIBIQ CADAW KU YIMIYOO

107. SOOF IYO NAF IYO MAAL

108. SAAKUMAY DHAMAANTOOD,

109. SAALAX WEETADIISYO

110. MISNA SAYMUHUU DHIGAY

111. SOO RAACSHAY GABAYOO

112. SAHAL YAA LAHAAYEEEY

113. SOO JIITAY MAQALKII,

114. SARAKACA NIN WEYRAXAY

115. SI AAN QABANNA LAGU FALAY

116. SAKAL FURASHADIISIYO

117. SENGE HALABSIGIISIYO

118. SUNNE FIIQIDIISIYO

119. SOGSOGTIYO CADAADIYO

120. SARIMAYSO QODAXDUYE

121. SAAMEEL U ORODKIYO

122. SADHINTIYO TILMAAMAHA

123. WUXUU SUUDI HUBIYOO

124. SAALADA BURBURIYOO

125. HADBA SUGUN KA QOORSADO,

126. SAGAL BAXA AROORTII

127. SAWSAWGA ARAGTIDA

128. MARKA SOGOB NIN LAGA XULO

129. SARBANAAN KA HALACSADEY

130. SIDIGTIISII LAALEYS

131. IYO SUDHAY DILAALKII

132. SIDI QABAX DABKA U SHIDEY,

133. FULAA SAANTU DEBECDAA

134. SALBABAKHA BARIIQDOO

135. SAYLAAMA GELINOO

136. SOLO MADAXA GELIYEE,

137. SIDA LEEB INTUU TOOS

138. U ABAARO SADHADIYO

139. SUQBULKII SHIDADA DHIGAY,

140. SALWAWAHA TIRAW KULUL

141. SUBCIS XAADA KICIYIYO

142. SAAQA DAALALEYDIYO

143. SIINLEEY MAR FURASHO AH

144. KU SALAAMA KEDISADA,

145. SURMA SEEGTO MAGANOO

146. SAAYIRAADI DHIMATAYE

147. SEERAARKA FADALKIYO

148. SOOYAANKA QALABKIYO

149. SUUBAAN IS ROGIDIYO

150. SIIGO AAGA XIDHATIYO

151. SAWAWAXA NIN HOOTIYO

152. SUMUC HEEREY BOQONTOO

153. SUXUL KAABSI MOOYEE

154. SOCOD IYO DURDURO GABAY

155. SAAMAXAADNA FILAHAYN,

156. SOOL KU JOOGA FARAS IYO

157. SOONA AADAN YAHAY MAWD,

158. SIBIRO DHIIGLE KIBIR IYO

159. SOO KORODHSO GEELBAA

160. SALIILYADA ILKAA IYO

161. SAMBAB HABAYA KEENOO

162. DHEESHU LABA MA SOORTEE,

163. SAABIR LABA ROGGIISIYO

164. SUGIDDIISA NABARKIYO

165. SIN TUMAATIGIISIYO

166. SAABLEY KA HUGUNKIYO

167. SAHAL FURASHADEEDIYO

168. SUBAX HOREBA GUUSHUU

169. SUNTADUU LA DHEELMADO,

170. ADUUMBAA SALUUGOO

171. SIXI WAAYEY MOOYEE,

172. DHALINYARADA SAAKIYO

173. AFKA HOOYO SACADAW,

174. RAG HADUU KU SAHASHADO

175. QAYRKAA SED KAA WADO,

176. SAMAY WARAN KU JOOGOO

177. SOOBIR XOOGLI GANAYOO

178. SAARUUKH LA MOODIYO

179. SINKALAAB CAGFUDUDOO

180. NIN SAMAYSTEY GANAFKIYO

181. SARAW TAAGO MADAXOO

182. SEERIHIISA LAGA BAQO

183. SAANAD WEEYE YAAB BADAN.

184. SANKAA KUU DALOOLIYO

185. SUTI IYO ANAA IDHI

186. SAMAC KUMA MAGAABOO

187. SAXU KUMA BILQADO OO

188. SI KALAAY U TARANTAA,

189. MARNA WAA SABAALAYN

190. SULUX IYO WALAALAYN

191. SINNAAN IYO IS KAALMEYN

192. SAMATALIS WARKIIYOO,

193. SABEEN JIRATO EHEL IYO

194. ZAAD WADAAG INEY TOO

195. SALI QUDHA KU HURUDOO

196. SABUULKIYO XASIIDUNA

197. SAXAN UUGU JIRO QUDHA,

198. SIKO IYO HAYAAMEYN

199. SULDAAR KA DEBED YAHAY,

200. ISASUDHAN XIGTO AHOO

201. SEEDINIMO U DHEER TAHAY,

202. LAGU SUGO AMAANKOO

203. SAKATIGA NIN BAYRLOO

204. SANQADH IYO DURBAAN IYO

205. SALAL IYO INKAAR IYO

206. SEENYAAL U BAXAYOO

207. SAHAYOO TIGTIGANOO

208. SEEF IYO BILAAWIYO

209. SITA AALAD XOOGLAA

210. SADAR LAGU DAWEEYAA.

211. MARNA WAA SIR CULUSOO

212. SABI LAGU BARBAARSHOO

213. SAATIR LOOGU MAHADSHOO

214. KU SARBEEBAN CAANAHA

215. SAQDA DHEXE HABEENKOO

216. SADEX LABA U DHEELMADEY

217. SUUBAN LAGA JAQAAYOO,

218. WERSHAD AAN SALGUUREYN

219. SALIID IYO U BAAHNEYN

220. SIRAAD LAGU AGAASIMO

221. SOO SAARIDEEDUNA

222. SAACAD QUDHA HABSAAMEYN

223. WAXA SAARAN DUNIDIYO

224. SUNUUD IYO FIDIYO DAHAB

225. HADII LAYSU SOO GURO

226. SAXAR WUXUU KA QAADIYO

227. CC (SII SII) QOF LAGU MUDO

228. SINA AAN U GOYNEYN,

229. SANCO AADMI GARAN KARO

230. KA SALWEYN DAREENKIYO

231. SAAMAYNTA RUUXOO

232. SUUGAANTA HOOYIYO

233. SALSALAAXI DEEDIYO

234. SABARKIYO DHABTEEDUUN

235. SED KU GAARA WEEYAAN.

Maansadan waxaa tiriyey -Maxamed Shugri

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE