Kooxo Careysan Oo Maanta Hawada Ka Saaray Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Faraceeda Magaalada Marka (Faahfaahin)

Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii xoog ku galay xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Marka iyagoo Hawada ka saaray shirkadda Hormuud.

Shirkadda Hormuud faraceeda magaalada Marka ayaa sanadihii ugu dambeeyey wuxuu muran xoog leh ka taagnaa nin maamule ay shirkadda Horumuud uga soo dhigatay faraceeda magaalada Marka oo lagu magacaabo C/Kariin Shiino.

Dadka deegaanka ayaa isku waafaqay in C/Kariin Shiino oo deegaan ahaan ka soo jeedo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud uu maalgeliyo mooryaan barakicin iyo dhibaato kale ka wado magaalada Marka.

Maamulka sare ee Shirkadda Hormuud ayaa in badan loo gudbiyey ashtako ka dhan ah C/Kariin Shiino oo lagu eedeeyey dagaal-ooge-nimo iyo inuu maalgeliyo oo masruufo tiro mooryaan ah oo xoog ku deggan guryo ay leeyihiin shacabka magaalada Marka.

Sidoo kale, Waxaa jiro wiil uu dhalay C/Kariin Shiino oo hub ku haysto gudaha magaalada Marka oo dhowr jeer dhac iyo tacaddiyo kale u geystay shacabka magaalada Marka.

Waxgaradka magaalada Marka oo dhowr jeer ka codsaday Shirkadda Hormuud inay ninkaan dagaal-oogaha ah C/Kariin Shiino ku soo bedesho qof dadka deegaanka u dhashay oo socodsiin karo karo adeegyada shirkadda balse arintaasi waxaa dhegaha ka fureystay maamulka shirkadda Hormuud oo weli aan dareemin khasaaraha iyo khatarta weyn ee ka dhalan karto Uur-kutaalada shacabka deegaanka.

Waxaa xiligan socdo dadaalo ay wadaan waxgaradka qaarkood sidii hawada markale loogu soo celin lahaa adeeggii isgaarsiinta shirkadda Hormuud faraceeda magaalada Marka oo ilaa hadda hawada ka maqan.

Shirkadda Hormuud ayaa la sheegay inay si toos ah ugu lug lahayd dagaaladii ba’naa ee maleeshiyaadka Xasan Culusow iyo dadka deegaanka u dhexeeyey ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacaayey magaalada Marka.

Adeega Shirkada ayaa hawada ka maqan ilaa duhauradii maanta (1-dii duhurnimo) oo laga war helay in shirakada hawada hawada laga saaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE