Deg Deg Dagaalyahano Daacad U Ah Sheekh Saalax Xaaji Ibraahim Oo La Wareegay Deegaano Dhowr Ah Oo Ku Yaalla Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaano ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in ay gaareen dagaalyahaano hubeysan oo ka amar qaata hogaamiyaha lagu magacaabo Sheekh Saalax Xaaji Ibraahim.

Wararka ayaa intaa ku daraya in deegaanada kala ah Buulo-sheekh, Haduuman, Farxaane iyo kuwo kale ay fariisimiyaal ka sameysteen dagaalyahaano ku hubeysan qoryaha noocyadooda kala duwan.

Goob joogayaal ayaa Markacadey.com u sheegay in wax xabad ah ay ka dhicin markii halkaas ay gaarayeen dagaalyahaaada Sheekh Saalax, ayna halkaas isaga tageen Maleeshiyaad deegaanka xoog ku joogay.

Saake ayaa lagu waabariistay Ciidamadan oo ku sugan inta badan deegaanada duleedka ka xiga degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose, Deegaanadan ayaa horey waxa u maamulaayey Ciidamada xalay la wareegay, waxaana dagaal uga saaray Maleeshiyaad Habargidir laba kaarlayaal ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran