Taariikhda Heesta “Maxaa Luray Naftaada”, Waxa Sharaxaya Abwaan Axmed Saleebaan Bide (Video)

Heestan soo socota waxa qaadaya Fanaanda weyn Hiba Maxamed Hudoon (Hiba Nuura), waxa sameeyey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah abwaanada taariikhda faneed ku leh kuwa Soomaalida.

Heesta oo magaceedu yahay “Maxaa lurey Naftaada” ayaa dad badan ay u qabaan in ay aheyd hees ka hadleysa siyaasada laakiin sida uu sheegayo Abwaanka heesta sameeyey wuxuu u sameeyey Haweeney ay isla socdeen in mudda ah oo laga guursaday dabadeed muddo ka dib ay nolosha ku midoobeen.

“Waa Adigan Salliitee leexada ku sida hadba laan cuskanayee, liibaanteed aduunyada ruuna laasan maayee maxaa lurey naftaadee”

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE