Maxaad Kala Socotaa Shir Dhawaan Ka Dhici Doona Magaalada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Xog)

Ka dib shir dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan guriga Ibraahim Cali Xaaji ayaa lagu go’aamiyey in shir deg deg ah lagu qabto magaalada Nambar 50 ex Raaxoole ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sidaan horey u baahinnay shirkii ka dhacay guriga Ibraahim Cali Xaaji ayaa waxa abaabulkiisa lahaa Maxamed Abuukar Timagaduud iyo Maxamed Xaaji Baabow oo wata qandaraas lagu soo qaatay wadahadal dhex mara Beesha Dhulboobka iyo dadka dega Shabeelada hoose, waxaana dhaqaale ku bixineyso hey’ad beeleedda Tubta Nabada.

Warbixin ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa sheegaysa in shirkaas lagu magacaabay gudi qaban qaabiya shir lagu qabto Namabar 50, kaas oo sida balanta ay tahay la sheegay in diyaariyaan qaabka uu u qabsoomayaan ajaandayaasha shirka soo socda.

Shirka ka dhaci Nambar 50 ayaa sida wararku sheegayaan bilow u ah wadahadalada lala gali doono beesha dhul boobka ee xooga ku haaysata Gobolka Shabeelada hoose, welina ku taameysa barakicinta iyo sii haaysashada Shacabka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ka qeybgalayaasha shirka ay isaga kala imaan doonaan inta u dhaxeysa Baraawe ilaa deegaanka Muuri, waxaana lagu soo dari doonaa kooxda Timagaduud ee Muqdisho ka imaan doonta.

Arimahan ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa ay ka socdeen magaalada Muqdisho, kooxda markan lasoo siiyey qandaraaska wadahadalada dadka dega Shabeelada hoose iyo beesha dhul boob ayaa damaceedu yahay sidii Shacabka looga dhaadhicin lahaa joojinta halganka iyo qaadashada wada noolaashaha.

Nabadoon Maxamed Abukar Timagaduud iyo Maxamed Baabow oo ku xiran Isbaheysiga  fadhiya Muqdisho ayaa qorsheenaya sidii ay dib ugu soo nooleyn lahaayeen dadaaladii loogu jirey in la iibiyo dhiiga shuhadada naftooda u hurey xoreynta deegaanadooda.

Maamulka Nambar 50 ee ay saarantahay mas’uuliyadda ugu weyn ee deegaanka ayaa ilaa hada aan ka hadlin shirarka iyo qorshayaasha lala damacsanyahay Shacabka, waxaana kala cadeyn mowqifkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran