Xaafad Ka Mid Ah Magaalada Marka Oo Dhaqaalaheeda Si Xowli Ah Uu U Kobcay Kadib Dagaaladii Magaalada Ka Dhacay (Sawiro)

Xaafadda lagu magacaabo “Waa Cuneenaa Waa Cabeenaa” waxay ka mid tahay xaafadaha dhaco Koonfurta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaafadan waxay horey u ahayd xaafad ay ku badan yihiin dadka garab raratada ah ee isugu jiro beeraleyda iyo Kaluumeysatada degmada Marka balse hadda waxay noqotay xaafad martigelisay inta badan dadkii ka soo qaxay xaafadaha gudaha ee magaalada Marka sida Xaafad Ruusiyo, Beyturaas, Buulo Jaan, Awbaale, Buufow iyo Saraha.

Sidoo kale, Xaafadda AYUUB ayaa ka mid xaafadaha martigeliyey dadkii ka soo qaxay xaafadaha kale ee gudaha magaalada oo noqotay goobo ay isku horfadhiyaan ciidamo dadka deegaanka u dhashay ah iyo maleeshiyo beeleed uu soo diray madaxweyne Xasan Culusow oo asalkooda ka yimid gobolka Galgaduud iyo meelo kale.

Xaafadda “Waa Cuneenaa Waa Cabeenaa” iyo xaafadda AYUUB ayaa waxaa ka jiro ganacsi si xowli ah u kobcaayo halka xaafadahii bartamaha magaalada ee Suuqa weyn uu ku yaalay ay burburiyeen maleeshiyo beeleedka Xasan Culusow ee Milateriga sheegto.

Magaalada Marka (1) Magaalada Marka (2) Magaalada Marka (3) Magaalada Marka (4) Magaalada Marka (5) Magaalada Marka (6) Magaalada Marka (7) Magaalada Marka (9) Magaalada Marka (10) Magaalada Marka (11) Magaalada Marka (12) Magaalada Marka (14) Magaalada Marka (15) Magaalada Marka (16) Magaalada Marka (17) Magaalada Marka (18) Magaalada Marka (19) Magaalada Marka (20) Magaalada Marka (21) Magaalada Marka (22) Magaalada Marka (23) Magaalada Marka (24) Magaalada Marka (25) Magaalada Marka (26) Magaalada Marka (27) Magaalada Marka (28) Magaalada Marka (32) Magaalada Marka (33) Magaalada Marka (35) Magaalada Marka (37) Magaalada Marka (38) Magaalada Marka (39) Magaalada Marka (40) Magaalada Marka (41) Magaalada Marka (42) Magaalada Marka (43) Magaalada Marka (44)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE