Dhageyso Gudoomiye Yariisow Oo Sheegay In Raashinkii Gargaarka Turkiga Ee Shacabka Degmada Marka Lagu Kala Iibsaday Suuqa Afgooye

Gudoomiyihii hore ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose Maxamed Cismaan Yariisow ayaa  masuuliyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyey in ay dhaceen Deeq raashin ah oo dhawaan ka timid dowladda Turkiga taasoo la gaarsiiyey inta badan degmooyinka gobolada Somalia.

Maxamed cusmaan Yariisoow,oo Wareysi siiyay Radio Danan Muqdisho ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan mamaulka Koonfur Galbed ay suuq madoow ku iibsadeen rashinkaas oo loogu talo galay sahcabka degan gudaha gobolka Shabeelaha hoose.

Mudane Yariisoow ayaa intaas raaciyay in Suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose inta badan raashinkaas lagu kala iibsaday.

Wasiiro ka tirsan maamulka K/Galbeed oo ku sugan qaybo ka mid ah degmada Marka ayaa xiligan doonaayo inay geeyaan degmada Marka raashin yar oo ka soo haray intii badneyd ee suuqa Afgooye lagu iibiyey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE