Baaq Ku Socda Beesha Caalamka Somalia Doorashada Madaxtinimada Gacanta Ku Haysa Sida UN, UK, USA, EU İyo IGAD In DF Somaliya Fashil Ku Sugan Tahay

Anigoo Kuhadlaya Afka Shacabka Geeska Afrika Ee Somaliya Ee Dulman Og Khiyaanada Dalka Soomaaliya Kasocota Siyaasigii Ugu Horeeyey Ee 4 Sano Kudhawaaqayey Dulmiga Xukuumada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud Kuhayso Shacabka Geeska Afrika Ee Somaliya Ee Dulman Oo Maanta Soomali Oo Dhan Markhaati Kawada Tahay Wixii 4 Sanadood Kahor Aan Aragnay İn Maanta
Xisbiyada Muqdisho Raga Madaxda Ka Ah Oo Xiligaas Dulmiga İska İndhatirijiray Shabeelada Hoose İyo Jubboyinka İyo Hiiraan Oo Xaqdarada Xasan Sheekh Kuladhaqmay Dadka Deegaanada İs Kale Oo Dhulkoodii Dad Aan Shaqo Kulahayn Loo Sharciyeeyey İyo Dhiigoodii Oo Laxalaashaday Waxaa Maanta Markhaati Madoonto Ah İn Qofkasta Oo Muqdisho İyo Somaliya Jooga Uu Qirayo İn Xasan Sheekh Maxamud Uu Kufashilmay Cadaalad İnuu Soomaaliya Ku Hogaamiyo İyo İnuu Abuuray Xaalad Colaadeed Oo Dalka Soomaaliya Kajirta, Maanta Waxaa İntaas Sii Dheer
Soomaaliya Waxaa Kuqoran Lacag Dhan 5 Billion Dollars Oo La Yidhi Waykubaxday 4tii Sanadood Ee Lasoo Dhaafay İyo Ugu Yaraan 2 Billion Lacag Kabadan Oo Musuqmaasuqa Lagu Lunsaday, Waxaa Lagataa Deeqaha Waxbarasho Ee Caruurta Somaliya Loogu Deeqo, Waxaa Sigooniya Loo Kala Wareejistaa İyadoo Laaluush Lakala Qaadanayo Mashaariicda Horumarinta, Dalka,Caafimaadka, Ganacsiga, Safaaradaha, Shaqaalaha Hay’adaha, Dekedaha Sida Dubai Port Berbera Oo Dawlada Federalka Soomaaliya Uae Oo Dalbatay İn Laaluush 9 Million Ah Laga Siiyo İnay Ansixiso, Horumarinta Beeraha İyo Xoolaha İyo Waliba Mashruuca Ugu Balaadhan Ee Beesha Caalamku Si Hagar La ‘Aana Ugu Bixisay Lacagta Ugu Badan Oo Ah Nabadgaliyada İyo Ladagaalanka Argagixisada Taasoo Aan Wax Horumar Ah Laga Gaadhin Laguna Fashilmay İn Amaan Buuxa Loo Diyaariyo Shacabka Soomaaliyeed Ee Dulman.
Fashilba Fashil Kadaran Ayey Kusii Hoobanaysaa Xukuumada Xasan Sheekh Maxamud Uu Kali Talisnimada Ku Hogaaminayo Ee Qarka Kasii Laad
Laada.
Fashilkii Ugu Dambeeyey Waa İnuu Ugaasyadii Beelaha Soomaliyeed İyo Salaadiintii Ka Garab Sameeyey Kuwo Bug Ah Oo Uu Rabo İnuu Codka Ku Helo. İyo İn Xiligii Doorashada Madaxtinimada İyadoo Lajoogo Aan Waxba Diyaar Ahayn Waxaasoo Dhan Cadaynayaan İn Dawladnimada Soomaaliya Ay Noqotay Wax Nin Qudha Kutakri Falo İyo Fashilka Haysta Xasan Sheekh Maxamud.
Malaayiin Qof Baa Ku Shaqo La’ Dalka Gudihiisa Nimanka Shaqadoodii Kufashilmay Buu Kolba Meel Cusub U Magacaabayaa Dalka Soomaaliya Wuxuu Ubaahanyahay İsbadal Weyn Oo Muuqda İyo İn Qof Kasta Oo Soomaali Ah Xuquuqdiisa Siyaasadeed Uu Helo Una Madaxbanaan Yahay İnuu Shirarka Udiyaar Garoowga Doorashada Madaxtinimada Lagu Qabsankaro Muqdisho Hadii Kale Dawladnimada Ay Meesha Kabaxayso Oo Fawdo Noqonayso.
Soomaaliya Hadii Kalitalis Kashaqaynayso Horaa Loogu Tijaabiyey Ee Umada Xuquuqdooda Aasaasiga Ah Ee Umadnimo İn Ladhiso.
Fashilkaas Dartii Haduuna İsu Casilin Xasan Sheekh Maxamud Waa İn Doorasho Xaq Ah Oo Xor Ah Ay Dhacdaa Shacabka Soomaliyeed İyagaa Tashan Doona Ee.

Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Ee Somaliya Hogaankiisa Waxay Ugu Baaqayaan Dhamaan Oday Dhaqameedyada İyo Siyaasiyiinta Mucaaradka İnay Kumidoobaan İsbadal Muuqda İnuu Dhaco Oo Cadaalad Lahelo.
Beesha Caalamku Waa İnaysan Xadgudubka Xasan Sheekh Maxamud Kutaageerin Ee Ay Joojiso Dulmiga Muuqda Ee Ay Kutaageerayaan Xasan.
İn Shakhsiyaad Ladhiso Oo Awood Siyaasadeed Ay Umada Kudhex Yeeshaan Waa Burbur Hor Leh Oo Dawladnimada Soomaaliya Kuyimid İyo Fashil Weyn.

Gabagabadii Midnimada İyo Wadajirka Ayey Umaduhu Ku Hormaraan, Khilaafka İyo Dagaalada Sokeeye Burbur İyo Baaba’ Mooyee Faaido Lagama Helo Ee Umada Soomaliyeed Haku Midawdo Danteeda.

Musharaxa Madaxtinimada Somaliya Gudomiyaha Xisbiga Shacabka Geeska Afrika Ee Somaliya
Philosopher: Haabiil Cabdi Haybe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE